Axmed Cali Faarax: Farda fuulkii reer Sool ee Filimkii uu jilaaga ka ahaa uu soo jiitay dunida

Xigashada Sawirka, NUH MUSSE BIRJEEB/ AXMED
Kalkaaliye caafimaad, wariye, qoraa iyo hadda oo uu noqday Jilaa, tani waa sheekada xiisaha leh ee Axmed Cali Faarax, farda fuulkii ku dhashay gobolka Sool balse noqday jilaaga filimka “Tuulo Janno” ee ka mid noqday Filimaan lagu soo bandhigay Mahrajaanka ugu weyn dunida ee filimada lagu soo bandhigo ee Cannes ee dalka Faransiiska.
Axmed, wuxuu BBCda u sheegay inuu jeclaa daawashada filimaanta basle uusan waligiis ku fekerin in uu jilaa ka noqon doono filim la nooca kuwii uu shaashadaha ka daawan jiray.
“Tani waxay ii ahayd fursad runtii, isma ogayn inaan lahaa hibadan laakin waxaan uga mahad celinayaa, soo saarayaasha Filimkan ‘Tuulo Jano’ ee i siiyey fursadan si aan u noqdo Jilaa” ayuu yiri Axmed.
Filimkan Axmed, uu ka jilaaga ka yahay ee ‘THE VILLAGE NEXT TO PARADISE’ ama Tuulo Janno’ ayaa si weyn u gilgilay majrahaanka Cannes ee dalka Faransiiska halkaas oo lagu soo bandhigay.
“Waxay ahayd wax la yaab leh sida dadka daawaday Filimka ay uga heleen oo ay u soo dhaweeyeen” ayuu BBCda u sheegay Axmed.

Xigashada Sawirka, festival-cannes
Maxamed Harawe, waa soo saaraha Filimkan wuxuu BBCda u sheegay in heerkan uu soo gaaro Filimku ay ka dhigan tahay guul aan yarayn.
“In kumanaan Filimaan ah oo loo soo diray Mahrajaankan ugu weyn caalamka ee Cannes uu Filimkeena ‘Tuulo Jano’ ka mid noqdo 22-ka la doortay ayaaba guul weyn ah, wayna sii soconaysaa arrintu” ayuu yiri Maxamed Harawe.
Axmed Cali Faarax, jilaaga Filimkan wuxuu sheegay in hadda uu hiigsanayo meel sare “Hadda lugaha ayaan la galay badaha Filimada laakiin waxay rajaynayaa inaan si dhammaystiran u quusi doono oo an mustaqbal horumar leh ka gaari doono” ayuu intaas raaciyey.
Isagoo ka sheekaynaya sida uu xalay dareenkiisu noqday markii la daawaday Filimka ayuu yiri “ninkaygii farda fuulka ahaa ayaa filim uu jilaa ka yahay sidan noqoyaa waxay igu ahayd wax qaadan kari waa ah”.

Xigashada Sawirka, AXMED CALI FAARAX
Axmed Cali Faarax, wuxuu ku dhashay degmada Xudun ee gobolka Sool.
Barbaarnimadiisii wuxuu ahaa farda fuul, fardaha ku erya dooxada Nugaal iyo dooxooyinka xaysinka leh ee degmooyinka Xudun iyo Talleex balse wuxuu bartay cilmiga caafimaadka isagoo muddo uu ku shaqeeyey xirfadaas.
Markii danbe Axmed, wuxuu noqday wariye ka howlgalay warbaahin ku taalay magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.
Hadda wuxuu u diga rogtay jilaa filimadaa oo si weyn u soo jiitay soo saarayaal badan oo filimada ka dib bandhiga Filimka uu jilaaga ee ‘Tuulo Jano’ kaas oo helay taageero badan.
Nuxurka Filimka ‘Tuulo Jano’

Xigashada Sawirka, NUH MUSSE BIRJEEB
“Tuulo Janno” waa qisada iyo sumadda uu wato Filimkan lagu jilay Soomaaliya kaas oo soo jiitay culimada Aflaanta kala saarta ee Mahrajaanka Cannes ee dalka Faransiiska.
Filimkan ayaa lagu jilay magaalooyinka Eyl iyo Garoowe ee Puntland, laakiin wuxuu hadda safka hore ka galay ilaa dhowr iyo toban filim oo loo xushay inay ugu wanaagsan yihiin kuwii la soo bandhigay sanadkan 2024-ka.
Soo saaraha Filimkan Maxamed Harawe,wuxuu aaminsan yahay in bandhigga Filimkan iyo kuwa la mida oo ay Soomaali soo saarayaal ka ahaayeen uu ka turjumayo sawirka wanaagsan ee Soomaalida.
“Sida looga hadlayo Filimkan waxay wax weyn u tahay dhammaan Soomaalida maxaa yeelay Filimkaan iyaga ayuu matalayaa” ayuu yiri Harawe.
Xulashada Jilayaasha

Xigashada Sawirka, festival-cannes
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In Soomaaliya laga helo jilayaal si farshaxan leh u gudbiya qiso uu xambaarsan yahay Filim u weyn sida Tuulo Jano’ waxay ahayd shaqo adag oo daal iyo doorashadu adkaayeen sida uu BBCda u sheegay Maxamed Maxamuud Jaamac oo ahaa agaasimaha jilayasha filimkan soona xulay jilayaasha ka qayb galay.
“Dadku markii ugu horreysay ee aan waydiino Filim wax ma ka jilaysaa waa nala yaabi jireen , waxaan ku dhihi jirnay Filimaanta Hindida ma daawataan, haa tusaalooyinkaas ayaan siin jirnay balse waddo dheer ka dib dadku waa aqbaleen inay ka qayb qaataan jilitaanka Filimada” ayuu yiri Maxamed.
Canab Axmed Ibraahim, waxay iyaduna ka mid ahayd jilayaasha Filimkan iyadoo kaalinteedu ahayd Aktarad, waxay BBCda u sheegtay in sida dadkii bandhiga Cannes ee Filimka ka soo qayb galay ula dhaceen ay u dhiiri galinayso inay sii wado jilitaanka filimada.
“In dalkayga iyo dadkayga laga gudbiyo filim ka turjumaya quruxda iyo dhaqankooda waxay ahayd wax i farxad galiyey inaan ka mid ahaado dadkii jilay, waayo haddii wax xun nalaga gudbin jiray hadda waxaan gudbinay wax wanaagsan” ayey tiri Canab.
Axmed iyo Canab labada waa markii ugu horeysay ee Filim ay labada qof ee wada Filimka ka yihiin la sameeyey lana soo bandhigay.
Maxay Sheekada filimada Soomaalida loogu xiisaynayaan sidan

Xigashada Sawirka, AHMED FARAH
Axmed Faarax, wuxuu ka mid yahay filim soo saarayaasha Soomalida ee sameeyey Filimo dadka jilaya badankoodu Soomaali yihiin, sidoo kalana xambaarsan sheekooyin ku saabsan Soomaalida, BBCda ayuu u sheegay in waxaa ugu weyn ee uu filayo in uu xiisaha u yeelay ay tahay sida dhaqanka iyo farshanka leh ee Soomaalidu sheekooyinkeedu u dhigan yihiin.
“Mar waxaan nahay dad ku waanagsan sheekada sheegitaankeeda, waayo awoowayaasheen waxay sheekooyinkooda ku soo bandhigi jireen qaab gabayo ah, laakin hadda jiilkeena sheekooyinkaas ayaan u badali karnaa kuwa muuqaal ah waana sababta Filimaanteedu hadda u soo jiidanayaan caalamka” ayuu yiri Axmed.
“Tusaale ahaan dadkii xalay daawaday Filimka ‘THE VILLAGE NEXT TO PARADISE’ ama Tuulo Janno’ waxay dhahayeen ‘la yaab, la yaab.’ Haddana anaga waxay ahaayeen wax caadi ka ah agteena. Marka dadkii dunidu waxay arkayaan qaab cajiiba oo sheekooyinka aan u soo gudbinayno”ayuu intaas raaciyey.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa soo kordhayey tirada filimada ka turjumaya sheekooyinka Soomaalida kuwaas oo ay jilayaal iyo soo saarayaalba ka yihiin Soomaali caalamka kaalimo fiican ka galay.
















