Itoobiya oo ku eedeysay Eritrea in ay u diyaargaroobeyso dagaal xilli ay jirto xiisadda Badda Cas

Khilaafka Itoobiya iyo Eritrea

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Itoobiya ayaa ku eedeysay Eritrea in ay isku diyaarineyso dagaal ka dhan iyadoo gacan siineysa koox mucaarad ah.

Eedeynta Itoobiya waxay ku qortay warqad uu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Warqada ayaa lagu cadeeyay in ay jiraan astaamo muujinaya dagaal.

Eritrea weli kama hadal warqadaas balse xiriirka ay la leedahay Itoobiya ayaa sii xumaanayay bilihii u dambeeyay.

Itoobiya ayaa si weyn u raadineysay in ay dib u hesho Badda Cas taas oo dareen gelisay Eretria oo Itoobiya ka go'aday sanadkii 1993-dii.

Hadii eedaha Gedion ay dhab yihiin, waxay ka dhigan tahay in Eritrea ay ku soo qaadeyso Itoobiya dagaal ay ku jiraan qeybo badan, waxayna dooneysaa in ay ka hortagto duullaan militeri oo lagu qabsanayo dakadaha Badda Cas.

Itoobiya iyo Eritrea waxay ku dagaallameen gacan ku haynta magaalada xuduuda ku taal ee Badme intii u dhexeysay 1998-dii ilaa iyo 2000, waxaana ku dhintay tobannaan kun.

Ilaa markii uu xukunka yimid Abiy sanadkii 2018-kii, wuxuu soo afjaray xiisadii u dhexeysay labada dal isagoo isbahaysi xooggan la sameystay madaxweyne Isaias Afwerki. Balse xiriirkaas wuu xumaaday markii ay soo baxeen in Itoobiya ay dooneyso in ay hesho Badda Cas.

Warqada oo ay aragtay wakaalada wararka ee AFP, waxa uu Gedion ku eedeeyay Eritrea iyo TPLF in ay maalgelinayaan oo hubeynayaa ciidamo gobolka Axmaada jooga halkaas oo maleeshiyada Fano ay dowladda kula dagaallameysay.

"Kooxda TPLF iyo dowlada Eritrea waxay diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Itoobiya," ayey AFP ka soo xigatay warqada loo diray Qaramada Midoobay.

Laanta afka-Axmaariga ee BBC ayaa la xiriirtay wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya in ay xaqiijiso sida warqadaas ay sax u tahay balse weli kama soo jawaabin Itoobiya.

Taageerayaasha dowladda Itoobiya ayaa warqada si weyn ugu wareejinayay baraha bulshada.

Kooxda TPLF ee uu hoggaaminayo Debretsion Gebremichael waxay maamushaa gobolka Tigray kaas oo ku yaal xadka Itoobiya la leedahay Eritrea.

Waxay ku eedeeyeen dowladda Abiy in ay ku guuldareysatay hirgelinta heshiiskii nabadeed ee la gaaray sanadkii 2022-kii kaas oo lagu dhameynayay dagaalka Tigray, waxay kaloo sheegtay garab kale oo TPLF ah oo uu hoggaamiyo Getachew Reda in uu la shaqeyanyo Addis Ababa.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya
Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gideon Timotheos
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Eretria hal dhinac ayey dagaalka la gashay balse qeyb kama noqon heshiiska. Hadda waxaa lagu eedeynayaa in ay isbahaysi la sameysaneyso garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion.

Itoobiya waxaa markii uu socday dagaalka Tigray sido kale dhibaaato u geystsay dagaal kale oo ka dhacay gobolka Axmaarada kaddibna waxaa dhacay kan maleeshiyada Fano kuwaas oo markii hore isbahaysi la ahaa dowladda Abiy markii ay la dagaallameysay TPLF. Waxay diideen tallaabo hubka looga dhigayay iyagoo sheegeen in ay difaacayaan qowmiyada Axmaada.

Fano waxay u muuqdaan in ay balaariyeen qorshahooda ay doonayaan in ay ku ridaan dowladda Abiy iyagoo fulinaya howlgalao dhimasho keenay.

Wargeyska gaarka loo leeyahay ee Addis Standard ayaa sheegay in warqada wasiirka arrimaha dibadda ay ku eedeysay Eritrea iyo TPLF in ay taageereen dadaalada ay Fano ku qabsaneysay magaalada Woldiya ee gobolka Axmaarada bishii Sabtamber

Taliyayaasha iyo dagaalyahanada TPLF ayaa si toos ah uga qeybqaatay howlgalka sida laga soo xigtay wargeyska.

Wasiirka waxa uu sheegay in Eriteria ay isku dayeysay in ay khalalaase ka abuurto Itoobiya maadama ay dareentay in ay khatar uga imaaneyso dadaalka Addis Ababa ay ku dooneyso Badda Cas sida uu sheegay wargeyska.

Ilaa iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023-kii, Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn waxay dooneysay in ay hesho Badda Cas iyadoo ku doodeysay in ay khalad aheyd in ay wareejiso qeybo ka mid ah Eretria markii ay xorriyada qaadaneysay.

Madaxweynaha Itoobiya, Taye Atske Selassie, ayaa isniintii baarlamaanka ka sheegay in Badda Cas iyo wabiga Nile "ay yihiin biyo muhiim u ah dalka".

Arrintaas ayaa dhalisay in uu aad uga caroodo wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, kaas oo ku tilmaamay "wax liita oo qiimo laheyn".