Pakistan: Qarax dad ku dhinteen

Xigashada Sawirka, AFP
Weerar isqarxin loo maleynayo oo lagu qaaday isbitaal ku yaal magaalada Quetta ee dalka Pakistan, ayaa lagu dilay in ka badan 60 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro dad ah.
Ugu yaraan 18 ka mid ah dhimashada, ayaa qareeno ahaa oo dhismaha u yimid tacsida mid ka mid ah saaxiibadooda shaqada, Bilal Kasi oo la toogtay.
Qaraxa oo la sheegay in sidoo kale ay suxufyiin ku dhinteen ayey rasaas dabo socotay.

Xigashada Sawirka, AP
Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada 53-da ruux ee lagu dilay isbitaalka. Sababta weerarka ka dmabeysay ayaan la ogeyn, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda. Wasiirka gobolka Balochistan ayaa durbaba ku eedeeyay India.






