Pakistan: Ninkii dhunkaday gabdhihii la dilay oo la xiray

Xigashada Sawirka, AFP
Nin muuqaal iska duubay isagoo shuminaya labo gabdhood oo markii dambe lagu fuliyay wax loogu yeero "dil sharafeed" ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay sheegeen booliska dalka Pakistan.
Umar Ayaz, oo 28 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan sameynta muuqaalka, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay taliska booliska oo ay nuqul ka mid ah aragtay BBC-da.
Aaabaha dhalay mid ka mid ah gabdhaha iyo saddex qof oo kale oo qaraabadooda ah ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay booliska ku war galin waayeen dilalka iyo arinta caddeymaha.
Ninka la aaminsan yahay inuu dilalka gacantiisa ku fuliyay ayaa wali baxsad ah.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay raadinayaan Mohammad Aslam, sidoo kalena ay soo xireen nin kale oo telefoonkiisa loo isticmaalay in lagu duubo muuqaalka, kaasoo lagu qaadayo dacwad ku saabsan inuu muuqaalka faafiyay.
Gaddhaha dhalinyarada ah ee la dilay ayaa ahaa ilma-adeer, waxayna da'doodu kala ahayd 16 jir iyo 18 jir. Waxaa lagu soo warramay inuu isbuucii lasoo dhaafay toogasho ku dilay ninka la doon doonayo, xilli ay ku sugnaayeen tuulada Shaam Plain Garyom ee ku taalla xadka degmooyinka ay qabaa'ilka dagaan ee Waqooyiga iyo Koonfurta Waziristan, oo ka wada tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Shafiullah Gandapur, oo ka tirsan Booliska degmada ayaa hay'adda Thomson Reuters Foundation u sheegay inay markii hore baraha bulshada ka maqleen warka ku saabsan dilalka gabdhaha.
Askartii loo diray halkaas ayuu sheegay inay "arkeen dhiig meel ku daadsan iyo dhar dhiig leh".

Xigashada Sawirka, AFP
Dilka gabdhaha ayaa u muuqday mid la xiriiray muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada.
Muuqaalkaas, oo ay aragtay BBC-da, ayaa muujinaya nin isduubaya oo ay la joogeen saddex gabdhood.
Waxay u muuqatay in video-gaas la duubay waqti hal sano laga joogo, laakiin wuxuu faafay dhowr isbuuc ka hor.
Sida laga soo xigtay booliska, gabdha saddexaad - oo uu qudheeda dhunkaday Mr Ayaz intii uu muuqaalka socsay - ay tahay xaaska ninka lagu eedeeyay dilalka, taasoo hadda la rumeysan yahay inay dhuumaneyso.
Booliska ayaa sheegay inay iyada lafteeda raadinayaan, maadaama laga yaabo inay nafteeda khatar gasho.
Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in qalalaasaha ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha yar yar uu wali yahay mid halis ka ah dalka Pakistan.
Howl-wadeennada xuquuqul-insaanka ayaa aaminsan in qiyaastii 1,000 dil oo ah kuwa loo yaqaanno "dilal sharafeedka" ay sanad kasta ka dhacaan dalkaas.
Dilal badan oo noocaas ah ayaan lasoo tabinin.
Dowladda Pakistan ayaa shuruuc adag soo rogtay kaddib markii fal dil ah loo geystay sanadkii 2016-kii gabar caan ka ahayd baraha bulshada, oo lagu magacaabi jiray Qandeel Baloch.

Waa maxay 'dil sharafeed'?
Waa dilalka lagu fuliyo xubnaha qoysaska ee loo arko inay ceeb iyo sharaf xumo usoo jiideen ehelkooda.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in dadka ugu badan ee dilalkaas loo geysto ay yihiin kuwa:
- diida inay aqbalaan guurka ay waalidiinta qorsheeyaan
- gabdhaha kufsiga loo geysto
- kuwa lagu eedeeyo inay gogol dhaafka sameeyaan ama rag aan guursanin u galmoodaan, xitaa haddii ay tahay wax la iska sheegay kaliya
Waxaa jira qaabab gooni ah oo dilalka noocan ah loo fuliyo.










