Maxay yihiin ciidamada Muslimiinta ee Ruushku uu kula diriri lahaa kooxda Wagner?

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha dalka Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa kacdoonkii hubeysnaa ee uu waday hoggaamiyaha kooxda Wagner ku tilmaamay "mindi uu dhabarka ka geliyay" Ruushka wuxuuna sheegay inuu wax walba ku taageerayo Vladimir Putin.
Kadyrov ayaa xukumayay Chechnya, oo ah jamhuuriyad ku taalla Ruushka, tan iyo sanadkii 2007.
Kadyrov wuxuu taageero daacad ah u yahay Putin, mararka qaarna wuxuu Prigozhin ku taageeray sida adag ee uu u wajahay dagaalka.
Wuxuu dhowaan iska fogeeyay cambaareynta qayaxan ee Prigozhin ee ku aaddan hoggaamiyeyaasha milatariga Ruushka.
"Waxaan codsi u dirayaa dagaalyahannada – waddaniyiinta dhulkeenna hooyo. Ha u hoggaansamina dacaayad," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in dagaalyahannada Chechnya ee wasaaradda gaashaandhigga iyo ilaalada qaranka ay taageerayaan Ruushka.
Hoggaamiyaha Chechnya ayaa haysta ciidan lagu magacaabo Kadyrovtsy, kuwaasoo uu sheegay in haddii loo baahdo uu ku taageerayo Ruushka.
Wuxuu yiri: "Kacdoonka waa in la burburiyaa, haddii ay taas u baahan tahay tallaabo adagna diyaar baanu nahay!"
Chechnya ayaa muddo toban sano ah u dagaallameysay madaxbannaani balse kuma guuleysan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Markii uu billowday dagaalka Ukraine waxaa soo baxayay warar sheegaya in dagaalyahanno Jejniya ka socda ay ku sugan yihiin dalkaas ayna taageerayaan maleeshiyaadka Ruushka taabacsan.
Hase yeeshee, hoggaamiyaha taageerada ka heysta Moscow ee Ramzan Kadyrov ayaa beeniyay inuu ciidankiisa u diray Ukraine.
Wuxuuse intaa raaciyay inay noqon karaan ciidamo iskood isu abaabulay oo la dagaallamaya kuwa Ukarine.
Maxay yihiin ciidamadan, awood intee le eg ayayse leeyihiin?

Xigashada Sawirka, Mary Evans Picture Library
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si aan u fahanno doorka ciidamada Chechnya ay ku leeyihiin militariga Ruushka, waxaa habboon in marka hore la eego taariikhda Chechnya tan iyo markii la kala diray Midowgii Soofiyeet 1991.
Markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti, dalkaas ayaa u kala qeybsamay 15 jamhuuriyad, oo tan ugu weyn uu Ruushka ahaa – oo qudhiisa dhowr gobol noqday.
Qaarkood waxay waqtigaas doorteen inay xornimo ka qaataan Ruushka, Chechnya ayaana ahayd dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeya sanadkii 1991 waxaana madax ka ahaa Dzhokhar Dudayev.
Dudayev ayaa caan ku ahaa siyaasadaha Ruushka ka dhanka ah, taasoo keentay in Ruushku taageero maleeshiyaad isaga kasoo horjeeda, waxaana ka dhashay isku dayo afgembi intii u dhaxeysay sanadihii 1992 iyo 1994, waxaana guuleystay Dudayev.
Isagoo taa ka jawaabaya, aqalka Kremlin ayaa qabanqaabiyay afgembi Ruushku horkacayo iyo dagaal sanadkii 1994. Dudayev ayaa ka dib lagu dilay duqeymo cirka oo Ruushku sameeyay sanadkii 1996, heshiis nabadeed ayayna kala saxiixdeen Ruushka iyo Chechnya sanadkii 1997, waxaana kadib Chechniya loo aqoonsaday jamhuuriyad.

Xigashada Sawirka, AFP
Ciidankan Kadyrovs ayaa ka barbar dagaallamayay kuwa Ruushka ee ay kaoso horjeesteen sanadkii 1994, sanadkii 2003 ayay soo urursadeen maleeshiyaad waxayna la magac baxeen ‘Kadyrovtsy’ amabaKadyrovites.
Akhmad Kadyrov ayaa laga dhigay madaxweynaha Chechnya, wuxuuna bilaabay inuu ciqaabo dhammaanba qabqablayaashii dagaal ee hore.
Ayadoo ay sidaa tahay Akhmad Kadyrov ayaa la dilay sanadkii 2004, waxaana ku xigay labo madaxweyne ku meel gaar oo kala ahaa Sergey Abramov iyo Alu Alkhanov, ka hor inta Madxaweyne Putin uusan qudhiisa dooran Ramzan Kadyrov sanadkii 2007.
Kadyrov iyo Chechnya ayaa xorriyad iyo dhaqaale ka helayay aqalka Kremlin, Chechnya ayaana ilaa iyo haatan taageersan Putin.
Ciidamada Kadyrov ayaa ah kuwo gaar loo leeyahay. Waxay farsamo ahaan ka mid yihiin taliska Rosgvardia, oo ah ilaalada qaranka Ruushka, balse lama mid aha kuwa federaalka Ruushka.
Taa beddelkeeda, waxaa gebi ahaantoodba xukuma Kadyrov, oo u soo bandhigay Putin inuu u diro dagaalkii Suuriya iyo Ukraine.
Tiradooda rasmiga ah ma cadda, qiyaas kala duwan ayaana laga bixiyay.
Wararka qaar ayaase sheegaya in Kadyrov uu heysto ilaa 20,000 oo ciidan ah.
Qiyaas ay sameysay BBC Russia ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidankan ay sanadkii 2015 gaarayeen 6,200.













