Marine Le Pen: Waa tuma haweeneyda u sharxan madaxtinnimada Faransiiska ee dooneysa inay Xijaabka mamnuucdo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha xilligiisa sii dhammaanayo ee Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wuxuu wajihi doonaa hoggaamiyaha midig-fog Marine Le Pen doorashada wareegga labaad ee madaxtinnimada dalkaas oo lagu wado inay qabsoonto bisha April 24.
Macron iyo Le Pen ayaa hore ugu tartamay wareeggii labaad ee doorashadii madaxtinnimada sanadkii 2017.
Labadan wareegga ugu dambeeya isugu soo haray ayaa labo isu soo bax isugu yeeray, Macron ayaa musharraxiintii guuldarreystay uga mahad celiyay inay ku baaqaan in la xannibo musharraxa midig-fog, iyadoo Le Pen ay ugu baaqday "dhammaan kuwa aan u codeyn" madaxweynaha xilka ka sii degaya inay "ku soo biiraan"iyada, iyadoo sheegtay in codka ugu dambeeya uu noqon doono "dookh u dhaxeeya bulshada." iyo ilbaxnimo.
Waa tuma Marine Le Pen?
Aasaaska
Marine Le Pen waxay sanadkii 1968 ku dhalatay magaalada Faransiiska ku taalla ee Neuilly, waana gabadha ugu yar ninka aasaasay xisbiga National Front, Jean-Marie Le Pen, waxaana u dhashay xaaskiisii hore, Pierre.
Waxay cilmiga sharciga ka baratay magaalada Paris waxayna heshay shahaadada sharciga iyadoo kaddibna noqotay qareen.
Labo jeer ayay guursatay waxayna saddex carruur ah u heysaa seygeedii koowaad, Frank Chafroy, (Giann, Louis iyo Mathilde). Markii ay kala tageen Chavroy sanadkii 2000, waxay guursatay Eric Laureau, xoghayihii hore ee National Front, sanadkii 2002, waxayna kala tageen 2006.
Laga bilaabo sanadkii 2009 ilaa 2019, Le Pen waxay xiriir la lahayd Louis Elliott, oo ahaa xoghayaha guud ee National Front laga soo bilaabo 2005 ilaa 2010, kaddibna noqday madaxweyne ku xigeenka National Front.
Xirfadda sharciga ah ee Le Pen ma ahayn mid la taaban karo, balse dadkii ay isla shaqeeyeen ayaa ku ammaanay sidii ay shaqada ugu ad adkeyd. Waxay si mutadawacnimo ah ugu shaqeneysay maxkamadda oo ay qareen ka ahayd, waxayna mar walba difaaci jirtay muhaajiriijnta sharci darrada dalkaas ku galay.
Marine Le Pen ayaa ka tagtay Bar sanadkii 1998 si ay ugu biirto xisbiga aabbahheed ee National Front, iyadoo qeyb ka noqotay kooxda sharciga.
Markii yareyd ayay hoggaamiyaha National Front, Jean-Marie Le Pen, ku wehlin jirtay safarrada iyo ololaha doorashooyinka, waxayna si rasmi ah ugu biirtay sanadkii 1986.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Billowgii siyaasadda
Sanadkii 1998, Marine Le Pen ayaa markii ugu horreysay kursi ka heshay golaha degmada Norbadkale, haddana sanadkii 2000 waxay xubin ka noqotay golaha dhexe ee xisbiga.
Isla sanadkaas, waxay hoggaamineysay "Jiilalka Le Pen" oo ah urur ay aasaastay dumaashigeed, Samuel Marechal, si loo horumariyo sumcadda xisbiga ee gudaha warbaahinta iyo bulshada.
Fekradda "horumarinta" sumcadda xisbiga ayaa ku xoogeysatay xubnaha iyo taageerayaashaba. Doorashooyin-goboleedkii sanadkii 2002, Marine Le Pen ayaa wareegii koowaad ka heshay boqolkiiba 24.24 magaalada Lens, waxayna wareeggii labaad boqolkiiba 32.30 ka heshay codadka.
Inkastoo ay ku guul darreysatay doorashooyinkaas, Marine Le Pen ayaa ku soo caan baxday doorashooyinkii 2002, iyadoo noqotay "xiddig siyaasadeed oo soo kacaya".
Xiriirka Marine Le Pen iyo xisbiga National Front ayaa si kale isku beddelay sanadkii 2003, markaas oo ay markii ugu horreysay ka hadashay "muhiimadda ah in la sameeyo Islaam Faransiis ah, sababtuna ay tahay in Islaamka Faransiiska uu leeyahay mabda' goboleed."
Sanadkii 2004 waxaa loo doortay inay ka mid noqoto Baarlamaanka Yurub. Marine Le Pen ayaa isaga baxday xisbiga sanadkii 2005 kaddib markii aabbaheed uu soo saaray bayaan uu ku leeyahay in "Qabsashadii Jarmalka ee Faransiiska uusan ahayn mid u xun sida ay dadku moodayaan, iyadoo ay jireen khaladaad aysan suurtogal ahayn in laga fogaado dal u weyn sida Faransiiska."
Tan iyo xilligaas, taariikhyahannadu waxay sheegaan, waxay u xusul duubatay inay beddesho aabbaheed, iyadoo gudaha xisbiga iyo warbaahintuba ku faafineysa aragtideeda cusub.

Xigashada Sawirka, LEPEN
Isku dhacii iyada iyo aabbahheed
Marin ayaa cabasho ka keentay hadalka aabbaheed ee warbaahinta uu marnayo, gaar ahaanna kuwa la xiriira Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxayna ku baaqday in xubnaha xisbiga ay u codeeyaan qaab lgau beddelayo shuruucda xisbiga laguna burburinayo booska madaxtinnimada sharafeed ee uu hayo aabbaheed.
Jean-Marie Le Pen ayaa arrintaas u arkay shirqool isaga ka dhan ah oo ay gabadhiisa soo abaabushay, wuxuuna u cawday garsoorka, maxkamadda ayaana laashay go'aanka lagu beddelayo xisbiga iyo shuruucda doorashada.
Si kastaba, Xafiiska Sare ee xisbiga ayaa ku dhawaaqay in Jean-Marie Le Pen laga cayriyo xisbiga sanadkii August 20, 2015, si ay gabadhiisa u noqoto hoggaamiyaha keliya ee xisbiga.
Hoggaanka xisbiga
Kaddib markii uu aabbaheed ku dhawaaqay inuu iska casilayo hoggaanka xisbiga sanadkii 2010, albaabka ayaa noqday mid u furan Marine oo ay ku hoggaamineyso National Front, taas oo suurto gashay sanadkii 2011.
Marine Le Pen ayaa doorashada madaxtinnimada u tartantay sanadkii 2012, iyadoo heshay boqolkiiba 17.90 codadka, taas oo natiijo muhiim ah u ahayd xisbiga, maaddaama natiijadii ugu fiicneyd ee aabbaheed uu keeno ay ahayd boqolkiiba 16.86, doorashadii madaxtinnimada ee sanadkii 2002.

Xigashada Sawirka, EPA
Doorashooyinkii Yurub ee sanadkii 2014, ayay ka keentay boqolkiiba 33.61% codadka, halka xisbigakalena uu keenay boqolkiiba 24.90.
Sanadkii 2015, guddi baarlamaani ah ayaalaga dhex sameeyay Baarlamaanka Yurub waxaana loog magac daray "Yurubta Dalalka iyo Xornimada", waxaana ku biiray axsaabta Italian Northern League, Austrian Freedom Party, Dutch Freedom Party, Vlaams Belang ee Biljamka, iyo xildhibaan Janis Atkinson, oo laga saaray xisbiga Ukip ee dalka Britain.
Le Pen ayaa sidoo kale soo laabatay iyadoo u tartantay doorashadii madaxtinnimada ee sanadkii 2017, waxayna wareegga labaad kula tartantay Emmanuel Macron.
Markii uu Macron kaga guuleystay doorashooyinkii 2017, Le Pen ayaa magaca xisbigeeda National Front u beddeshay National Rally, inkastoo inta badan siyaasadihiisa aysan is beddelin.
Tartanka madaxtinnimada 2022
Wareeggii koowaad ee doorashada, Macron ayaa qiyaastii boqolkiiba 28 ku guuleystay codbixinta, marka loo barbar dhigo in ka badan boqolkiiba 23 oo ay heshay Le Pen.
Taageerayaasheeda ayaa aad ugu farxay iyagoo sheegay inay dareemayaan inay meel wacan soo gaartay.
Tani waa heerkii ugu sarreeyay ee ay Le Pen ka gaartay saddex doorasho madaxtinnimo oo ay ka qeyb gashay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Le Pen iyo Islaamka
Marine Le Pen, haddii ay xilka la wareegto, waxay ballan qaadeysaa inay joojiso dhammaan mashaariicda masaajidda lagu dhisayo ee Faransiiska ilaa la xaqiijiyo ilaha dakhliga, ayna xoojineyso sharciga mamnuucaya in astaamaha diimaha loo xirto iskuullada ayna ku dareyso meelaha ay bulshadu isugu timaaddo, oo aysan keliya mamnuuceyn indha shareerka ama burqa, balse sidoo kale xijaabka.
Waxay sidoo kale ku baaqeysaa mamnuucidda gowricidda xayawaannada sida ay qabto shareecada Islaamka, iyo in lagu iibiyo hilibka maqaayadaha iyadoo la leeyahay "waa xalaal", ama sida ay qabaan Masiixiyiinta.
Saddex maalmood kahor wareeggii koowaad ee doorashada madaxtinnimada Faransiiska 2022, musharraxa garabka midig ee xisbiga National Rally ayaa ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay ganaax ku soo rogto ayna mamnuucdo xijaabka, xilli ay wareysi siisay telefishin.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay, Le Pen waxay sidoo kale taageertay la dagalalanka xagjirnimada Islaamka, waxayna sheegtay in haddii la doorto ay ganaax ku soo rogi doonto haweenka xijaaban ee waddooyinka.










