Muxuu yahay hubka halista ah ay isku adeegsadaan Ukraine iyo Ruushka?

Hubka la hago ay labada dhinac isku adeegsadaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hubka la hago ay labada dhinac isku adeegsadaan

Ukraine iyo Ruushka ayaa dhawaan bilaabay isticmaalka bambaanooyinka la hago ee awoodda leh xilli labada dhinac ay isku hor fadhiyaan jiidda hore ee dagaalka.

Militeriga Ukraine ayaa hubka JDAM ka helayaa Mareykanka, halka Ruushka ay u suurtagashay inuu sameysto hubkan, Ruushka wuxuu bilaabay in hubkan uu adeegsado dagaalka Ukraine bishii March.

Yuriy Ignat, oo ah afhayeenka ciidamada cirka ee Ukraine, ayaa BBC u sheegay in Ruushku uu bilaabay inuu si buuxda u isticmaalo bambaanooyinka la hago, sababtoo ah waxaa kasii dhammanayaa keydka hubkiisa.

Sida laga soo xigtay Yuriy Ignat, Ruushku waxay maalin kasta 20 bambaanooyin ah ka tuuraan diyaarado iyagoo beegsanayo dhul ballaaran oo ka tirsan Ukraine sida magaalaayinka kala ah- Sumy, Chernihiv, Kharkiv, Poltava, Dnipropetrovsk, Zaporizhia, Mykolaiv, Odesa, Mykolaiv iyo Kherson.

Weerarka nasiib darrada ah ee Ruushku ku qaaday magaaladiisa Belgorod waxa kale oo uu noqon karaan inuu adeegsaday bambaanada la hago.

"Weerarrada maalin kasta ayay dhacaan, iyadoo la adeegsanayo bambooyinka la hago, kaasoo midkiiba culeyskiisu yahay 500 kg".

Waana bambaanooyin gantaallada ay xambaaraan ee leh qeybta wax hagta ee GPS-ta, wuxuu gaari karaa masaafo dhan 70 kiiloomiitar.

Diyaaradahan laga rido bambaanooyinkan ma galaan goobaha laga difaaca hawada.

Ruushku waxa ay isku dayayaan inay gantaallo ku garaacaan goobaha muhiimka ah, laakiin kuma guulaystaan arrintaas, marka bambaanadu ay ku dhacdo jiidda hore ee dagaalka gaar ahaan dhismooyinka la deggan yahay," ayuu yiri Yuriy Ignat.

Diyaaradaha dagaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bambaanooyinka Ruushka ee JDAM ER waxaa qeyb ka ah qalabka KMPK ee qaabilsan in si sax ah baambanada loo hago, waxaana adag in laga hortago bambaanadan.

Bambadu, marka hore, way yar tahay,duuliyaha diyaaradda dagaal ma maro qaabab adag marka uu bambaanada ridayo, waxay ka sameysan tahay bir aad u adag, waxaana adag in bamkan la burburiyo, Bamka ayaa lagu tuuri karaa gantaalka PAC-3 kaas oo garaacaya bartilmaameedka.

Laakiin bambaanadan waa qaali - qalabka KMPK waa ka qiimo jaban yahay in la rido xitaa hal gantaal oo lidka diyaaradaha ah, inta badan laba gantaal ayaa lagu ridaa bartilmaameedka. Laakiin waxaa jira siyaabo kale oo looga hortaggo bambooyinkaas.

Ukraine waxay weydiisanaysaa reer galbeedka inay siiyaan diyaaradaha dagaalka ee F-16 oo awoodda u leh inay xambaaraan gantaalada AMRAAM AIM-120.

Noocyada kale ee gantaalada ayaa beegsan karaa diyaaradaha marayaa hawada masaafo dhan 180 km, markaa diyaaradaha Ruushka waxay halis ugu jiri karaan inay soo gaaraan gantaalladan.

Marka la eego xaaladdaas, Ruushka ma awoodo in hubkan uu ku argagax geliyo magaalooyinka iyo tuulooyinka ku yaalla Ukraine iyo weliba jiidda hore ee dagaalka.

Militeriga Ukraine ayaa isku dayaya in ay wax ka bedelaan MiG-29-koodii hore si ay usoo ridaan gantaalada noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu keeno Maraykanka, laakiin aad ayey u adag tahay in tallaabadaas ay sameeyaan sababtoo ah si loo isticmaalo hubka noocan ah, waa lagama maarmaan in la sameeyo xog is waydaarsi ku saabsan diyaaraddii hore ee dagaalka ee la adeegsan jiray xilliggii Midowgii Soofiyeedka iyo Maraykanka.

Ciidamada Ukraine waxay barteen sida loo rido gantaalada AGM-88 HARM gaar ahaan kuwa ay soo ridaan diyaaradaha dagaalka ee nooca loo yaqaanno MiG-29s.

Bishii March,, Ciidamada Ukraine waxay bilaabeen inay adeegsadaan hubka JDAM-ER, diyaaradaha Ukraine waxay sidoo kale ridi karaan gantaallada xambaara hubkaas. Laakiin tani macnaheedu maaha in diyaaradaha dagaal ee MiG-29 iyo Su-27 si fudud loo beddeli karo.

Sida ku xusan dokumenti laga soo dusiyay Pentagon-ka Mareykanka, Ukraine waxay dhibaato ka heystaa isticmaalka hubka JDAM, hubkani had iyo jeer uma shaqeeyo, waxayna Ukraine u nugushay weerarada looga soo qaado dhinaca hababka elektarooniga, Sidoo kale waxay heshay bambaanooyinka GLSDB - ee dhulka laga hago.