Muxuu ahaa guriga mucjisada ah ee aan ku guban dabkii ka kacay Hawaii

Gurigan dabku ma taaban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sawirka guri saqaf cas leh oo uusan dabka taaban iyadoo xaafadii ku hareeraysan ay noqdeen dambas iyo burburka dabkii Maui ayaa noqday mid faafay.

Dhismaha alwaaxa ah ee 100-sano jira wuxuu ku yaallaa magaalada Lahaina, oo ah meesha ugu dalxiiska badan ee jasiiradda Maui, ee Hawaii.

Guriga ayaa ka badbaaday dabka halka ka kacay, ayadoo magaalada inteeda badan ay burburtay.

Dadkii lahaa ayey mucjiso iyo la yaab ku noqotay waxa sababay in gurigani u dabka ka badbaado.

Hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta ayaa ka socda Maui, iyadoo 114 la xaqiijiyay inay dhinteen Talaadadii.

Maamulka goobaha uu dabkani ku dhuftay ayaa sheegay in ilaa 850 qof wali la la’yahay , laakiin in ka badan 1,200 oo liiskaas ku jira ayaa la helay iyagoo bad qaba.

Dabkan ayaa loo arkaa masiibadii dabiiciga ahayd ee ugu xumayd taariikhda gobolka Hawaii.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii gaaray Hawaii si uu indhihiisa ugu soo arko burburka.

diyaarad sidday Biden oo dulmareysa dhismayaasha burburay

Xigashada Sawirka, REUTERS

Gurigu "ma ahan mid aanu dabka karin"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Milkiilayaasha guriga saqafka cas leh ayaa u guuray Massachusetts markii ay maqleen warka ku saabsan dabka.

Millikin iyo xaaskiisa ayaa sheegay in aanay aqoon sida gurigoodu dabkan xooggan ee baa'biyay dhamaan guriyaha kale uu uga badbaaday.

Laba sano ka hor lamaanahan waxay iibsadeen gurigan jira qarniga, taas oo wakhtigaas ahayd xafiiska xisaabinta ee shirkad sonkorta ka dhaqaysata.

Sida laga soo xigtay Millikin iyo xaaskiisa, guriga ayaa ahaa mid burbursan markii ay iibsanayeen balse ay dib u dayactir ku sameyeen. Dayactirkaas ayaa laga yaabaa inuu ahaa waxa badbaadiyay guriga, lammaanaha ayaa sidaas u sheegay warbaahinta maxalliga ah.

Dhinaca kale, waxay ku beddeleen saqafkii hore guriga ee asalka ahaa biro culus, waxay ku hareereeyeen dhagxaan.

Balse dhamaan dadaaladaasi ma ahayn kuwa ka badbaadin karay dabkani xooggan ee burburiyay xitaa guriyo ka baaxad iyo dhismo xoogganaa guriga Millikin

"Waa guri alwaax ka sameysan 100%, markaa ma aha gurri uusan dabku karin ," Dora Atwater Millikin ayaa sidaa u sheegtay Los Angeles Times.

Wuxuu intaas ku daray in masaafada u dhexeysa gurigiisa iyo kuwa deriska la ah ay caawin kartay in gurigiisa uusan saameyn ku yeelan dabka.

Lamaanuhu waxay sheegeen inay rajeynayaan inay ku soo laabtaan Lahaina marka ay badqabka la xaqiijiyo, isla markaana marka ay soo laabtaan, waxay qorsheynayaan inay gurigooda siiyaan dadka badan ee guryahoodii ku waayay dabkaasi.

"Dad badan ayaa dhintay," ayay tiri Mrs Atwater Millikin. "Dad badan ayaa wax walba waayay, waana inaan is daryeelno oo aan dib u dhisnaa. Dhammaanteen waa inaan gacan ka geysannaa dib u dhiska."