Iran oo sheegatay in ay gacanta ku dhigtay dukumiintiyo xasaasi ah oo la xiriira nukleyrka Israa'iil

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Telefishinka qaranka Iran ayaa Sabtidii sheegay in Iran ay heshay dukumeenti xasaasi ah oo Nukliyeerka Israel ah iyada oo loo marayo "weero sirdoon oo ballaaran". Warbixintu ma aysan bixin macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan sida Iran ay ku heshay dukumentiyada.

Warkan oo si kooban looga baahiyay TV-ga qaranka ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonka Iran ay heleen xogo istaraatiiji ah oo xasaasi ah iyo dukumeentiyo ay ku jiraan kumanaan qoraal oo la xiriira mashaariicda iyo xarumaha Nukliyeerka ee ay Israel leedahay.

Israa'iil ayaan weli ka hadlin sheegashada Iran.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Iran ee Tasnim, wasiirka sirdoonka Iran Hojatoleslam Seyyed Esmail Khatib ayaa sheegay in dukumentiyada Nukliyeerka ee Israel lagu wareejiyay Iran.

Wuxuu yiri, "Dukumentiyada aan ka helnay xukuumadda Sahyuuniyadda waxay la xiriiraan barnaamijkeeda Nukliyeerka, waxaana sidoo kale ku jira macluumaad badan oo ku saabsan Mareykanka, Yurub iyo dalal kale."

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli barnaamijka Nukliyeerka Iran ay ka hadlayso Israa'iil oo barnaamijkan u aragta mid khatar ku ah. Mareykanka ayaa sidoo kale sii kordhinaya cadaadiska uu ku hayo Iran inay saxiixdo heshiis cusub oo Nukliyeer ah.

Trump iyo Khumeini

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishii Maarso ee sanadkan, sida uu sheegay CBS News, oo ah saaxiibka BBC-da Mareykanka, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay "Haddii (masuuliyiinta Iran) aysan wax heshiis ah gaarin, ay dhici doonaan weeraro aan horay loo arag."

Isagoo arrintaas ka jawaabaya, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Ali Khamenei ayaa ka digay in haddii Mareykanka uu weeraro Iran, isagoo ka duulaya hanjabaadda madaxweyne Donald Trump, ay jiri doonto jawaab adag.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Ayatollah Ali Khamenei waxa uu yidhi "Maraykanka iyo Israa'iil weligood way na necbaayeen, waxa ay noogu hanjabaan weeraro aan horay loo arag, laakiin haddii ay wax xun sameeyaan, waxa hubaal ah in jawaab adag laga siin doono.

Donald Trump ayaa u sheegay Fox News in uu warqad u qoray hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo uu ugu yeerayo wada hadal.

In kasta oo Iran ay sii waddo ka shaqaynta barnaamijkeeda Nukliyeerka, haddana khubaradu waxay aaminsan yihiin in Israa'iil ay tahay waddanka keliya ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka Bariga Dhexe.

Wadamada reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Maraykanka oo ah xulafada istaraatiijiyadeed ee ugu weyn Israa'iil ayaa Iran ku eedeeya in ay haysato hubka Nukliyeerka ah, balse Iran waa ay beenisay eedeymahaasi.

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka, Rafael Mariano Grossi, ayaa ka digay "in Iran aysan ka fogeyn" inay sameysato bam Nukliyeer ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri "Iran hadda ma haysato hub Nukliyeer ah, balse waxay haysataa agabka ceyriinka ah ee loo baahan yahay".

Wareysi uu siiyay wargeyska Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayuu ku sheegay in Iran ay hadda haysato kayd ballaaran oo sii kordhaya oo boqolkiiba 60 uranium la tayeeyay ah. Wuxuu kaloo sheegay in awoodda Nukliyeerka Iran aan lagu burburin karin hal weerar.

Iran ayaa diiday mawqifka madaxa IAEA, iyada oo ku jawaabtay "ma jirto xadidaad ku aadan heerka tayeynta."

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran iyo hay'adda quwadda Atoomikada ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin daabacaadda warbixintaas oo ay ku tilmaameen "bayaan siyaasadeed" waxayna ku nuuxnuuxsadeen in Tehran ay marar badan xaqiijisay in aanay jirin goobo iyo dhaqdhaqaaqyo aan la shaacin oo nukliyeer ah.

Iran waxay heshay dukumentiyo xasaasi ah

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Iran ee Fars News Agency, "Sirdoonka Iran waxa ay ku guulaysteen in ay helaan oo ay la soo wareegaan tiro badan oo xog istaraatiiji ah oo xasaasi ah iyo dukumentiyo ay ku jiraan kuwo ku saabsan xogta iyo xarumaha Nukliyeerka".

Ururka ayaa ku tilmaamay howlgalkan "Weerarkii ugu weynaa ee sirdoon" ee ka dhanka ah Israa'iil taariikhda.

Iran waxa ay si joogto ah ugu dhawaaqdaa in la xiro shaqsiyaadka lagu eedeeyo basaasnimo waxana ay ku eedaysay Israa'iil "dilal qorshaysan ama falal lau cuuryaaminayo barnaamijkeeda Nukliyeerka".

Taa beddelkeeda, bishii Maajo 2025, Israa'iil waxay xirtay laba qof oo looga shakisan yahay inay fuliyeen hawlgallo sirdoon oo ay wakiil uga ahaayeen Iran.

Wakaaladda wararka ee Iran ayaa sheegtay iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedyo, in "kumanaan dukumeenti ah oo la xiriira mashaariicda Nukliyeerka ee Israel ay ka mid yihiin waxyaabaha la qabtay."

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan uu dhacay muddo ka hor, balse in si amaan ah ay kula wareegto Iran ay waqti u baahneed, howlgalkan ayaana ahaa mid qarsoodi ah.

Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in qaar badan oo ka mid ah dukumeentiyada lagu xarayn doono meelo "ammaan" ah. Sida ay sheegeen, waxaa jira dukumeenti aad u badan oo ay qaadan doonto waqti dheer in la daawado sawirada iyo cajaladaha ku jira dukumentiyadaas.

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay weerarro militari ku qaadi doonaan xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iiraan. Iran waxa ay ku adkaysanaysaa in ay xaq u leedahay tamarta nukliyeerka ee aan hubka ahayn, gaar ahaan korontadda, sida uu dhigayo heshiiska Nukliyeerka, kaas oo ay saxiixday.

Xiisada labada dal ayaa gaartay meeshii ugu sareysay sanadkii hore markii Iran ay si toos ah labo jeer u weerartay dhulka Israel boqolaal gantaal ama diyaarado aan duuliye lahayn.

Iran ayaa sheegtay in weerarradaas ay jawaab ku habboon u yihiin weerarrada dhimashada badan ee Israa'iil ay ku qaadday qunsuliyadda ay ku leedahay Suuriya.

Tehran ayaa ku dhawaaqday inay u aargudi doonto dilkii lagu dilay hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh iyo dilkii xoghayihii hore ee guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah.