Muxuu yahay hubka uu Turkiga heysto ee ay rabto Ukraine si ay ugu adeegsato Ruushka?

Taangiga Leopard 2

Xigashada Sawirka, VASILIKI

Qoraalka sawirka, Taangiga Leopard 2

Ukraine ayaa cadaadis ku saaraysa isla markaana ka codsanaysa wadamada reer galbeedka in ay siiyaan hub culus gaar ahaan taangiyada casriga ah si ay awood ugu yeelato in ay wajahdo duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalkaasi kadib dagaalka ka socda jiidda hore ee u dhexeeya ciidamada labada dhinac.

Ruushka ayaa lagu soo waramayaa inuu xoojinayo awoddiisa militari isagoo isku diyaarinaya inuu sii wado weerarrada xilligga qaboobaha ah.

Muddo ku dhawaad sanad ah oo uu socday dagaalka Ukraine iyo Ruushka wuxuu hoos u dhac ku yimid tirada taangiyada ay adeegsadaan ciidamada Ukraine sababo la xiriira khasaaraha ciidankooda ka soo gaaray dagaalka iyo agab la'aanta dhanka militeriga.

Dagaalka ka hor, Ukraine waxay lahayd ilaa 900 oo taangi oo kuwa dagaalka ah kuwaasoo ay lahaayeen Midowgii Soofiyeeti, sida taangiyada T-72, T64, iyo sidoo kale kuwa ay leeyihiin dalalka NATO oo gaaraya ilaa 200 oo taangi.

Ruushka ayaa dagaalka ku bilaabay ilaa 3,000 oo taangiyada casriga ah, waxaana bilowgii dagaalka uu ku waayay boqolaal ka mid ah hubkaas, ka dib weerarradii hubka lidka taangiyada oo ay kala kulmeen Ukraine oo caawinaad ka heshay wadamada reer galbeedka.

Ciidamada Ruushka ayaa gaaray duleedka caasimadda Ukraine ee Kyiv, balse way ka baxeen, waxayna uga dhaqaaqeen goobahaas si ay u xoojiyaan ciidamadooda ku sugan bariga Ukraine, gaar ahaan gobollada Donetsk iyo Donbass.

Militariga Ruushka ayaa dagaaladii halkaasi ka dhacay u adeegsaday xeelado cusub, ka dib markii ay iska ilaaliyeen iska hor imaad toos ah oo ay la galaan ciidamada dhulka ee Ukraine, waxayna go'aansadeen inay weerarro ku qaadaan deegaannada iyo magaalooyinka ka hor inta aysan ciidamada dhulka weerarka soo qaadin.

Taangiga Leopard 2 xilli Jarmalka uu ku sameynayay dhoolatus sanadkii hore

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taangiga Leopard 2 xilli Jarmalka uu ku sameynayay dhoolatus sanadkii hore

Culeys dhanka Istaraatiijiyadda ah

Ukraine waxay taangiyada dagaalka heysatay ilaa lixdamaadkii iyo todobaatanaadkii balse gantaallada ayaa cilado kala kulmay dayacaadda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taangiyada ugu badan ee ay Ukraine maanta adeegsaneyso waa kuwii Soofiyeet-ka, sida T-64, Taangiyadaas oo la adeegsan jiray nus qarni ka hor.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay u baahan tahay 300 oo taangiyada casriga ah oo ay leeyihiin dalalka reer galbeedka, ujeedaduna waa in ciidamada Ruushka laga saaro goobaha ay horey u qabsadeen tan iyo bilowgii dagaalka.

Dr. Jack Watling oo ka tirsan Machadka Royal ee Ingiriiska ayaa aaminsan sidan: "Ciidamadan da'da yar waxay u baahan yihiin taangiyadan si ay ciidamada Ruushka uga saaraan jiidda hore ee dagaalka kaasoo ay ilaalinayaan taangiyada dagaalka".

Britain waa dalkii ugu horreeyay ee taangiyada dagaalka gaarsiiya Ukraine, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga UK, Ben Wallace. Wuxuu xaqiijiyay 14 ka mid ah taangiyada Challenger 2 la siinayo Ukraine.

Ciidanka Ukraine waa in ay sameeyaan shabakad qaabilsan daryeelidda taangiyadan iyo sidoo kale in la sameeyo dayactir habboon oo ku aadan taangiyada.

Dawladda Ingiriiska waa inay keentaa baahida loo qabo taangiyadaas oo ay ku jiraan rasaasta iyo agabka kale, iyadoo aan si kala go' laheyn ugu wareejiso Ukraine.

Maraykanka iyo wadamada Yurub ayaa u ballan qaaday Ukraine in ay siin doonaan hub culus si ay uga awood roonaadaan ciidamada Ruushka.

Maraykanka iyo Jarmalka ayaa lagu wadaa in baabuurta gaashaaman ay ugu deeqaan xukuumadda Kiev.

Waxaase jira nooc ka mid ah taangiyada oo ay si weyn u daneyneyso Ukraine, kaasoo dalalka horay u heystay uu ka mid yahay Turkiga, waxaana lagu magacaabaa Leopard 2.

Muxuu yahay Taangiga Leopard 2?

Taangiga Leopard 2

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taangiga Leopard 2

Taangiga Leopard 2 waa hubka wanaagsan ee la gudboon inay hesho Ukraine maadaama si weyn ay u adeegsadaan dalalka Yurub ee ka tirsan gaashaanbuurta Nato. Haatan 2,300 oo taangiyadan ah oo noocyo kala duwan leh ayay adeegsadaan ciidamada dalalkan, si fudud ayaana lagu geyn karaa Ukraine.

Taangigan ayaa lagu isticmaalaa hubka NATO, waxaana saanaddan laga heli karaa waddan kasta oo NATO ah, iyadoo dalalkan ay haystaan ​​xaddi badan oo hubkan ah, iyo taangiyada Maraykanka ee M1 Abrams oo iyaguna isticmaala isla hubka Leopard 2, sidaas darteed Maraykanku wuxuu ku siin karaa hubka taangiyadaas.

Inkasta oo noocii ugu horreeyay ee taangiga Leopard uu suuqa soo galay afartan sano ka hor, wuxuu soo maray qaabab badan oo horumarineed iyo casriyeyn kala duwan, iyada oo noqotay mid ka mid ah taangiyada ugu fiican adduunka marka loo eego hufnaantiisa, ilaalinta iyo awoodda.

Waxaa isticmaalaa huban ciidamada 18 wadan oo caalamka ah, oo ay ku jiraan Qatar, Singapore, Indonesia, Chile. Kanada, iyo dalal badan oo Yurub ah.

Turkigu wuxuu hesytaa boqollaal taangiyada Leopard 2 ah, waxana uu u isticmaalay hawlgalladii milatari ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ka dagaallama gobolka Afrin sanadihii 2018 iyo 2016-kii ee ka dhanka ahaa maleeshiyada "Dawladda Islaamka" ee Jarabulus iyo al-Bab ee Suuriya.

Taangiga Leopard 2

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada Turkiga ayaa toban taangi oo noocaan ah ku waayay dagaalkii ay ku qaadeen magaalada Al-Bab kula galeen maleeshiyaadka xagjirka ah, taasoo ceeb weyn ku aheyd ciidamada Turkiga oo mar walba ku faani jiray awoodooda, falanqeeyayaasha qaar waxay khasaaraha u aaneeyeen in tababar la'aan dhanka taangiyada ah iyo qaladaad dhanka taaktikada ah.

Khubaro badan ayaa rumeysan in gantaallka Leopard 2 uu la mid yahay taangiga Maraykanka ee Abrams M1 marka la eego waxqabadka hubka iyo guulaha dhanka weerarka ah, xawaaraha iyo awoodda hubka.

Sacuudi Carabiya waxay dooneysaa in ay soo iibsato inta u dhexeysa 400 ilaa 800 oo gantaalka Leopard 2 ah oo ay gasho qanddaraas ku kacaya dhowr bilyan oo doolar, laakiin dowladda Jarmalka way diiday arrintaas sababtoo ah rikoorka Sacuudi Carabiya ee dhanka xuquuqda aadanaha iyo faragelinta Sacuudiga ee uu ku hayo Bahrain, waxay go'aansatay inay iibsato 400 oo taangiyada Abrahams.

Taangiga Leopard 2 noociisii ugu dambeeyay ee A7+ oo ay jiilalka soo socda adeegsan doonaan ciidamada Jarmalka, waxaa lagu khiyaasaa 67.5 tan, wuxuuna ku wanaagsan yahay lidka diyaaradaha, sidoo kale wuxuu ka hortaggaa miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa iyo ka hortagga gantaallada RPG.

Xawaaraha ugu badan ee taangigan uu socod ahaan ku jari karo waa 72 kilomitir saacadiiba, marka uu howlgalka ku jirana waxa uu dhaqdhaqaaq ku sameyn karaa dhul gaaraya ilaa 450 kiiloo mitir saacaddiiba.