Sidee lagu dhisay dekedda Garacad?

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Maanta ayay ahayd markii Hantidhawraha Guud ee Soomaaliya uu sheegay in maamulka Putnland ay iibiyeen laba xero oo ay lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo lacagtii ka soo baxday lagu daray maalgelintiii lagu dhisayey dekedda Garacad, taas oo ka dhigan in dekeddaas umadda Soomaaliyeed wada leedahay wixii ka soo baxa.
Axmed Ciise Guutaale, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in xerooyinkaasi ku yaalleen gobolka Mudug, isla mar ahaantaana lagu gaday lacag gaadhaysa 20 Milyan oo dollar, taas oo kaddibna lagu daray hantidii kala duwanayd ee lagu dhisay dekeddaas.
Waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey in aanu siyaasad ku lug lahayn ee ee keliya ay tahay shaqadiisii ahayd masuuliyadda dabagal ee xafiiskiisa ka saaran hubinta iyo la socodka hantida ka dhaxaysa dadweynaha.
Dhanka maamulka Puntland ayaan weli ka falcelin hadalkan.
Muddooyinkii u danbeeyey se Maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka waxaa ka dhexeeyey isfaham darro siyaasadeed.
Maxaynu kala soconnaa sidii uu ku bilawday dhismaha Dekedda Garacad?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Dhamaadkii sannadkii hore gaar ahaan bishii Oktoobar ayaa ay ahayd markii xaflad ay si weyn loo soo agaasimay oo ay ka wada qaybgaleen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni xadhigga lagaga jaray dekeddaas.
Sida oo kale mas’uuliyiin ka socotay gobolka ayaa ka qayb galay xafladdaas, waxaana kamid ahaa madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar iyo wasiirka gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale.
Mashruucaan dekadda Garacad, ayaa la dhagax dhigay sanadkii 2019-ka, inkastoo howsha iyo qaban qaabadu ay soctay muddo intaa ka badan, haddana waxay soo martay marxalado kala duwan.
Daahfurkii kal hore oo ahaa wejigii koowaad ee dekeddaas ayaa la sheegay in ay ku baxday 125 illaa 180 millyan oo doollar, halka dhammaystirkeeda oo dhanna qiimaha lagu qiyaasay ku dhawaad yahay 300 milyan oo doollar.
Mahruuca dekedda Garacad ayaa ka kooban dekeddaas iyo waddo laami oo tegi doonta. Sannadka 2024 badhtamihiisa ayaana la filayaa in la dhammaystiro dhammaan. Waxaa se xusid mudan in hadda dekeddu shaqaynayso oo xataa maraakiib ay ku soo xidhaan. Waxaana markabkii ugu horreeyey ku soo xidhay October sannadkii hore.
Dhismaha maamulka dekeddan waxaa gacanta ku haysay shirkad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Wadaagsan halka dhismaheeda ay dhistay shirkad Turkiga laga leeyahay oo lagu magacaabo Turkish Construction Company “TTN”.
Sida ay shirkadda Wadaagsan baahisay, awoodda dekedda ayaa qorshuhu yahay in 3,500,000 oo tan sannadkii ka soo degaan. Waxaana ay ku fadhidaa dhul dhan 84 KM oo isku wareeg ah.
Yaa maalgashigeeda lahaa?

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Inkasta oo si faahfaahsan aan loo sheegin hantida cid kastaa gashatay iyo cidda leh, haddana si guud inta la og yahay ganacsato isugu jira reer Puntland iyo Soomaalida kaleba ayaa lahaa maalgashiga dekeddan.
Maamulka Puntland ayaa isna qayb ka ah, BBC-da se uma ay suuragelin in ay si faahfaahsan u xaqiijiso. Waxaa se la hubaa in badi hantida dekeddaa gashay ay tahay 'isku tashi dadweyne' sida ay dhawr jeer oo kala duwan madaxda dekeddaas iyo maamulkuba ay warbaahinta u sheegeen.













