Janaraaladii ciidamada iyo raggii kale ee muhiimka ee Iiran looga dilay weerarkii Israa'iil

Xigashada Sawirka, AFP/Getty
Israa'iil waxay Jimcihii duqeysay tobanaan bartilmaameed, oo ay ku jiraan xarumaha Nukliyeerka, goobo militari iyo guryo gaar loo leeyahay, oo ku yaalla dalka Iran oo dhan, halkaas oo ay ku dishay tiro ka mid ah taliyayaasha sare ee ciidamada, waxa ay ugu yeertay "Howlgalka Libaaxa toosay".
Weerarada Israa'iil ayaa sidoo kale lala beegsaday tiro kale oo saameyn ku leh barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jiraan lix saynisyahano nukliyeer ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka Tasnim ee xiririka la leh IRGC.
Tobaneeyo qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur ayaa sidoo kale la sheegay inay ku dhinteen.
Waa kuwan waxa aan ilaa hadda ka ognahay shaqsiyaadka caanka ah ee ku dhintay weerarkaasi.
Mohammad Bagheri

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bagheri waxa uu ahaa sarkaalkii ugu darajada sareeyay ciidamada Iran, isagoo ahaa madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran - oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo ciidamada Iran.
Bagheri waxa uu ku biiray IRGC 1980 isaga oo 20 jir ah, isaga iyo walaalkii, waxa uu gacan ka gaystay samaynta qaybta sirdoonka ee IRGC intii uu socday dagaalkii Iran iyo Ciraaq.
Waxaa loo arkayay inuu ka adag yahay taliyayaasha kale. Waxa uu dhawaan la kulmay dhaleeceyn khudbad uu jeediyey bishii April.
Abdolrahim Mousavi, ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada qalabka sida, sida ay sheegtay wakaalada wararka Iran ee Irna.
Hossein Salami

Xigashada Sawirka, Reuters
Hossein Salami wuxuu ahaa taliyaha guud ee ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga Iran ee IRGC.
Salami waxa uu ku biiray IRGC sanadkii 1980-kii xiligaasi oo uu socday dagaalkii Iran iyo Ciraaq,waxana uu noqday taliye ku xigeen sanadkii 2009-kii, ka hor inta uusan noqonin taliyaha guud sanadkii 2019.
Waxaa lagu yaqiinay awoodiisa aftahannimo, waxa uu qaatay mawqif adag oo ku wajahan Israa'iil, dhawaana bishii hore waxa uu sheegay in Tehran ay "furayso albaabada naarta" haddii ay soo weerarto Israa'iil ama Maraykanka midkood.
Mohammad Pakpour ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee IRGC, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.
Gholamali Rashid

Xigashada Sawirka, AFP
Gholamali Rashid wuxuu ahaa madaxa xarunta dhexe ee Khatam-al Anbiya ee IRGC, taas oo isku dubbarida howlgalka milatari ee ay si wadajir ah u fuliyaan ciidamada Iran.
Rashid wuxuu ka qeyb galay dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee sanadihii 1980-meeyadii, wuxuuna horey u ahaan jiray ku-xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran.
Markii uu geeriyooday Cli Shadmani, ayaa Rashid, loo magacaabay inuu noqdo hoggaanka taliska deg dega, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.
Amir Ali Hajizadeh

Xigashada Sawirka, AFP
Taliyaha Ciidanka Cirka ee IRGC, Hajizadeh ayaa ahaa shaqsi caan ah oo qaabilsanaa barnaamijka gantaalada dalka.
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in Hajizadeh uu ku sugnaa xarun taliska oo dhulka hoostiisa ah, halkaas oo ay la joogeen inta badan taliyaasha ciidamada cirka ee IRGC si ay ugu diyaar garoobaan weerar ka dhan ah Israa'iil.
IDF waxay sheegtay in kooxdaasi lagu dilay weerar toos ah oo lagu qaaday dhismahaas.
Waxay sidoo kale sheegeen in Hajizadeh uu ahaa ninkii hagayay weerarradii gantaallada Iran ku qaaday Israa'iil bishii Oktoobar iyo Abriil ee sanadkii hore.
Hajizadeh dadweynaha Iran ayaa cambareeyay kadib markii uu qirtay mas'uuliyadda soo ridistii diyaaraddii rakaabka ahayd ee Ukraine oo ka duushay Tehran sanadkii 2020, taasoo ay ku dhinteen dhammaan 176 qof ee saarnaa.
Fereydoon Abbasi

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Abbasi, wuxuu ahaa saynisyahan nukliyeer islamarkana madaxa aka haa Hay'adda Tamarta Atomiga ee Iran intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2013.
Wuxuu markaas kadib xildhibaan ka noqday baarlamaanka Iran laga bilaabo 2020 ilaa 2024.
Wuxuu si cad u taageeri jiray mowqifyo adag oo la xiriira howlaha nukliyeerka Iran.
Bishii May, wuxuu ka hadlay telefishinka Iran ee SNN.ir isagoo sheegay suurtagalnimada in la dhiso hub nukliyeer, wuxuuna sheegay inuu si degdeg ah u fulin doono amar kasta oo arrintaas la xiriira haddii la siiyo.
Saynisyahannada Nukliyeerka
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sidoo kale soo warisay in tiro saynisyahanno nukliyeer ah la dilay. Waxaa ka mid ah:
Mohammad Mehdi Tehranchi – madax ka ahaa Jaamacadda Azad ee Tehran.
Abdulhamid Minouchehr – madaxa injineeriyadda nukliyeerka ee Jaamacadda Shahid Beheshti.
Ahmad Reza Zolfaghari – bare sare oo ku takhasusay injineeriyadda nukliyeerka ee isla jaamacadda Shahid Beheshti.
Amirhossein Feqhi – bare kale oo nukliyeer ah oo ka tirsan isla jaamacadda Shahid Beheshti.













