Mareykanka oo soo bandhigay Filim laga matalay: Habeenkii uu Mareykanka ka badbaadiyay Israa'iil gantaalada Iran

Xigashada Sawirka, US Air Force photo by Staff Sgt. Trevor T. McBride
Saqdii dhexe ee 13-kii April, 2024, Iran waxay gashay dagaal toos ah oo ay la gashay Israa'iil markii ugu horreysay ka dib tobanaan sano oo "dagaal qabow ah."
Iran oo ka aargoosanaysa weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda Dimishiq iyo dilka saraakiisha sare ee ilaalada kacaanka, Iran ayaa boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ku garaacday Israa'iil.
Hawlgalka "Balanqaadka Dhabta ah" ka dib, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ku tilmaantay inuu ahaa mid guulaysta oo si "taxaddar" ah, loo fuliyay iyadoo sheegtay in ujeeddadeedu aanay ahayn inay waxyeello u geysato dadka balse ay muujinayso awoodda Iran ee ku adaan jawaabta ay bixin karto.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay si weyn diiradda u saartay siyaasadda iyo weerarada tooska ah ee Iran ay ku hayso Israa'iil, haddana hawl-galku kuma guulaysan marka la eego guulaha milatari iyo tirada gantaallada lagu garaacay, inkasta oo inta badan gantaallada Iran ay ku bartilmaameedsanayeen bartilmaameedyada militari ee Israa'iil.
Guuldaradaasi ma ahayn oo kaliya in ay sabab u tahay nidaamka difaaca cirka ee caanka ah ee Israa'iil, balse waxa sidoo kale sabab u ahaa duuliyayaasha ciidamada cirka ee Maraykanka—oo ay weheliyaan xulafadooda kale ee Israa'iil—waxa ay door muhiim ah ka qaateen difaaca Israa'iil habeenkaas, gaar ahaan ka hortagga mowjadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Sida laga soo xigtay taliska dhexe ee Maraykanka ee CENTCOM, ciidamada Maraykanka ayaa habeenkaas soo riday in ka badan 80 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn iyo ugu yaraan lix gantaal oo ah kuwa riddada dheer.
Filim soconaya 36-daqiiqo ah oo cinwaankiisu yahay "Ciyaarta Khatarta leh," oo dhawaan lagu sii daayay kanaalka rasmiga ah ee Ciidanka Cirka ee Mareykanka, ayaa ka sheekeynaya habeenkaas oo inta badan ay xaalad kacsanaan ah ku jireen duuliyayasha diyaaradaha F-15E Strike Eagle iyo nidaamyada difaaca hawada.
Waa sheeko ku bilaabmaysa "habeen degan" oo samadu ay cadi tahay ayaa waxa ay hawado hal mar isu badashay mid iftiin iyo burbur xooggan uu ka jiro.
"Ciyaarta Khatarta leh" waxay ka sheekaynaysaa dhacdooyinka habeenkaas marka laga eego dhinaca askarta Mareykanka, waxayna inta badan leedahay qaab riwaayadeed iyo borobogaando. Laakin isla markaas, waxa ay daaha ka qaadaysaa cabbirka ciidan iyo maskaxeed ee weerarka Iran oo aan hore loo arag iyada oo ka sheekaynaysa culayskii iyo dhibtii ay ciidammada Maraykanku habeenkaas la kulmeen.
Laga soo bilaabo Tower 22 ilaa Safaaradda; waa maxay sababta ay waqti dheer u qaadatay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Suurtagal maaha in si buuxda loo fahmo dhacdooyinka 13-kii April iyada oo aan la tixgelinaynin ficilada bilihii ka horeeyay. Isla markiiba ka dib weeraradii Xamaas ay ku qaaday Israa'iil Oktoobar 7, 2023 iyo bilawgii dagaalka Gaza, xiisaddu waxay ku fiday gobol oo dhan.
Weeraro aargoosi ah, laga soo bilaabo gantaalada Hezbollah ee waqooyiga Israa'iil ilaa gantaalada Xuutiyiinta ee laga soo tuuray Yemen, waxay sii kordhisay xiisadda ilaa, 1-dii April 2024,.
Dhowr xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo uu ku jiro Mohammad Reza Zahedi, taliyaha guud ee Ciidanka Quds, ayaa lagu dilay weerar ay Israa'iil ku qaadday qunsuliyadda Iran. Dowladda Iran ayaa tallaabadan u aragtay mid lagu soo qaaday maamulkeeda, waxayna wacad ku martay inay jawaab toos ah ka bixin doonto.
Horaantii, dabayaaqadii bishii Janaayo ee sanadkaas, saddex askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen xarunta "Tower 22" ee dalka Urdun.
"Ka dib Tower 22, wax walbaa waxay noqdeen kuwo shakhsi ah," ayuu yiri Major Benjamin "Irish" Coffey oo ka tirsan guutada 494th Fighter Squadron ee Ciidanka Cirka ee Maraykanka, filimka "Ciyaarta Khatarta ah." "Geeridoodu waxay nagu ahayd dharbaaxo weyn," ayuu raaciyay Lieutenant Y.D.
Goobaha guutada 335aad. "Dhamaanteen waan ogeyn in naloo yeeri karo dhawaan si aan u difaacno xulafadayada."
Markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahid la soo ganay

Xigashada Sawirka, EPA
Mowjadda weerarrada Iran, diyaaradda is-miidaaminta ee Shahed-136 ayaa door weyn ku lahayd tiro ahaan; waa diyaarad raqiis ah, joog hoose ku socota, xawaaraheedana ku dhow 180 kilomitir saacaddii.
Alex Hollings, oo horey u ahaan jiray ciidamada badda oo filimka lagu soo bandhigay isaga oo ahaa khabiirka dhanka hubka ah, wuxuu sharxayaa in faa'iidada ugu weyn ee hubkani ay tahay inuu yahay mid "jaban iyo wax soo saar ballaaran."
Waxa uu sheegay in qiimo jaban marka loo eego gantaalada difaaca ee horumarsan ay diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ay abuuri karaan mowjado "kala firdhiya" kuwaas oo daalin kara kuna jahawareerin kara difaaca cadowga.
Dhinaca kale, Hollings waxa uu sheegay in nakhshadeynta hab-dhaqankan Drones-ku uu yahay mid "dhibaato" ku ah raadaarka hawada, waxaana loogu talagalay in lagu ugaarsado bartilmaameedyada joog sare leh.
Waxa uu sharraxay in diyaaradda Shaheed 136 ay u dhaqanto sida baabuurka oo kale, sababtoo ah hawada sare ee joogga hoose waxaa lagu khaldi karaa baabuur dhulka maraya. Tani waxay fulisaa labada tallaabo ee ugu horreeya ee difaaceeda, kuwaas oo ah bartilmaameed iyo aqoonsi sax ah.
Bilawga colaadaha; habeen xasiloonida ilaa habeen dagaalka

Xigashada Sawirka, US Air Force photo by Staff Sgt. William Rio Rosado
Filimku waxa uu ku bilaabmayaa habeen aamusnaan ah, oo aan wax dhibatao ah aysan jirin, waxana uu ku bilaabmayaa saldhig ciidan oo aan la magacaabin. Sida dadka la wareystay ay yiraahdeen, wax walba waxay u socdeen sidii caadiga ahayd saacadihii hore ee habeenkaas.
isbeddellada ayaa si dhaqso ah u dhacay, sida warbixin laga soo tebiyay, diyaarado ciidan ayaa la soo dhoobay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, iyagoo aamusan oo diyaar ah.
Waxay ahayd habeenimadii sabtida, duuliyayaashu waxay cuneen cashadoodii oo waxay fadhiyeen dhulka. Waxa ay sheegeen in aanay wax fikrad ah ka hayn in saacad ka dib ay ku lug yeelan doonaan dagaalkii ugu weynaa ee soo mara xirfadooda.
Markii koowaad waxaa soo dhacay taleefoonka"Line One," dhowr daqiiqo ka dib "Line Two," ka dibna mid kale. In ka yar hal saac, qolku wuxuu ka noqday mid aamusan una dhaqaaqay si degdeg ah.
Filimka, Major Benjamin "Irish" Coffey, oo ah duuliye F-15, ayaa sheegay in qiyaasahooda bilowga ah ay ka baxeen calaamadaha wax lagu qiyaaso: "Heerka aan ka fikiray xaaladda cadowga ugu khatarta badan waxay ahayd, ugu badnaan 10 ilaa 20 boqolkiiba wixii aan la kulannay."
Isla markiiba, diyaaradihii ugu horreeyay ee F-15 ayaa kacay habeenkaa, iyagoo sameeyay saddex saf, waqooyi, bartamaha iyo koonfurta, si ay u ilaaliyaan hawada.
Hawlgalka shidaal siinta hawada ayaan weli dhammaan markii shaashadaha Raadaarka laga buuxiyey isgaarsiin, kuwaas oo dhamaantood la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Amarka rididda rasaasta ayaa ka yimid, mowjadda "Fox-3" (oo ay ula jeedaan riditaanka gantaalka raadaarka.
Benjamin Coffey ayaa yiri: "Waxaan riday xabadii ugu horeysay, ee aan diyaariyay waa uu kacay, cirka ayuu iftiimiyay xilligaas, waxaa mar qur ah isla iftiimay hawada sare, waxay ahayd waayo-aragnimo aad u naxdin badan, sababtoo ah waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan rido gantaal AMRAAM noolasheyda.".
Duuliyayaasha ayaa sheegay in goobta dagaalku ka dhacay ay ahayd mid qasan oo jahwareer uu ka jiro: "Waxaa jirta diyaarad aan duuliye lahayn... mi la tooganayo ... mid qarxeysa."
Qaar ka mid ah diyaaradahan ana duuliyaha lahayn ayaa waxay ku duulayeen joog hoose si aan loo ogaan.
Mid ka mid ah duuliyayaasha ayaa filimka ku yiri: "Ma sifayn karo sida ay khatarta u tahay howlgalkan. Mararka qaarkood waxaan ku duulayay kun fiit oo dhulka ka sarreeya, marka joogitaanka ugu yar ee nabdoon uu ahaa afar kun oo fiit, taas oo ahayd saddex kun oo fiit oo ka hooseysa heerkii naftayda aan ku badbaadi lahaa, sababtoo ah dhulku wuxuu ahaa mid aan la arki karin oo aan jirin iftiin ku filan."
Gantaalada riddada dheer iyo khataraha cusub

Xigashada Sawirka, Reuters
Duuliyayaasha filimkan ayaa sheegay in markii gantaaladii ugu dambeeyay la soo riday, dagaalyahannadu ay isu diyaariyeen inay shidaal ku shubaan oo ay dib ugu laabtaan xerada, inay goob joog ka ahaayeen qayb kale oo ka mid ah iska horimaadka oo wxaa bilaabmay gantaallada ballistic-ga Iran ee hawada soo galay.
Mid ka mid ah duuliyeyaasha ayaa sheegay in cirifka bari "waxaa ka muuqday dhalaal khafiif ah. Waxaan bilaabay tirinta gantaallada ... waa inaan joojiyo markii aan gaaray saddex iyo toban, sababtoo ah waxay ku soo galeen si degdeg ah mar dambe ma tirin karo." Shabakad difaac ah hawada oo ka timid qalabyada difaaca ee kala ah Iron Dome iyo David's Slings ilaa Patriot iyo nidaamyada ciidamada badda ee xulafada ah dhamaantood waa la isticmaalay.
Gantaaladaasi oo cirka isku shareeray, waxayna abuureen muuqaal aad u yaab badan oo argagax ku abuuray duuliyayaasha: gantaalada hawada isku dhacay, ka dibna waxaa xigay iyaga oo sidii roobka dhulka ugu soo daadanay. "Runtii ma doonayo inaan hadda halkan joogo," waxaa sidasi yiri mid ka mid ah saraakiishii.
Digniin

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhanka kale, Saldhigga Milatari ayaa weli heegan ku jira, taasoo la micno ah inay dhuumaaleysi lagu jiro. Laakin taliyaha diyaaradaha oo lagu sheegay magaca "Vodoo," ayaa ku dhawaaqay : "Feejignaanta casaanka macnaheedu waa dagaal; Hubi diyaaradda oo soo rid, ka dibna ku dhuunta hoyga."
Amarkani waxa uu abuuray xaalado aan hore loo arag waxana uu bilaabay hawlgal arxan darro ah oo duuliyayaasha iyo askarta filimka 'Ciyaaraha Khatarta' ay barbar dhigayaan xarumaha adeegga ee tartanka Formula One.
Kooxaha farsamada iyo hubka ayaa isku mar ku shubay shidaal, ku shubay gantaalo, waxaana ay sameeyeen baaritaanno loo baahnaa iyadoo matoorada diyaaraddu ay sii shaqeynayeen. "Habeenkaas waxay ahayd markii ugu horreysay oo aan arko hawl-gal noocan oo kale ah oo labada matoorba ay shaqeynayeen," ayuu yiri mid ka mid ah askarta.
Filimku waxa uu muujinayaa in duuliyayaasha ku soo laabteen saldhigga aanay khatar la'aan ahayn. Mid ka mid ah ayaa ka warramaya in intii ay soo degayeen, aanay jirin wax jawaab ah oo ka soo baxay taawarka, shabakadahana ay mashquul ahaayeen, cid hagtana aanay jirin.
Isaga iyo kaaliyihiisii waxay go'aansadeen in ay ku soo degaan dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan iyaga mas'uul ka ah, iyaga oo aan fasax rasmi ah haysan. Isla markaas, cod ayaa ka yimid qolka howlgalka: "Hal daqiiqo ka hor weerarka, ma hadli karno."
Sheekadii ayaa si lama filaan ah ku dhamaatay. Wax sharraxaad ah lagama bixin. Duuliyayaasha ayaa sheegay in ay wada eegeen oo ay sugayeen amar kale. "Taasi waa qaybta aan diyaar u ahayn," mid ayaa yiri.
Daqiiqado gudahood, waxaa caddaatay in khatartii isla markiiba meesha laga saaray. Diyaaradaha dagaalka ayaa soo degay, waxaana la xiray matooradii. Markii ay duuliyayaashii diyaaradda ka dageen, waxa ay la kulmeen talefannadooda gacanta oo ay ka buuxaan farriimo werwer leh oo ka imanaya qoysaskooda, iyadoo warar caalami ah ay internetka ku soo dhacayeen cinwaanno ku saabsan "Gantaalkii ugu weynaa ee Iran iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil.













