Kitaabka Quraanka: Maxaa kala heysta diinta Islaamka iyo dalalka Yurub?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Eedeymaha la xiriira nacabka diinta Islaamka ee dalalka Yurub ma ahan wax cusub. Laga soo billaabo xirashada xijaabka haweenka Muslimiinta ah iyo gubidda Qur'aanka Kariimka ah, waa wax marar badan ka dhacay dalal Yurub ku yaalla.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ah rabshadaha ka socda Sweden ee ka dhashay baaqa Kitaabka Quraanka lagu gubayo ee ka soo yeeray koox ka soo horjeedda soo galootiga oo uu hor kacayo cunsuri u dhashay dalka Denmark oo lagu magacaabo Rasmus Paludan.
Muslimiinta Sweden ayaa booliska dalkaas ku eedeeyay inay Paludan u oggolaadeen falka ka caraysiiyay qowmiyadooda, oo loo baahnaa inay ka joojiyaan.
Rasmus Paludan, oo sidoo kale haysta dhalashada Sweden oo hoggaamiya dhaqdhaqaaqa Stram Kurs, ama Hard Line, ayaa sheegay in uu gubay kitaabka ugu xurmada badan Islaamka uuna ku celin doono ficilkaas.
Ma aha markii ugu horreysay ee kitaab Qur'aan ah lagu gubo dalka Sweden, isla markaana uu ku lug leeyahay siyaasiga Rasmus Paludan. Bishii Agosto ee sanadkii 2020, taageerayaasha garabka midig ee dalkaas ayaa magaalada Malmo ku gubay nuqul ka mid ah kitaanka Qur'aanka.
Booliiska ayaa xilligaas siyaasiga Rasmus Paludan inuu ka qaybgalo bandhig ahaa gubitaanka kitaabka qur'aanka. Taageerayaashiisa ayaase hawshoodii hore isaga sii watay. Sida oo kale waxa la soo tebiyey in la arkay saddex nin oo nuqul Qur'aanka ah ku dhex tuuraya meelo fagaare ah.
Booliska Sweden ayaa Mr Paludan dib ugu celiyey xadka, iyagoo sheegay inuu jiro ganaax labo sano ah oo uusan soo geli karin dalkaas.

Xigashada Sawirka, OLE JENSEN
Faransiiska iyo diinta Islaamka

Xigashada Sawirka, AFP
Dalka Faransiiska ayaa lagu tilmaamaa meelaha ugu badan dalalka Yurub ee ay ka jiraan arimaha Islaam nacaybka ku saleysan. Bishii Oktoobar ee sanadkii 2020-kii, waxaa dalka Faransiiska ka taagneyd xasarad ka dhalatay gowrac loo geystay macallin Faransiis ahaa kaddib markii ardeydiisa uu tusay farshaxan lagu tilmaamay Nebi Maxmed N.N.K.H.
Samuel Paty ayaa lagu dilay afaafka hore ee magaalada Paris. Nin 18 sano jir ahaa oo magaciisa lagu sheegay Cabdulmaalik oo dilka Paty lagu eedeeyay ayay toogasho ku dileen booliska.
Dilkii loo gaystay Mr Paty, oo 47 sano jir ahaa, waxaa aad uga walaacay Faransiiska waxaana ka hadlay madaxweynaha dalkaas.
Kumannaan qof ayaa ka qeybqaatay isu soo baxyo lagu xusayay Paty oo ka dhacay guud ahaan Faransiiska, sidoo kalana lagu difaacayay xorriyadda hadalka.
Tira qoraayaal ah oo wax ku qora wargeysyada dalalka Carabta ayaa ka hadlay islaam naceybka sii kordhaya ee ka jira dalalka Yurub, gaar ahaan dalka Faransiiska ka dib dhacdadii lagu dilay Paty.
Waxaa ay sidoo kale arrintan ka dambeysay ka dib markii dowladda Faransiiska ay xirtay tiro badan oo Misaajido ah iyo goobo kale oo ay Muslimiinta leeyihiin.
Koox qoraayaal ah ayaa rumaysan dhibaatada iyo daandaansiga Muslimiinta loo geysanayo gaar ahaan kuwa Faransiiska ay tahay mid aan caadi ahayn islamarkana halis galinaysa nabadda rayidka.
Kuwa kale ayaa u arka in dhibaatada taagan ay tahay Muslimiinta oo aan ku guuleysan in ay la jaanqaadaan dowoladda Cilmaaniga ah oo ogol kala duwanaashiyaha iyada oo la xushmaynayo mabaa'dida guud.
Madaxweynaha Faransiiska oo u hanjabay Muslimiinta

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeshay "Muslimiinta gooni u goosadka ah" si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.
Madaxweyne Macron oo jeediyey khudbad laga sugayey ayaa sheegay muslimiinta ku nool Faransiiska oo laga tirada badan yahay oo lagu qayaaso lix malyan iney khatar ugu jiraan iney sameystaan 'bulsho ka duwan' Faransiiska intiisa kale.
Qorshaha uu madaxweynaha damacsan yahay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay muslimiinta leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso.
Madaxweynaha ayaa cadaadis xooggan lagu saaray inuu wax ka qabto Islaamka xagjirka ah iyada oo ay jirto cabsi dhinaca amniga ah.
Balse hadalka ka soo yeeray madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda muslimka iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo muslimiinta inuu ku cabburiyo dalka Faransiiska.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ku dhaqanka diinta Islaamka iyo Faransiiska
Marine Le Pen, oo u tartameysa xilka madxatinnimada Faransiiska ayaa haddii ay xilka la wareegto, waxay ballan qaadday inay joojiso dhammaan mashaariicda masaajidda lagu dhisayo ee Faransiiska ilaa la xaqiijiyo ilaha dakhliga, ayna xoojineyso sharciga mamnuucaya in astaamaha diimaha loo xirto iskuullada ayna ku dareyso meelaha ay bulshadu isugu timaaddo, oo aysan keliya mamnuuceyn indha shareerka ama burqa, balse sidoo kale xijaabka.
Waxay sidoo kale ku baaqday mamnuucidda gowricidda xayawaannada sida ay qabto shareecada Islaamka, iyo in lagu iibiyo hilibka maqaayadaha iyadoo la leeyahay "waa xalaal", ama sida ay qabaan Masiixiyiinta.
Haweeneydan oo ah musharraxa garabka midig ee xisbiga National Rally ayaa ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay ganaax ku soo rogto ayna mamnuucdo xijaabka, xilli ay wareysi siisay telefishin.
Le Pen waxay sidoo kale taageertay la dagaallanka xagjirnimada Islaamka, waxayna sheegtay in haddii la doorto ay ganaax ku soo rogi doonto haweenka xijaaban ee waddooyinka.

Musharraxii madaxtinnimada midig-fog ee Faransiiska Eric Zemmour ayaa sanadkii la soo dhaafay sheegay in Muslimiinta ku nool Faransiiska ay ku milmaan bulshada dalkaas haddii ay doonayaan inay ku noolaadaan dalkaas.
Isagoo hoosta ka xarriiqay inuusan "kala saari doonin Islaamnimada iyo Islaamka" balse uu taas beddelkeed kala saari doono Islaamka iyo shakhsiyaadka Muslimiinta ah, Zemmour ayaa ku dooday in Muslimiinta Faransiiska looga baahan yahay inay ku milmaan bulshada ayna "faraha ka qaadaan" ku dhaqanka diinta isagoo sheegay inay taasi "meesha ka saari doonto ku dhaqanka diin leh mabaadii sharciyeed.".
Wareysi lagu baahiyay telefishinka TF1, ayaa Zemmour wuxuu wacad ku maray inuu noqon doono "madaxweynaha dhammaan dadka Faransiiska" oo ay ku jiraan Muslimiinta Faransiiska ah, haddii uu ku guuleysto doorashada dhacaysa bishan April 2022.
Dalal badan oo ciqaab u qoondeeyay xirashada xijaabka

Xigashada Sawirka, AFP
Sidoo kale dalka Bulgaria waxa ay dowladdu dhaqan gelisay xeerar si gaar ah u qabanaya dadka wajiga daboola. Xirashada Xijaabka ama indha-shareerka ayaa sharci darro ka ah waddankaas.
Sababo la xiriira falalka argagixisada ee meelo badan ka dhaca, dowladda ayaa gebi ahaanba mamnuucday in wajiga la daboolo, si amniga loo xaqiijiyo.
Sidaas si la mid ah, waddanka Denmark waxaa laga adeegsadaa sharciyo ka dhan ah qarinta wajiga ee qaybta ka ah labiska gabdhaha Muslimiinta.
Denmar gudaheeda, qofka sharcigaas jebiya ee soo xirta Xijaab ama niqaab waxa uu bixinayaa ganaax ku dhow $150 doolar.
Waddamada Belgium iyo Netherlands ayaa sidoo kale shacabkooda ka mamnuucay Xijaabka.
Netherlands, Xijaabku waxa uu mamnuuc ka yahay Iskuullada, Isbitaallada iyo meelaha ay isugu imaadaan dadweynaha.










