Muxuu yahay hubka uu Mareykanka kaliya haysato ee burburinkara xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah?

Xigashada Sawirka, US Air Force
Weli lama adeegsan mana haysato Israel mid ka mid ah hubka duqeyn kara xarumaha nukliyeerka Iran ee dhulka hoostiisa ku yaal. Hubkan oo lagu magacaabo GBU-57A/B waa mid ka mid ah bambooyinka ugu weyn adduunka ee aan aheyn nukliyeer. Mareykanka oo kaliya ayaana haysta.
Bamkan la hago ayaa la sheegay in culeyskiisu gaarayo 13,600 oo kiilo, waxa uuna awoodaa in uu ka dhex baxo gudaha hoose ee dhismaha qeybta shidaalka naaxinta xarunta nukliyeerka ee Fardow taas oo ku hoos taal buuro.
Mareykanka weli ma siin bamkan Israel. Hadaba muxuu yahay bamkan? Maxaase diidaya in la adeegsado?
Sida laga soo xigtay dowladda Mareykanka, gantaalkan GBU-57A/B "waa hub meelaha adag ka gudba, wuxuu gali karaa dhulka hoose".
Bamkan lixda mitir ah waxaa la sheegay in uu awood u leeyahay in uu dhexmaro 61 mitir oo dhulka hoose ah, markaa kaddibna uu qarxo. Waxaa suuragal ah in dhowr bamb oo isku xiga hal mara la rido. Taasna waxay keeneysaa in ay dhacaan qaraxyo badan oo hoos dhulka u sii qodi kara.
Bamkan waxaa sameeyay shirkadda Boeing, welina looma adeegsan dagaal balse waxaa lagu tijaabiyay meelaha militeriga Mareykanka hubka ku tijaabiyeen ee gobolka New Mexico.
Hubkan waxa uu ka awood badan yahay noocyada kale ee caanka ah uu Mareykanka sameeyo sida kan loo yaqaan MOAB oo ah hooyada bambooyinka. Dalka Afghanistan ayaa bamkaas loo adeegsay sanadkii 2017-kii.
"Ciidamada cirka Mareykanka ayaa isku dayay in ay sameeyaan hub badan oo kan la mid ah oo ay ku jiraan biro adag oo qarxa" ayuu yiri Prof. Paul Rogers oo ka tirsan jaamacada Bradford ee UK.
Diyaarada qaada bamka waxaa loo yaqaan B-2, waxaana sameeyay shirkadda Northrop Grumman, waana diyaarada ugu casrisan kuwa dagaalka ee ciidamada cirka Mareykanka. Sida ay sheegtay shirkada sameysay, diyaarada waxay awoodaa in ay qaado ilaa iyo 18-kun oo kiilo. Mareykanka waxay sheegeen in tijaabadii la sameeyay ay guuleysatay.

Diyaarada bambooyinka qaada waxay socon kartaa 11-kun oo kiilomitir iyadoon u baahan shidaal, hadii hawada iyadoo ku jirto shidaal la siiyo, waxay sii socon kartaa ilaa iyo 18,500 oo kiilomitir. Sida ay sheegtay shirkada sameysay, waxay meel kasta oo adduunka ka mid ah ku gaari kartaa shan saacadood gudahood.
Prof. Paul Rogers wuxuu kaloo sheegay hadii diyaaradan loo adeegsado dal difaac casri ah leh sida Iran oo kale ah, waxaa loo baahan yahay in diyaaradan ay la socdaan kuwa kale sida diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo difaaca. Waxaa kaloo uu sheegay Rogers in keydka Mareykanka ee bambooyinkan uu xadidan yahay. "Guud ahaan bambooyinka noocan ee Mareyanka haysto waxay gaarayaan 10 ilaa iyo 20".

Xigashada Sawirka, Whiteman Air Force Base
Bambkan ma loo adeegsanayaa Iran?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Fardow waa xarunta labaad ee nukliyeerka Iran. Waxay ku tool gunta hoose ee buuraha u dhow magaalada Qom oo 95 kilomitir koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimada ee Tehran. Sanadkii 2006-dii ayaa la bilaabay dhismaha xaruntaas, waxayna shaqada bilowday 2009-kii markaas oo Tehran ay si rasmi ah ugu dhawaaqday jiritaankeeda.
Inkastoo la sheegay xarunta Fardow in ay ku taal 80 mitir meel ka hooseysa dhul dhagax iyo ciid adag, hadana waxaa ilaaliya gantaalada Iran iyo Ruushka.
Bishii Maarso ee sanadkii 2023-kii, waxay Hay'ada Atoomikada Caalamiga heshay qeybo ka mid ah yuraaniyamka oo la naaxiyay ilaa iyo 83.7 boqolkiina, taas oo aad ugu dhow in hub laga dhigo.
Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, wuxuu ku sheegay ujeedka weerarka in uu yahay in la burburiyo gantaalada dalka iyo barnaamijkooda nukliyeerka kaas uu ku tilmaamay in uu halis ku yahay "jiritaanka Israel".
"Ujeedka howlgalka waa in gabi ahaan la burburiyaa Fardow" ayuu yiri jimcihii Yeshil Leiter oo safiirka Israel u fadhiya Mareykanka.
"Go'aanka Mareykanka uu ku adeegsanayo bambooyinkan waxa uu ku xiran yahay hadii madaxweyne Trump uu doonayo in uu caawiyo Israel intii awoodiisa ah" ayuu yiri Prof. Rogers.
Mar la weydiiyay madaxweyne Trump isagoo jooga shirka G7 ee ka socda Canada waxa uu sheegay in uusan dooneyn in uu taas ka hadlo.
Telefishinka ABC News oo weydiiyay safiirka u fadhiya Israel Mareykanka suurgalnimada in Mareykanka caawiyo, waxa u uku jawaabay, "Israel way ka dalbatay Mareykanka kaalmo".
Iran waxay si joogta ah u sheegtaa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabad ah oo aysan marna dooneyn in ay sameysato hub nukliyeer ah.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayey guddiga hay'ada Quwada Atoomikada Adduunka oo ka kooban 35 dal si rasmi ah u sheegeen markii ugu horeysay 20 sano in Iran ay jabisay ballanqaadkeeda ahaa in aysan sameysaneyn hub nukliyeer ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qodobka go'aaminaya weerar
Inkastoo ay Israel weerartay xarumaha nukliyeerka Iran hadana Prof. Paul Rogers wuxuu qabaa in ay tahay mid hooseysa waxyeelo gaartay xurumahaas.
"Waxay u baahan yihiin hub godka hoose gaara, waa wax aysan iyaga sameyn karin" ayuu yiri Prof. Paul Rogers
Waxaa la sheegay in hubkan Mareykanka haysto uu yahay waxa ugu dhow ee waxyeelo u geysan kara awoodda dhulka hoose ee Iran balse cidna ma oga heerka waxyeelada.













