Trump wuxuu ogolaaday qorshe uu Maraykanku ku weerarayo Iran balse go'aan kama dambays ah ma gaarin

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Donald Trump ayaa ogolaaday qorshayaal lagu weerarayo Iran, balse ma uusan gaarin go'aan kama dambeys ah oo ku saabsan in la weeraro iyo in kale, waxaa sidaas sheegtay warbaahinta ay BBC-da xulafada yihiin ee CBS.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka gaabsaday in uu wali weerarro bilaabayo haddii ay dhacdo in Iran ay ogolaato in ay ka baxdo barnaamijkeeda Nukliyeerka, ilo sirdoon oo sare ayaa u sheegay CBS. Trump ayaa lagu soo waramayaa in uu ka fikirayo weerar uu Mareykanku ku qaado Fordo, oo ah xarun lagu tayeeyo uranium-ka dhulka hoostiisa oo ku taal Iran.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa arbacadii diiday dalabka Trump ee ahaa in uu si shuruud la'aan ah isu dhiibo, xilli madaxweynaha Mareykanka uu sheegay in dulqaadkii uu ka dhamaaday.

Arbacadii, Trump wuxuu yiri, "Waa laga yaabaa inaan sameeyo, ama aanan sameyn", mar la weydiiyay su'aal ku saabsan ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalka Iran.

Khamenei waxa uu Trump ku canaantay khudbadii Arbacada ee la duubay, isaga oo sheegay in "faragelin kasta oo Maraykan ah" ay noqon doonto mid qiimo qaali ah ugu kacda Maraykanka, wuxuuna raaciyay: "Qaranka Iran ma is dhiibi doono."

Trump ayaa iska indha tiray diidmada, isagoo yiri "nasiib wacan", balse mar kale wuu diiday inuu shaaciyo qorshihiisa. "Waxaan ula jeedaa, qofna ma garanayo waxaan samayn doono," ayuu yiri.

"IS dhiibid aan shuruud lahayn – micnaheedu waa inaan guulaystay."

Warka ku saabsan qorshooyinka duqaymo uu Trump taageerayo waxaa markii ugu horreysay wariyay wargeyska Wall Street Journal.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Milateriga Israa'iil ayaa weerarro dheeraad ah ku qaaday Iran, iyagoo garaacay xarumaha gantaallada iyo xarumaha Nukliyeerka. Iran waxa ay sheegtay in ay ridday gantaallo ay kaga jawaabayso. Wax khasaare ah lagama soo sheegin Israa'iil.

Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Khamenei uu kasoo muuqdo tan iyo markii Israa'iil ay qaadday weerarradeeda is-hortaagga ah Jimcihii.

Hawlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa uga jawabahay hadalka Trump qoraal uu soo dhigay barta X: "Iraan gorgortan kama geli karto qasab, ma aqbali doonto nabadda si qasab ah

"Waxa kaliya ee beentiisa ka xun ayaa ah hanjabaadiisa fulaynimada ah ee ah in uu 'dilayo' hogaamiyaha ugu sarreeya Iran."

Benjamin Netanyahu, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, ayaa Arbacadii muuqaal uu soo duubay ku sheegay in ciidammada dalkiisa ay "horumar ka sameeyeen" sidii ay meesha uga saari lahaayeen khataraha ka imanaya goobaha Nukliyeerka ee Iran iyo hubka gantaallada ballistic-da ah.

"Waxaan maamuleynaa hawada sare ee Tehran, waxaan ku garaaceynaa awood aad u weyn maamulka Ayatollah, waxaan garaaceynaa goobaha nukliyeerka, gantaalada, xarumaha waawayn, iyo calaamadaha nidaamka" ayuu yiri.

Pete Hegseth, oo ah xoghayaha difaaca ee Trump, ayaa u sheegay guddiga senate-ka in Pentagon-ka in uu diyaar u yahay inuu fuliyo amar kasta oo uu bixiyo Trump.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli ay is uruursanayaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe. Koox maraakiibta diyaaradaha qaada ah oo uu hogaaminayay markabka USS Nimitz ayaa ka soo kicitimay koonfurta bari ee Aasiya si ay ugu biiraan koox kale oo maraakiib ah oo uu hogaaminayo markabka USS Carl Vinson, oo horay ugu sugnaa Gacanka.

Gaadiid kala duwan oo ay ka mid yihiin diyaaraha leh booyadaha shidaalka qaada ayaa sidoo kale lagu arkay raadraacayaasha duulimaadyada ee ka soo dhaqaaqaya Yurub, iyadoo warbixinada diyaaradaha F-22 iyo F-35 ay daba socdeen isla warkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio uu magaalada Washington DC kula kulmi doono xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy Khamiista, wada-hadalladana la filayo in diiradda lagu saaro Iran.