Muxuu yahay qorshaha ka dambeeya beegsiga hoggaamiyayaasha Iiraan?

Tehran, Iran, 01 March 2026.

Xigashada Sawirka, EPA

    • Author, Gordon Corera
    • Role, BBC security analyst
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maraykanka iyo Israa'iil ayaa sheegay in ay awood buuxda ku leeyihiin hawada qaybo ka mid ah Iiraan, taasi oo u oggolaanaysa diyaaradahooda dagaalka in ay si ay beegsadaan bartilmaameedyada ay rabaan.

Waxay sidoo kale muujiyeen nooc kale oo awood sare ah oo dhinaca sirdoonka ah, taasi oo u suurtagelisay in ay helaan oo dilaan hoggaamiyeyaal badan oo Iiraaniyiin ah.

Laakiin maxay tahay istaraatiijiyadda ka dambeysa arrintan? Mid ka mid ah jawaabaha la bixinayo waa in diiradda la saarayo abuurista jahawareer iyo qalalaase.

Tallaabadii ugu horraysay ee hawlgalladaasi ma ahayn weerarkii lagu qaaday xarunta hoggaamiyaha sare, balse waxay ahayd weerarro dhinaca internet-ka ah oo ay qaadeen khubarada internet-ka jabsata ee Maraykanka arrimhaasi u qaabilsan, iyo sidoo kale dhiggooda Israa'iil.

Sida ay sheegeen saraakiisha millateriga Maraykanka, waxay indhaha ka rideen awooddii Iiraan ay ku fahmi lahayd waxa dhacaya, iyagoo ka joojiyay isgaarsiinta iyo ka jawaabidda xaaladda.

Iyagoo ka faa'iidaysanaya fursaddaas, hoggaamiyeyaal sare ayaa lagu beegsaday meelo kala duwan. Saraakiishaas waxaa muddo bilo ah daba socday hay'ado sirdoon oo ay ka mid yihiin CIA iyo Mossad.

Tani waxay u badan tahay inay ku timid faragelin farsamo oo muddo dheer socotay oo lagu sameeyay nidaamyada isgaarsiinta Iiraan, iyo sidoo kale basaasiin dhulka ku sugan oo xog ururinayay, kuwaas oo inta badan ay maamulaysay Mossad.

Waxaa la rumeysan yahay in Israa'iil ay hoggaanka u haysay weerarradan.

Maraykanku wuxuu sheegay in uu sidoo kale beegsaday xarumaha taliska iyo kantaroolka Iiraan, goobaha gantaallada ballistic-ga ah, iyo kaabayaal sirdoon intii lagu jiray weerarradii furitaanka.

Ujeeddada cad ee arrintan ayaa ahayd in "la wareeriyo oo la jahawareeriyo" Iiraaniyiinta, sida uu sheegay Dan Caine, oo ah Taliyaha Taliyeyaasha Isku-dhafka ah, intii lagu jiray warbixin uu bixiyay Isniintii.

Himilada Maraykanka iyo Israa'iil waxay ahayd in la curyaamiyo Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Tehraan waxaa la ogaa in ay hore uga sii diyaargarowday in hoggaankeeda la beegsado, iyadoo saraakiisha lagu amray in ay magacaabaan dhowr beddel oo kala duwan haddii ay dhacdo in la dilo.

 Ahmad Vahidi

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddaba maxay dilalkan uga dhigan yihiin jihada uu dagaalku u socdo?

Muddo gaaban gudaheed, waxay ka dhigi karaan mid ku adag Iiraan in ay abaabusho jawaab degdeg ah. Jahawareerka ka dhashay beegsiga hoggaanka wuxuu leeyahay faa'iidooyin millatari, balse sidoo kale wuxuu wataa khataro la filan karo.

Ma cadda in gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo dirayo Bariga Dhexe ay ka dhasheen siyaasad hore loo dejiyay oo hadda si toos ah u socota, in taliyeyaasha maxalliga ahi si iskood ah u qaateen, iyo in ay yihiin amarro laga soo saarayo meel kale.

Su'aasha xigta waa in la is weydiiyo in ka takhalusidda hoggaamiyeyaal badan ay si aasaasi ah u beddeli doonto xisaabta Iiraan ee ku saabsan in ay sii waddo dagaalka ama ay raadiso waddo kale oo ay kaga baxdo xaaladda.

Laakiin haddii ay sii socdaan dilalka, waxaa laga yaabaa in ay adkaato in la gaadho go'aan ama wadaxaajood.

Maraykanku wuxuu doonayaa in uu arko qof la mid ah Delcy Rodríguez oo dhawaan xilka kala wareegtay Nicolás Maduro ee Venezuela, islamarkaana la fahamsan yahay inay la shaqaynayso Maraykanka, balse ma cadda in qof noocaas ahi jiro ama uu hoggaamin karo dawladda Iiraan.

Sidaas darteed, su'aasha ugu dambeysa islamarkaana ka sii muhiimsan, waa in dilalkani kordhinayaan suurtagalnimada isbeddel ku yimaadda nidaam maamula waddankaasi?

Taariikhdu waxay muujinaysaa in awoodda cirka oo keliya ay dhif tahay in ay ku filnaato, Maraykankuna ma muujin wax rabitaan ah oo ku aaddan inuu ciidammo dhulka ah geeyo.

Kumannaan qof ayaa u baroor-diiqaya hoggaamiyihii Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters