Muxuu madaxweynaha Faransiiska "ku maagay" diinta Islaamka?

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron

Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa dhawaan shaaca ka qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray "Muslimiinta gooni u goosadka ah" si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Wuxuu sheegay in qorshahan lagu beegsanayo dhammaan dhaqamada ururada xagjirka ah iyo kuwa arrimaha diinta adeegsanayo kuwaas oo su'aal gelinayo jamhuuriyadda Faransiiska, sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta dalkaas.

Madaxweyne Macron oo jeediyey khudbad laga sugayey ayaa sheegay Muslimiinta ku nool Faransiiska oo laga tirada badan yahay oo lagu qayaaso 6 malyan iney khatar ugu jiraan iney sameystaan 'bulsho ka duwan' Faransiiska intiisa kale.

Macron wuxuu si cad uga hadlay arrimaha diinta Islaamka, wuxuu yiri "Faransiiska waa in uu ka hortagaa Islaamka doonayo inay gooni u goostaan isla markaana dafirsan jamhuuriyadda Faransiiska"

Carada gudaha iyo dibadda

Shacabka ku nool dalalka Islaamka ayaa caro ka muujiyay hadalka Macron.

Ururada u doodo xuquuqda Muslimiinta ayaa cabsi ka muujiyay hadalka madaxweynaha Faransiiska oo ay sheegeen in qorshahaas uu bulshada ka dhex abuuri doono naceyb iyo kala qeybsanaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in qorshahan uu jahwareer u horseedi doono Muslimiinta gaar ahaan ficillada xagjiriinta.

Golaha Majmaca Daraasadka Islaamka ee Al-Azhar Al-Sharif ayaa dhaleeceeyey hadallo uu sheegay madaxwenaha Faransiiska, Emmanuel Maccron, oo uu goluhu sheegay in uu minjo xaabinayo "dhamaan dedaallada wada jirka ah ee lagaga hortagayo takoorka diimaha iyo isirka. Waxaan u aragnaa inay tahay maagitaan ka dhan diinta Islaamka"

Goluhu wuxuu sidoo kale ka digay cawaaqibka ka dhalan kara 'hadalladaa takoorka ah ee dhaawacaya dareenka hal bilyan oo qof oo Muslimiin ah'.

Sidoo kale waxa hadalka Maccron ka falceliyey Golaha Midowga Culumada Islaamka ee Caalamiga ah oo farta ku fiiqay in "dadka diinta Islaamka soo galayaa ay maalin walba sii kordhayaan, sidaa awgeedna aanay ahayn diin dhibaato abuuraya. Laakiin dhibaatadu ay tahay garasho la'aanta dadka ka haysata mabaadi'diisa iyo xaqiiqada diinta iyo sidoo kale nacaybka loo qabo ummada Muslimka ah".

Taageerayaasha

Si kastaba ha ahaate, taageerayaasha Macron waxay ku doodayaan in qorshaha uu ku dhawaaqay madaxweyanha uu yahay mid 'aanan lagu beegsnayn diin gaar ah balse lagu bartilmaameedsanayo dhammaan diimaha ama kooxaha aanan qaddarineyn mabaadiida iyo qiyamka dowladda.

Taageerayaasha waxay ku baaqeen in la bilaabo "isbaddal lagu sameynayo masaajidda Faransiiska ku yaalla", waxayna ka digeen qalalaase ka dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Paris oo ay Muslimiin badan ku nool yihiin.

Tallaabooyinka uu damacsan yahay Macron waxaa kamid ah, In si adag loola socdo ururrada isboortiga iyo ururrada kale ee ay bulshooyinka isugu yimaadaan oo looga mid dhigo barashada Islaamiyiinta, Joojinta nidaamyada imaamyada ee meela ka baxsan Faransiiska waxbarasha u aado iyo kormeerka iyo dabagalka dhaqaalaha masaajidda soo galo ama lagu maalgeliyo.

Hor u socod

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Su'aalaha is weydinayaan dadka Faransiiska ee ku nool gudaha iyo dibadda, gaar ahaan kuwa adeegsada baraha bulshada waxay tahay, madaxweynaha ma wuxuu doonayaa in uu si dhab ah uu xalliyo dhibaatooyinka ka taagan gudaha dalkaas mise wuxuu diinta Islaamka u adeegsanayaa inuu ku gaaro danahiisa siyaasadeed si uu uga baxo dhibaatooyinka lasoo dersay, xilli dalkiisa uu wajhayo dhibaatooyin dhaqaale.

Dadka muhaajiriinta ee inta badan ku nool duleedka caasimadda Paris, waxay sheegayaan in siyaasadda Faransiiska in tobonaan sano ah ay ku guuldareysatay inay ku biraan bulshada kale ee Faransiiska isla markaana ay noqdeen dad la gacan bidxeeyay, marka laga soo tego diintooda ha aaminsadaan diinta islaamka ama diin kaleba.

Qaar kamid ah dadka dhaleeceeya siyaasadda Macron gaar ahaan qosrhahan ka dhanka ah Muslimiinta dalkaas, waxay ku eedeynayaan ninkan tan iyo markii uu xilka qabtay in uu adeegsanayay hadallo xanaf leh oo ka dhan ah Islaamka iyo muslimiinta isla markaana uu inta badan ku cel celinayay oraahda ah "Muslimiinta argagixisada ah", waxay sheegayaan in weerarka uu ku hayo muslimiinta uu kaga gabanayo qalalaasaha iyo dhibaatooyinka ka taagan gudaha dalkiisa.

Dadka kasoo horjeedo siyaasadda Macron waxay sheegayaan in ninkan uu qarka u saaran yahay in uu lumiyo shacbiyadda arrintaas aan horey loogu arag madaxweyne Faransiiska, tan iyo bishii September sanadkii 2017-kii waxay u muuqatay in uu lumiyay shacbiyaddiisa xilliggaas oo la ansixiyay sharciga shaqaalaha.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo sharcigaas ayaa ka dhacay Faransiiska kaddib markii sare loo qaaday canshuurta shidaalka. dad badan oo Faransiiska ku nool waxay u arkeen tallaabadaas mid halis ku ah noloshooda, wixii intaas ka dambeeyayna waxaa hoos u dhacayay shacbiyaddiisa.

Dadka dhaliila Macron waxay u arkaan ninkan in uu yahay nin isku dayayo in uu soo celiyo shacbiyaddiisa si uu u adeegsado 'Siyaasadda lagu magacaabay " Hor u Socod"