Filimka Soomaaliga ah ee malaayiinta Doollar lagu bixiyey ee maanta ka soo baxay Malaysia

Xigashada Sawirka, Musa Ali Adan
Dalka Malaysia waxaa laga billaabay daawashada filim la magac baxay Malbatt Misi Bakara. Filimkan ayaa ah mid laga sameeyey dhacdadii 3 Oktoobar 1993 ee magaalada Muqdisho lagu dilay 19 askari oo Ameerikaan ah iyo tiro aad u badan oo Soomaali ah.
Jilaaga Filimka, Muuse Cali Aadan, wuxuu BBC u sheegay in laga soo dhex doortay seddex jilaa oo midkood uu yahay jilaaga filimkii Captain Philips – Barkhad cabdi sababo la xiriira ”aflaam hore uu u jilay”.
Qisada Filimka
Sida uu BBC u sheegay Muuse Cali filimkaas oo ay ku kacday lacag dhan $3.4 malyan waxaa lagu sameeyey Turkiga iyo Malaysia.
Kaalinta aan filimka ku lahaa waa jilaaga 1aad, waxaana ku jilayey turjubaan u shaqeeya Qaramada Midoobay oo caawinaya ciidanka Maleysia, waxaana ka xumaa dhibaatada ku dhacaysay dadka Soomaaliyeed.
"Maraykanka waxay dunida oo dhan tuseen waa in Soomaalidu xun tahay oo ay dagaallanto, lakin Malaysia waxay filinka ku gudbinaysaa waxa runta ah, wuxuuna muujinayaa in Soomaalidu dad fiican yihiin” ayuu yiri JIlaaga filimka, Muuse Cali aadan.
Wuxuu intaa ku daray in filimka uu muujinayo muslimiin dalal kale ka yimid sida Malaysia iyo Pakistan, kuwaasoo Soomaalida badbaadinaya.

Xigashada Sawirka, Musa Ali Adan
Shakhsiyadda Filimka
"Filimka wuxuu ku socdaa nin dhallinyar oo ah aabbe hal cunug leh oo la yiraahdo Cabdalla, kaasoo isku dayaya inuu dadkiisa tuso waxa ay u dagaallamayaan, dunidana uu tuso in aan nahay Soomaali doonaysa in aan dalkeenna badbaadinno ayuu filimka ku socdaa” ayuu yiri Muuse.
Wuxuu dhaliilay Black Hwak down, wuxuuna yiri “waxay dadka tuseen ilma yar oo qori haysta oo dagaallamaya, dumar dagaallamaya, dad aan ogayn waxa ay u dagaallamayaan. Filimkan wuxuu uga duan yahay, waa mid muujinaya in aan nahay dad doonaya inay dalkooda badbaadiyaan.
Wuxuu intaa sii raaciyey “Qisada filimka waa maxaad dalkeena u timaadeen, idiinma yeeran ee naga baxa inanga ayaa is badbaadinayna”.

Xigashada Sawirka, Musa Ali Adan
Macluumaadka Filimka
Filimkan oo maanta daawashadiisa ay ka bilaabatay dalka Malaysia ayaa ku baxaya luqadaha Malay, Ingiriis iyo Soomaali.
“Hadda Malaysia oo kaliya ayuu ka soo baxay, waxaana afartii saacadood ee ugu horreeyey laga sameeyey lacag lagu qiyaasay $300,000. Netflix wuxuu ka soo muuqan doonaa bisha dambe dhamaadkeeda, halkaasoo ay dadku ka heli karaan”.
Taariikhda filimada ee Muuse Cali Aadan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muuse Cali Aadan wuxuu BBC u sheegay in uu bilaabay jilidda filimada laba sano ka hor. Fanaanka K’naan ayaa gobolka aan jogo iigu yimid isagoo filim samaynaya, ka dibna wuu i shaqaaleysiiyey si aan ula jiló, xilligaasna ma aanan aqoonin jilidda, isaga ayaa i baray” ayuu yiri.
Wuxuu sii raaciyey “meeshaas ayaan ka bilaabay jilayaal waaeyn ayaan la kulmay. Ilaa hadda waxaan sameeyey filimmo qaarna ay soo baxeen qaarna aysan soo bixin” ayuu yiri Muuse.
Wuxuu tusaale u soo qaatay filim ka soo baxay Apple TV kaasoo la yiraahdo camel on a stick oo uu wax jilay. Wuxuu kaloo wax ka jilay The Graduate.
“Halkaas ayey iga arkeen filim sameeyeyaasha Malaysia, iyago ii sheegay in doonayaan in aan u sameeyo filimkan.
Qof ahaan wuxuu isku sifeeyey “qof waddankiisa u dadaala”. Muuse Cali Aadan ahaan iima fiiriyaan ee waxay arkaan qof Soomaali ah, waxaanan u dagaallamaa waddankayga. Magacayga wuu fiican yahay, laakinse waxaa iiga muhiimsan dalkayga” ayuu sii raaciyey Muuse.













