Wax badan ka ogow gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic ee ay Iiraan heysato

Talaadadii, Iran ayaa boqolaal gantaallo ku ridday Israa’iil, qayb ka mid ah gantaalladaasna waxay ahaayeen kuwa guuxooda ka dheereeya ee hypersonic ga loo yaqaano.

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, Weriye, BBC Somali

Iiraan iyo Israa'iil ayaa is-weydaarsaday duqeymo cirka ah aroortii Sabtida, iyadoo qalabka bixiya codka digniinaha ee weerarka cirka laga maqlay Tel Aviv iyo Jerusalem, sidoo kale qaraxyo laga maqlay Tehran.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay gantaallo ballistic ah ku rideen Israa'iil — halka milatariga Israa'iil (IDF) ay sheegeen inay qaar ka mid ah gantaalladaas soo rideen — iyadoo hoggaamiyaha sare ee Iiraan uu ballan qaaday inuu "dhirbaaxooyin culus" kaga jawaaabayo weerarradii Israa'iil ee maalintii ka horreysay.

Afartan qof ayaa lagu daweynayaa isbitaalada Israa'iil kaddib weerarka Iiraan, labo ka mid ahna xaaladoodu waa mid halis ah.

Wakiilka Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 78 qof, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo milatari, lagu dilay duqeymaha Israa'iil, iyadoo in ka badan 320 qofna ay ku dhaawacmeen, intooda badanna ay yihiin dad shacab ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku booriyay Iran inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda Nukliyeerka, isagoo ka digay " weeraro Israa'iil ah oo aad uga sii xun kuwii hore.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ugu baaqay Iiraan iyo Israa'iil inay joojiyaan "kororka xiisadda", isagoo yiri: "Nabadda iyo diblomaasiyaddu waa inay guuleystaan."

Xiisaddan labada dal ee isa soo tareysa ma aha tii uu horreysay. Bishii October 1, 2024, Iiraa ayaa ilaa 200 oo gantaal ku ridday Israa'iil. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegay in Ilaalada Kacaanka ay markii uu horreysay weerarka u adeegsadeen gantaalada hypersonic, marka laga soo tago kuwa ballistic-gga.

Haddaba, waa maxay gantaallada hypersonic loo yaqaano ee guuxooda ka dheereeya?

Gantaallada Guuxooda ka dheereeya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gantaallada Guuxooda ka dheereeya

Yaa haysta? Maxay tahay awoodda nooca Iran ay riday, maxayse uga dhigan tahay gobolka bariga dhexe?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gantaallada guuxooda ka dheereeya waa hub awood u leh inuu ku socdo xawaare gaadha ugu yaraan Mach 5, taasoo ka dhigan shan jibaar xawaaraha codka. Wuxuu ilbiriqsigii jari karaa 1.7km, ama 6,174km saacaddii.

Gantaallada qaar ee ballistic ah durba ayay gaaraan xawaare noocan ah, laakiin hubkan cusub wuxuu kaga duwan yahay in uu qaadi karo waddo aan la saadaalin karin ama aan toosneyn marka la rido.

Taas oo ka dhigaysa mid ay adagtahay in lagu ogaado nidaamyada radar-ka iyo in lagu burburiyo hanaanka difaacyada.

Dalal badan ayaa wada horumarinta hubkan iyaga oo rajaynaya inay ku helaan awood millatari, laakiin caqabado ayaa ka haysta weli.

Mid ka mid ah caqabadahaas waa kala duwanaanshaha heerkul ee ku yimaada marka gantaal la rido oo uu ka baxo oogada sare ee deedna kusoo laabanayo taasoo dhalisa heer kul aad u sarreeya, taas oo dhalinaysa in qaybo gantaalka ah inay aad u kululaadaan kadibna ay adkaato in ay gaaraan fariimaha hagitaanka.

Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga.

Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga, iyadoo Moscow la rumeysanaa inay dagaalka Ukraine horey ugu tijaabisay, iminkana waxaa soo raacday Iiraan oo 1-dii October ku riday Tel Aviv.

Mareykanka sidoo kale wuxuu tijaabiyay gantaalladan xawaaraha sare leh laakiin wuu ka gaabiyay heerka ay ka gaareen dalalkan kale.

Gantaalka Iran muxuu kaga duwan yahay kuwa kale?

Mas'uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faatix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faatix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah.

Bishii November ee 2023 ayay ahayd markii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ahaa ee Iran ku dhawaaqeen inuu haysto gantaal hypersonic ah oo ay u bixiyeen magaca Faatix oo micnahiisu yahay furasho.

Iran waxay sheegtay in gantaalkan uu wax ka beegsan karo ilaa masaafo gaadha 1,400 kiilomitir sidoo kale uu ku socon karo xawaare sare oo gaadha ilaa Mach 15 oo 5 km ilbiriqsigii kahor inta uusan ku dhicin bartilmaameedkiisa.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu leeyahay dhuun labaad oo loo dhaqaajin karo in loo adeegsado sidii kiciye kale oo u ogolaanaya inuu sii kordhiyo xawaarihiisa, taasoo saraakiisha sare ee Iran ay ku doodayaan in aysan jirin nidaam difaac oo dunida ilaa hadda la jaanqaadi kara.

Mas'uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faarix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah.

Waxay iska beeniyeen shakigii reer Galbeedka ee ku aaddanaa in aysan Iran sameysan karin gantaallada xawaaraha sare leh ee guuxooda ka dheereeya, Mareykanka waxaa welwelka usii dheer tiknoolojiyadda gantaalkan cususb ay burburinayso suuqiisa bariga dhexe ee hubka maadaama gobolku sameysano hub casri ah.