Prigozhin Ma wuxuu ahaa "meyd socda"

Xigashada Sawirka, WAGNER TELEGRAM ACCOUNT / HANDOUT
Markii Yevgeny Prigozhin iyo ciidamadiisa Wagner ay bilaabeen kacdoonkoodii laba bilood ka hor, Vladimir Putin waxaa uu dareenkiisa u muujiyay si cad. Waxa uu ku tilmaamay "khiyaano" iyo "dhabar ka toogasho" uu Ruushku la kulmay. Waxa uu ballan qaaday in la ciqaabi doono dadkii falkaasi geystay.
Sidaa darteed waxaa jiray kalsooni darro gudaha Ruushka. Markii uu go’ay heshiiskii, Mr Prigozhin iyo Kremlin-ka si loo soo afjaro gabood fallada, markii dhammaan eedeymihii lagu soo oogay aas-aasihii Wagner iyo dagaalyahannadiisa la tuuray,
Waxa ay ka dhigtay Madaxweyne Putin mid daciif ah.
Isagoo ka hadlaya tanaasulkii lagu heshiiyey, mid ka mid ah wargeysyada Ruushka ayaa faallo ka bixiyay: "Heshiiska noocan oo kale ah waxaa caadi ahaan lala galaa dadka ka soo horjeeda siyaasadda. Weligeed ma dhicin in lala galo dembiilayaasha iyo argagixisada. Taas macnaheedu ma waxa ay hadda noqoneysaa in Mr Prigozhin hadda aan u aragno siyaasi?
Isla markiiba arrimuhu waxay u ekaadeen kuwo ka duwan.
Laba bilood ka dib wakhtigaas, Mr Prigozhin ayaa hadda loo malaynayaa inuu dhintay kadib markii ay burburtay diyaaradiisa gaarka ah oo ku qaraxday meel beer ah. Taliyaha Wagner Dmitry Utkin ayaa isaguna saarnaa diyaaradda si la mid ah.
Hoggaamiyeyaasha Ruushka ayaan si weyn uga murugoon doonin geerida la sheegay ee Mr Prigozhin. Taasi waxay ku socotaa hoggaanka militariga Ruushka, oo Mr Prigozhin uu si cad oo waadix ah u cambaareeyey oo uu dalbaday in shaqada laga eryo. Madaxa Wagner waxa uu ku andacoodey in waxa loogu yeero "hirgelinta cadaaladda" ay ku guul darreysteen, hase yeeshee taas bedelkeeda waxaa lagu jiheeyay Wasiirka Difaaca Sergei Shoigu iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka, Valery Gerasimov.
Xaqiiqda, kooxda Wagner waxa ay caqabad toos ah ku ahayd awoodda madaxweyne Putin iyo bahdilaad 24 saacadood ah oo ku socotay Kremlin-ka. Mr Putin laf ahaantiisa waxa uu tilmaamay in dawladda Ruushku ay maalgelinaysay Wagner, balse lacagtu si cad uma iibsan daacadnimada kooxda.
Haddii tani ay ahayd fal aargoosi ah oo ay sameeyeen kuwa awoodda haya, taasi waxay si cad u direysaa labo farrimood kuwa daacadda u ah Mr Prigozhin iyo qof kasta oo kale oo Ruush ah oo laga yaabo inuu ka fikiray iska caabin hubaysan:

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taasi waxay la macno tahay in Madaxweyne Putin uu ka soo bixi karo dhacdooyinkan cajiibka ah ee gudaha si xoog leh.
Laakiin maxaa dhacaya haddii Mr Prigozhin uu noqdo qof la dilay? Ka warran haddii kuwii isaga daacadnimada u ballanqaaday iyo dagaalyahannada sida fiican u tababaran ay ku dhawaaqaan ficillo aargoosi ah?
Tan iyo markii uu hogaamiyay socodkii rabshadaha watay ee ka dhacay Moscow dabayaaqadii bishii June, Yevgeny Prigozhin waxa ay kormeerayaasha Ruushka ku tilmaameen "meyd socda".
Isaga oo dhawaan ka faalloonaya rajada nolosha madaxa calooshood u shaqeystayaal, Agaasimaha CIA William Burns ayaa yiri: "Haddii aan ahaan lahaa Prigozhin ma dareemi lahayn dhadhanka cuntada".
Haddii la xaqiijiyo in burburkii hawada dhexe ee diyaarad sidday Yevgeny Prigozhin uu ahaa fal aargoosi ah oo ula kac ah, tani waxay geli doontaa taariikhda Ruushka tii ugu dambeysay ee "hawlgal milatari oo gaar ah".
Prigozhin, oo hore u ahaan jiray cunto kariyaha Putin ee noqday madaxa kooxda Wagner, waxa uu lahaa calooshood u shaqeystayaal badan oo ka mid ah darajooyinka ciidankii calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner iyo kuwa kale.
Laakin waxa uu Moscow ku lahaa cadow badan, oo ay ugu muhiimsanaayeen darajooyinka sare ee ciidamada Ruushka oo uu si joogta ah fagaare yaasha uga dhaleeceyn jiray, laakinse Vladimir Putin ma cafiyo "khaa'imiinta" iyo kuwa isaga la loollama.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Alexander Litvinenko oo hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka ayaa si tartiib tartiib ah ugu dhintay isbitaal ku yaalla London 2006-dii ka dib markii lagu sumeeyay radioactive Polonium-210.
Baaritaan danbe oo la sameeyay ayaa lagu soo gabagabeeyay in gacan ku dhiiglayaashani ay waxani dilaaga ah ka keeneen Ruushka, iyadoo kaliya laga heli karay shaybaarka dawladda Ruushka. Moscow waa ay diiday in ay wax lug ah ku lahayd, balse waxa ay diiday in ay dhiibto labada eedaysane si loo maxkamadeeyo.
Gudaha Ruushka waxaa jira liis dheer oo dad ah, oo ay ku jiraan mucaarad iyo ganacsato, kuwaas oo la kulmay geeri degdeg ah, qaarkood ayaa kasoo dhacay daaqadaha dabaqyo sare". Ninka sida aadka ah uga soo horjeeda madaxweyne Putin, Alexei Navalny, ayaa hadda ku dhex jira xaalad ciqaabeed oo lagu soo oogay dacwado la xiriira musuqmaasuq siyaasadeed.
Laakin Prigozhin wuxuu ahaa kiis aad uga duwan, taas oo ka dhigaysa dhimashadiisa mid aad u muran badan Ruushka gudihiisa. Waxaa uu ahaa nin aad waxtar ugu leh Kremlin-ka oo ay qaar ka mid ah Ruushka u arkeen inuu yahay geesi qaran.
Kooxdiisa Wagner ee calooshood u shaqeystayaasha, oo la aasaasay 2014-kii, ayaa laga sameeyay xudunta adag ee hore ee Ruushka (Ciidamada Gaarka ah) iyo askar kale. Waxa ay si aad ah uga hawlgaleen bariga Ukraine halkaas oo ay ka saartay ciidanka Ukraine ee Bakhmut, iyada oo heshay sumcad cabsi leh oo aanay la wadaagin ciidanka caadiga ah ee Ruushka.
Ciidamada Wagner ayaa lagu eedeeyay xad-gudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dad rayid ah oo lagu xasuuqay Mali iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Toddobaadkan Prigozhin ayaa kasoo muuqday muuqaal la soo dhigay Telegram-ka iyadoo loo malaynayo in lagu duubay saldhig ku yaal Mali, isagoo ballanqaaday ballaarinta hawlaha Wagner ee Afrika iyo "xornimada" dadkeeda.













