Ma "xasarad" ayaa u dhaxeysa Diinta islaamka iyo faransiiska?

Xigashada Sawirka, AFP
Tira qoraayaal ah oo wax ku qora wargeysyada dalalka Carabta ayaa ka hadlay islaam naceybka sii kordhaya ee ka jira dalalka Yurub, gaar ahaan dalka Faransiiska ka dib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay macalin Faransiis ahaa oo ardey uu wax u dhigayay u soo bandhiagay kaartoon laga sameeyay Nebi Maxamed (SCW).
Waxaa ay sidoo kale arrintan ka dambeysay ka dib markii dowladda Faransiiska ay xirtay tiro badan oo Misaajido ah iyo goobo kale oo ay Muslimiinta leeyihiin.
Koox qoraayaal ah ayaa rumaysan dhibaatada iyo daandaansiga Muslimiinta loo geysanayo gaar ahaan kuwa Faransiiska ay tahay mid aan caadi ahayn islamarkana halis galinaysa nabadda rayidka.
Kuwa kale ayaa u arka in dhibaatada taagan ay tahay Muslimiinta oo aan ku guuleysan in ay la jaanqaadaan dowoladda Cilmaaniga ah oo ogol kala duwanaashiyaha iyada oo la xushmaynayo mabaa'dida guud.
Abdel Bari Atwan, oo ah tafaftiraha wargesyka saldhigiisu yahay London ee Rai Al-Youm, ayaa yiri: "Waxaan Yurub ku nooleyn 42 sano waxaana shahaadooyiin jaamacadeed ka qaadanay jaamacadaha ugu sareeya, dhibaatooyiinka iyo daandaansiga lagu hayo dadka ajaaniibta ah gaar ahaan Muslimiinta ay tahay mid aan horey loo arag islamarkana halis galinaysa nabadgalyada bulshada dalalkan iyo in dagaalo sokeeye ay qarxaaan. "
Waxaa uu intaa ku daray: "Waxaan ka hadlaynaa Fransiiska iyo ololaha ballaaran ee madaxaynha Faransiiska kaasi oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray 'Muslimiinta Xagjirka ah, islamarkana lagu xiray ilaa iyo imika 328 Misaajid, iskuulo iyo Naadiyo."
Qoraaga kale ee lagu magacaabo Nour al-Din Thaniou ee wax ku qora wargeysa ka soo baxa London ee "Al-Quds Al-Arabi ayaa isna yiri" in dhibaatada ugu wayn ee faransiiska ka taagan imika ay tahay dowladda Faransiiska oo donayn in Islaamka ay u aqoonsato Diin rasmi ah, xitaa haddii la kala saaro Diinta iyo dowladda si la mid ah kaniisadaha."
Waxaa uu intaa ku daray, "waxyaabaha dadka faransiiska ka dhaadhacsan ayaa ah in Islaamku iyo Muslimiinta ay yihiin wax meel kale uga yimid uma arkaan in ay tahay heeb ahaan faransiisku leeyahiin islamarkana aan lagu darin dhaqanka casriga ah ee faransiiska."

Xigashada Sawirka, AFP
La noolaashiyaha dowlad cilmaani ah
Dhanka kale, Mukhtar al-Dababi ayaa rumeysan "in xaaladda Muslimiinta ku nool reer Galbeedka aan la sixi karin ilaa la helo qiyam maxali ah oo rumeysan mabaad'ida bulshada marti galisay, islamarkana ay dadkaasi Muslimiinta helaan xuquuq iyo xorriyad ay ku cibaadeysan karaan."
Qoraaga kale ee lagu magacaabo Suleiman Judeh oo wax ku qora wargeyska Al-Sharq Al-Awsat ayaa yiri, "waxa ugu xun ee dhacdadii lagu dilay maclinkii dhigi jiray taariikhda ayaa ahayd in qofkii dilka geystay isla goobtii lagu toogtay, haddii uu qofkaa noolaan lahaa waxaan ogaan laheyn sababta uu falkaasi ugu kacay . "
Qoraaga ayaa amaanay warkii ka soo baxay Al-Azhar ka dib dhacdadaasi "taasi oo ahayd in wixii dhacay uusan mar kale dhicin iyo in la dajiyo sharciyo dambi ka dhigaya in Diimaha iyo goobaha barakeysan la aflagaadeeyo."










