Dad ka shaqeeya xuquuqda aadanaha oo laga waayay Pakistan

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dalka Pakistan markale la waayay qof kale oo arrimaha bulshada ka shaqeeya.
Isbuuc gudihiisa ayaa waxaa la waayay dhowr qof oo arrimaha xuquuqda aadanaha ka shaqeynayay.
Qoyska Samar Cabbas, oo ku noolaa Karachi, waxay sheegayaan inaysan warkiisa hayn tan iyo Axaddii.
Telefoonkiisa ayaa la demiyay wixii ka dambeeyay Isniintii, sida qoyska ay xaqiijiyeen.
Maalmo ka hor, wuxuu u safray caasimadda Pakistan ee Islamabad.
Samar Cabbas wuxuu madax ka ahaa hay'ad u dooda xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.
Wuxuu sidoo kale ka shaqeynaayay shaacinta howlaha sharcidarada ah ee "kooxaha xagjirka", sida saaxiibkiisa uu sheegay.
Talaadadii waxaa dalka Pakistan ka dhacay dibad baxyo lagu dalbanayay in dowladda ay raadiso dadka la waayay.
Illaa iyo hadda afar qof ayaa la la'yahay, dhammaantoodna waxay si weyn u dhaliili jireen militariga iyo kooxaha "mintidiinta ah".











