Pakistan: Nin iyo afadii oo u xidhan in ay Nebi Maxamad caayeen oo qaba yididiilo ah in la sii dayn

Shagufta Kausar iyo ninkeeda Shafqat Emmanuel

Xigashada Sawirka, FAMILY HANDOUT

Qoraalka sawirka, Shagufta Kausar iyo ninkeeda Shafqat Emmanuel

Shagufta Kausar iyo ninkeeda Shafqat Emmanuel oo lixdii sano ee u dambaysay ku jiray jeel ay ku sugayeen go'aanka racfaan ay ka qaateen xukun dil ah oo loogu riday "aflagaado diineed" ayaa yididiilo gashay.

Qoyskan saboolka ah ee ah Masiixiyiinta ah ayaa ku noolaa magaalo ku taal badhtamaha Pakistan oo la yidhaa Gojra ayaa rajeynaya in dhammaadkii dhibtoodu soo dhawdahay, maadaama oo Maxkamadda Saree ee Lahore dhegaysiga racfaankooda u qabatay Arabacada.

Qareenkooda, Saif ul Malook, oo sidoo kalena qareen u ahaa Asia Bibi oo ahayd haweenay kale oo Masiixiyad ah oo hore loogu xukumay dil ah aflagaado diineed kuna guulaystay inuu xukunkaa ka difaaco, ayaa BBC-da u sheegay in caddaymaha lagu saleeyey xukunka qoyskan lagu riday goldoloollyin badan leeyihiin.

Laakiin waxa uu ka digay in garsooreyaashu "ka cabsan karaan" in ay eedaysanayaasha fasaxaan, hadii qudhooda ay beegsadaan kuwa xag jirka ahi. Dhegaysiga dacwadaha ee maxkamadaha ayaa todobaadadii u dambeeyey gaabis ahaa fayraska karoona ee dilaacay awgii.

Lamaanahan waxa xukunku ku dhacay 2014 oo waxa lagu helay in ay fariimo aflagaado diineed ah oo Nebi Muxammad lagu caayayo u direen imaamka masaajid magaalada ay deganaayeen ku yaal, telefoonka laga diray fariimahana waxa ku diiwaan gashan magaca Shagufta Kausar. Dembiga aflagaadada diineed ciqaabtiisu waxay Pakistan ka tahay dil, hase yeeshee in kasta oo aan weli cidna lagu fulin tobanaan qof ayaa waxa dilay dad cadhaysan markay ka war helaan in dembigaa lagu eedeeyey.

Shagufta walaalkeed oo la yidhaa Joseph, hase yeeshee codsaday in aan magaciisa labaad la sheegin, ayaa BBC-da u sheegay in lamaanahaasi beri yihiin oo uu rumaysan yahay in aanay tacliin ay ku qori karaan fariintaa aflagaadada ah lahayn ba. Shagufta waxay shaqaale hoosaad ka ahayd Iskuul Masiixiyiintu leeyiin, ninkeeda Shafqat na waa nin jidhka waaxi qalashay.

Shagufta waxay shaqaale hoosaad ka ahayd Iskuul Masiixiyiintu leeyiin.

Xigashada Sawirka, FAMILY HANDOUT

Qoraalka sawirka, Shagufta waxay shaqaale hoosaad ka ahayd Iskuul Masiixiyiintu leeyiin.

Joseph wuxu sheegay in mar uu jeelka ku booqday uu Shafqat u sheegay in la jidh dilay oo lagu qasbay inuu qiraal been ah sheego: "wuxu ii sheegay in boolisku aad u garaceen ilaa lugtu jabtay".

Qoyskaasi waxay leeyihiin afar caruur ah oo uu Joseph sheegay in ay riiqdii naxdinta qabaan.

"Mar kasta way ooyayaan… way tebaan oo waxay doonayaan in ay mar kale waalidkood arkaan".

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in had iyo goor la iskugu dacweeyo aflagaado diineed si loo kala aargoosto ama dadka haysta diimaha kale lagu eedeeyo. Qareenka lamaanahaasi wuxuu BBC-da u sheegay in markii dhagaysiga dacwadoodu socotay la soo hadal qaaday in ay suurto gal tahay in qof Masiixi ah oo ay jaar yihiin oo ay isku cadhoodeen ay dhici karto inta uu kaadhka telefoonkaa soo iibsaday uu magaca Shagufta Kausar ku diiwaan geliyey ka dibna uu fariinta ka diray si uu dembi u geliyo.

Xukunnada aflagaadada diimeed ee dadka lagu rido badanaa kama dambaysta waxa lagu laalaa racfaan. Sannadkii hore ayaa Asia Bibi dalkaa ka dhooftay toban sano iyo dheeraad ay xabsiga ku jirtay ka dib markii Maxkmadda Sare ee dalku ku weyday dambigii hore loogu xukumay. Go'aankaa maxkamaddu wuxu dhaliyey mudaharaadyo rabshado watay oo ay dhigeen kooxo diineed.

Qareen Saif ul Malook wuxu BBC-da u sheegay in uu rumaysanyahay in eedda lagu oogay Shagufta Kausar iyo ninkeedu ay xataa ka fududahay tii lagu oogay Asia Bibi.

Wuxu sheegay in qoyskaasi u qalmaan taageero ay ka helaan beesha caalamka iyo sidoo kale in hadii la sii daayo ay u baahan doonaan magangelyo ay dibadda ka helaan. Joseph ayaa ina BBC-da u sheegay in qoyskaasi rajada ay qabaan dardartu gashay markii ay arkeen in Asia Bibi la sii daayey.

Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee dembiga ku waayey Asia Bibi waxay ka digeen halista ka dhalan karta in si been ah la isugu dacweeyo eedda ah aflagaado diimeed, laakiin sidaas oo ay tahay ayaa hadana waxa maxkamadaha dalkaas la gaadhsiiyaa dacwado arintaa la xidhiidha.

Bishii Abriil ayaa haweenay ka tirsan dariiqada Axmadiyada oo Pakistan looga haysto in ay kufaar yihiin waxa lagu eedeeyey in ay cayday Nebi Muxammad mar ay dad isku af dhaafeen goob ay doonaysay in ay tabarucaad masaajid loogu ururinayey wax ku darto.

Masiixiyiinta Pakistan

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .
  • Waxay bulshada Pakistan ee aqlabiyadeedu Muslimiinta tahay ka yihiin 1.6%.
  • Badankoodu waxay ka farcan yihiin dadkii ka baxay diinta Hinduism ka ee qaatay Masiixiyadda waagii Ingiriisku xukumayey dhulkaa.
  • Badankoodu waxay diintaa uga tageen si ay uga baxaan duruuftii dabaqaddii hoose ee ay ahaayeen ku kelliftay, badankooduna waxay ka mid yihiin dadka ugu saboolsan Pakistan.
  • In la beegsado Masiixiyiinta waxa keenaa waa sharciyada adag ee ka yaal aflagaadada diimeed iyo cadhada ka dhatay dagaalka Maraykanku hogaanka ka ahaa ee Afghanistan lagu qaaday.