Ma jiraan goobo ay dumarka Muslimiinta u dalxiis tagi karaan 'si xalaal ah'

Xigashada Sawirka, ZAHRA ROSE
"Runtii waxaan jeclahay inaan helo qorraxda, waxaan jeclahay fitamiin D-ga, waxaana jeclahay in maqaarkaygu ay qorraxda ku dhacdo sannadka oo dhan. Markaa runtii, waxaan ku raaxaystaa inaan aado meel kasta iyo meel walba oo leh qarsoodi islamarkana aan awooddo inaan fasax ku qaato" ayay tiri Zahra Rose.
Zahra Rose oo ah gabadh saameyn leh, kuna nool dalka UK waxay doonaysaa inay sare u qaaddo farxaddeeda laakiin waxay sidoo kale ku adkaysataa ilaalinta iyo ku dhaqanka Islaamka.
Wuxuu ku maqnaa "maalmo fasax" aniga oo tagay in ka badan 30 waddan.
Xalaal waa erey Carabi ah macnihiisu yahay waxyaaabaha u bannaan qofka Islaamka. Goobaha loo dalxiis tago ee xalaasha ah waa meelo ay muslimiintu tagi karaan iyaga oo aan waxba u dhimayn caqiidadooda iyo dhaqankooda diineed.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Islaamku wuxuu ku jiraa kaalinta labaad dhanka tirada dadka haysta, waxaa ka horreeya oo kali ah diinta Masiixiyiinta. Wadamo badan oo Muslim ah, dabaqadda dhexe ee dadweynaha ayaa sii kordheysa.
Inkastoo galbeedka Yurub iyo Mareykanka, ay jiilka labaad iyo kan saddexaad ee Muslimiinta ay haystaan dhaqaale ay ku qarash gareyn karaan fasaxyada, marka loo barbar dhigo waalidiintooda, ayaa haddana jiilka labaad iyo saddexaad Muslimiintu ay helaan dakhli badan oo ay ku qaataan fasaxyada - marka loo eego waalidkood.
"Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya fasaxa caadiga ah iyo fasaxa xalaasha ah waa Wax kuu gaar ah," Zahra Rose ayaa ayaa u sheegtay BBC Business Daily Service, iyadoo intaas ku dartay inay sidoo kale raadinayso helitaanka cunto xalaal ah.
Waa cunto waxa ay ku mideeysan yihiin dadka musaafirka ah ee muslimiinta ah. Khamriga iyo hilibka doofaarka looma baahna.

Xigashada Sawirka, HACER SUCUOGLU ADIGUZEL
Suuq ballaaran
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hacer Sucuoglu Adiguzel waa hooyo 36 jir ah oo haysata saddex carruur ah, waxayna ku nooshahay Istanbul.
wax dhib ah kuma qabto inay fasax xalaal ah ka hesho Turkiga. Laakiin mar kasta oo qoys u socdaalo waddan aan muslim ahayn, waa inay sameeyaan cilmi-baaris iyo qorshe badan.
"Waxaan dhawaan fasax u tagnay Macedonia iyo Kosovo, waxaan ka quraacnay hoteelkayaga, qadadii-na, waxaan tagnay meelo cunto dhaqameed lagu sameeyo oo aan lagu iibinayn khamriga."
Shan jeer ayay maalinkii tukataa taasi oo ah waajib diini ah.
"Hoteelada xalaasha ah ama ay Muslimiinta leeyihiin, waxay ku siinayaan salliga salaadda, haddii aan aadayno hoteelada caadiga ah, waa in aan horey u sii qaato salliga salaadda lagu tukado.
"Ma doonayo in aan hoteelada ku arko dad qaawan, waxaan rabnaa in caruurteena ay la joogaan dadka aaminsan diinteena iyo dhaqankeena, ma rabno in aan geyno xeebaha dadka lagu arko iyaga oo qaawan."
Hacer waxay dumarka ku bartaa ganacsiga internetka iyo baraha bulshada. Waxay dareensan tahay in dalxiisku aanay weli si buuxda u uga faa'ideysan fursadaha fasaxyada xalaasha ah.

Xigashada Sawirka, HACER SUCUOGLU ADIGUZEL
Sida laga soo xigtay barta qiimeysa safarrada Muslimiinta ee Global Muslim Travel Index, safarka xalaasha ah wuxuu ahaa 220 bilyan oo doolar sanadka 2022.
Shirkadaha qaar ayaa diiradda saaraya dalxiiska xalaasha ah halka kuwa kalena ay ku darayaan waxyaabaha ay ku tala jiraan.
Jasiiradda Maldives ayaa caan ku ah hoteello gaar ah oo loogu tala galay macaamiisha reer galbeedka laakiin hadda waxaa muuqata kororka dalxiisayaasha Musliinta ee doonaya inay u dalxiisaan qaab xalaasha ah adduunka oo dhan.
"Maldives waa waddan Muslim ah, waxaana leenahay dalxiiska la saaxiib ah Muslimiinta," ayuu yiri wasiirka dalxiiska ee jasiiradda, Dr. Abdulla Mausoom. "waaxdani aad bay u kobceysaa."
Dr Mausoom ayaa sheegay in rubuc ka mid ah sariiraha huteelada hadda loo qoondeeyay dalxiiska gudaha ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida sharcigu dhigayo, dhammaan hoteellada waa in ay leeyihiin masaajid ay shaqaaluhu ku tukadaan. Dr. Mausoom ayaa sheegay in tiro badan oo dalxiisayaal ah ay sidoo kale isticmaalaan.
"Goobaha dalxiiska badan ayaa leh jawi saaxiib la ah Muslimiinta marka loo eego qoondaynta qolka, naqshadeynta qolka, iyo sidoo kale dhinaca cuntada," ayuu yiri.
Dalxiiska ayaa ka badan afar meelood meel wax soo saarka dhaqaalaha dalka Maldives.
Wadamo badan oo Muslimiin ah ayaa hogaaminaya tirada Muslimiinta safarka ah sanadka 2023. Indonesia iyo Malaysia ayaa hogaaminaya tirada Muslimiinta dalxiiska ah.
Kaliya labo wadan oo aan Muslim aheyn ayaa liiska ku soo baxay – Singapore ayaa gashay kaalinta 11-aad halka UK ay gashay kaalinta 20-aad.
Hotelka Landmark ee London ku yaalla ayaa la furay 1899-kii, waxaana hadda laga heli karaa hilib xalaal ah. Shaqaalaha hoteelka ayaa sidoo kale la baraa fahamka diinta iyo dhaqanka Bariga Dhexe.
"Waxaan haynaa cabitaano Khamri ah iyo sidoo kale cabitaano aan khamri ahayn. Baararka dhexdooda, waxaad ka heli kartaa cabitaan isku dhafan oo aan khamri ahayn," ayay tiri Magdy Rustum, agaasimaha iibka ee Bariga Dhexe.
“Waxaan leenahay labo albaab, albaabka waqooyi ee hoteelka waa mid gaar ah.
"Qaar badan oo ka mid ah qoysaskeena Bariga Dhexe, gaar ahaan haweenka, ma jecla in la arko si daraadeed waxaan ugu talagalaynay albaabka waqooyi.
"Sidoo kale waxaa jira wiish gaar ah oo si toos ah u geynaya qolalkooda si aan qofna u arkin."
Qolka weyn ee hoteelka ayaa lagu qabtaa xafladaha aroosyada, waxaana loo qeybin karaa rag iyo dumar sida diinta Islaamku qabto.
Laakiin dhammaan dib-u-habayntan waxay ku kacaysaa lacag - waxaa sidaasi tiri Zahra Rose oo gabadh galaagal ku leh bulshada.
"Waan ogahay xaqiiqdii in qofka muslimka ah meel uu isku qariyo oo u gaar ah ay ku kacdo kharash ka sarreeya fasaxyada caadiga ah," ayuu tiri.
"Aad bay u fududahay in aad iska bixiso goob dalxiis oo ay ku jiraan barkado isku dhafan ama in aanay jirin meel kuu gaar ah oo barkadaada ah ama meelo qofka muslimka u gaar ah.
"Marka haa, waxaan dhahayaa in uu jiro kala duwanaansho qiimo."













