Maxaan ka ognahay gantaalka Fatax-2 ee ay xalay adeegsatay Iran ayna qaban waayeen difaacyada Israa'iil?

Gantaalka Fatax

Xigashada Sawirka, Tasnim

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee IRGC ayaa xalay ku dhawaaqay in ay adeegsadeen gantaalka "Fattax hypersonic" kaas oo lagu weeraray Israa'iil.

Tani waxay u muuqataa inay tahay markii ugu horeysay ee IRGC ay adeegsadeen gantaallada Fattax tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa'iil iyo Iran Jimcihii la soo dhaafay oo bishan ahayd 13 .

Ilaalada Kacaanka ayaa Fatax ku tilmaamay gantaal aan la xakamayn karin oo gudaha u galay gaashaanka difaaca gantaallada Israa'iil.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gantaalada Iran ay ku dhaceen meel baabuurta la dhigto oo ku taal Tel Aviv.

Ilaalada kacaanka Iran waxay Israa'iil ku weerartay gantaallada Fatah-1 oo keliya intii lagu jiray Hawlgalkii "Odeh Sadeq II" 1-dii Oktoobar.

IRGC ayaa wakhtigaas sheegtay in gantaalkani uu awooday in uu "burburiyo raadaarada difaaca gantaallada ee Paykan 2 iyo 3 ee Israa'iil."

Maxaan ka ognahay gantaalka Fattax oo ay ciidamada Kacaanku sheegeen in uu leeyahay tignoolajiyada "hypersonic" ama "supersonic" oo hadal hayn badan iyo mala-awaal badan dhaliyay?

Fattax, magaca uu doortay hoggaamiyaha sare ee Iran

Ali Khamenei oo kormeeraya gantaalka Fatah-2

Xigashada Sawirka, Tasnim

"Fattax" oo ah magac uu bixiyay Cali Khamenei, hoggaamiyaha jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa wuxuu u kala qeybsamaa labo qaybood oo kala ah: Ballistic iyo Cruise.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in gantaalka Fattax uu socon karo masaafo dhan 1,400 oo KM, wuxuuna awood u leeyahay inuu gudaha u galo dhammaan nidaamyada difaaca gantaallada oo uu sidoo kale burburiyo.

Iran ayaa gantaallada ridada dheer ee 1,300 kilomitir ugu yeertay "dilka Israa'iil", ka dib markii la soo bandhigay gantaalka ballistic-ga ee Fattax-, boor ay ku qoran yihiin "400 ilbiriqsi ilaa Tel Aviv" ayaa la dhigay fagaaraha Fasaltin ee Tehran si loogu hanjabo Israa'iil.

Fattax-1 wuxuu leeyaahay madax wareeg ah oo adag, , ilaalada kacaanka waxay sheegeen in uu leeyahay "awood uu ku aaddo jiho kasta."

Fattax waa gantaalka shidaalka ku shaqeeya kaas oo nooca ballistic-ga waxa ay taasi ka dhigan tahay in ilbiriqsigii uu jarayo 5 kiiloomitir.

Warbaahinta Iran, oo ay ku jirto wakaaladda Tasnim, ayaa qoray in Fattax-2 "uu awood u leeyahay in uu ku duulo jawi aad u hooseeya, sidoo kale waa mid is rog-roga inta uu ku jiro duulimaadkiisa."

Gantaalka Fattax-2 ayaa la tijaabiyay intii uu ku guda jiray booqashadii hogaamiyaha sare ee Cali Khamenei uu ku tagay Jaamacadda Ashura ee cilmiga hawada sare iyo tignoolajiyada ee xiriirka la leh ilaalada kacaanka, balse ma jirto xog sax ah oo laga helayo baaxada gantaalka.

In kasta oo Iran ay geysay gantaallada Fattax si ay ugu cabsi galiso Israa'iil, hadana ma aysan isticmaalin weerarkeedii ugu horreeyay ee Israa'iil 13-kii Abril, 2024-kii.

Gantaalka Fattax ma leeyahay tignoolajiyada "hypersonic"?

Ilaalada Kacaanku waxa ay ku adkaysanayaan in ay heleen walxo ka mid ah gantaallada hawada sare, khubarada qaar ayaan u arag gantaalka Fattax in uu yahay mid ay shaki ka qabaan.

Fabian Heinz, oo ah cilmi baare dhinaca difaaca iyo milatariga ah, ahna khabiir ku takhasusay gantaallada ballistic-ga, kana tirsan machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadda, ayaa BBC u sheegay in tignoolajiyada gantaalaha ballistic-ku ay soo bilaabatay dagaalkii labaad ee aduunka, waxaanu sheegay in gantaalladani ay gaaraan xawaarahooda ay meel sare , kuwaas oo shan laab ka badan xawliga dhawaqa, mar ay marayaan jihada ay ku socdaan.

Laakiin gantaallada hypersonic marka loo eego macnaha guud ee gantaallada maaha xawaaraha oo kaliya, ayuu yiri Mr. Haynes: "Marka aan ka hadlayno hubka hypersonic, waxaan ka hadlaynaa hubka ku socda shan jeer xawaaraha codka oo weli sii mara jawiga dhulka, taas oo ka dhigaysa mid aad u adag in la beegsado. Taasi waa waxa aan ula jeedno hubka hypersonic."

Khabiirka dhanka gantaallada ayaa BBC u sheegay in Iran aysan wali haysan hub ay reer galbeedku u yaqaaniin hubka hawada sare, sida gantaallada ballistic-ga ama hypersonic cruise missiles, laakiin ay u badan tahay in ay ka shaqaynayso farsamadan.

Machadka Adeegga Boqortooyada ee UK (RUSI) ayaa sidoo kale warbixin uu ku eegayay weerarkii gantaalaha ee Iran ku qaaday Israa'iil ku sheegay in gantaalka Fatah-lagu tilmaami karo gantaal ballistic ah oo aan la oron karin hypersonic."

Si kastaba ha ahaatee, Amir Ali Hajizadeh, Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka ee IRGC, ayaa ka sheegay xafladii lagu soo soo bandhigayay gantaalka Fatax, "Gantaalkani waxa uu leeyahay xawli aad u sareeya, waxaanu ku duuli karaa jawiyo kala duwan", "ma aha mid lagu burburin karo gantaal kale."