Waa maxay sababta Gantaalada difaaca hawada sare loo geeyay magaalada Maka xilligan Xajka?

Mid ka mid ah gantaalaad difaacca Scauudiga

Xigashada Sawirka, @modgovksa/X

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa baraha bulshada soo dhigtay qaar ka mid ah muuqaallada muujinaya diyaarad helikobter ah oo milateri iyo gantaalada nidaamka difaaca hawada kuwaasi oo la dhigay aag u dhaw Masjid Xaramka ee magaalada Maka oo ah magaalo barakeysan.

Sawiradan la baahiyay, ayaa wasaaradda Difaaca Sacuudiga waxay qortay, "Ciidanka Difaaca Cirka...ayaa isha si aan libiqsi lahayn uga haya, hawshooduna waa inay ilaaliyaan martida Ilaah."

Mid ka mid ah labada goobood oo lagu baahiyay sawirada gaar ahaan 'X' ee Wasaaradda Difaaca Sucuudigu waxay muujinaysaa nidaamyada gantaallada ka hortaga hubka la soo rido oo la dhigay hareeraha magaalada Maka , halka Sacudiga Clock Tower, oo ah dhismaha caanka ah ee ku yaalla afaafka hore ee Masjidka Xaramka, uu sidoo kale ka muuqdo gadaal.

Sawir kale ayaa muujinaya, iyada oo Diyaarad Helicopter ah ay ku wareegeyso Masjidka barakeysan ee Xaramka iyo agagaarkiisa.

Sanadkan waxaa xajka gudanaya dad gaaraya hal milyan iyo bar oo ka kala yimid daafaha caalamka.

Sawirradan ay faafisay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay is weydiinayaan su'aal ah sababta ay dowladda Sacuudiga ugu baahan tahay in nidaamkan difaaca hawada lagu rakibo halkaasi xilliga xajka?

Waxaa jira dood ka socota baraha bulshada oo qaarkood ay ku andacoonayeen in Sacuudi Carabiya ay nidaamkan difaaca ugu rakibtay Maka munaasabadda Xajka si la isaga ilaaliyo weerarrada suurtagalka ah ee dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen.

Tan iyo markii uu billowday howlgallada ka dhanka ah Xuutiyiinta ee uu hoggaaminayo Sacuudiga, dagaalyahannada Xuuthiyiinta ayaa marar badan sheegtay inay gantaallo la beegsadeen magaalooyinka Sacuudiga.

Geesta kale, Sacuudiga ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay inay horey u soo weerareen magaalada Makkah. Si kastaba ha ahaatee, Xuuthiyiinta ayaa iska fogeeyay eedeymaha ah in ay weerareen magaalada barakeysan ee Muslimiinta.

Maxay ka tiri dowladda Sacuudiga ?

Nidaamka difaaca

Xigashada Sawirka, X/@modgovksa

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sacuudi Carabiya ayaa gaysay nidaamka gantaalaha ka hortaga gantaalada akle ee al soo tuuro ee loo yaqaano American Patriot agagaarka Makka si ay u ilaaliyaan xujeyda, sida ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Sucuudiga ee Saudi Press, Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay todobaadkan qabatay shir jaraa'id oo ay kaga warbixisay amniga iyo qabanqaabada wanaagsan ee xujeyda ee xajka. Arintaan ayaa saraakiisha sar sare ee amaanka waxa ay uga warameen talaabooyinka lagu xaqiijinayo amaanka xiliga xajka.

Shirkan jaraa'id oo uu qabtay Agaasimaha Amniga guud ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Sarreeye Guud Maxamed Al-Bassami oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Sacuudiga ay ka go'an tahay in xujeyda ay helaan deegaan ammaan ah oo habeysan, si taas loo gaarona la diyaariyay nidaam amni oo wadajir ah.

Tan waxaa ku jira qabanqaabada amniga, nabadda iyo kala dambeynta, maareynta dadka, taraafikada iyo maareynta xaaladaha degdegga ah. Ujeedadoodu waa in ay helaan tas-hiilaadka ugu wanaagsan xujeyda inta lagu guda jiro xajka Maka iyo Madiina.

Habkan gantaallada ah waxa amaantiisa ay soo baxdayhorraantii 1990-meeyadii

Xigashada Sawirka, X/@modgovksa

Muxuu yahay Nidaamka Gantaalaha Patriot?

Nidaamka gantaalaha difaaca ee lagu arkay sawirada ay baahisay Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya waa nooca Patriot MIM 104. Kani waa gantaal iyo hab difaaca oo hawada ah. Waxaa soo saaray shirkadaha Maraykanka ee Raytheon iyo Lockheed Martin.

MIM Patriot 104 waa habka gantaalada riddada dheer ee loogu talagalay in uu ka hortago khataraha hawada ee kala duwan oo ay ku jiraan maraakiibta, gantaalada cruise-ka iyo gantaalada ballistic-ga.

Waxaa lagu yaqaanaa raadaarkiisa casriga ah kaas oo ay ku jiraan awoodda lagu raadinayo laguna burburiyo bartilmaameedyo badan isku mar. Nidaamkan gantaallada ah waxa uu ku shaqeeyaa muddo aad u yar, waxa kale oo uu awood u leeyahay in uu ka hortago oo khadka ka dhumiyo nidaamka elektaroonikada ah.

Nidaamkan gantaalaha ah ayaa soo jiitay indhaha khubarada milatariga isagoo si fiican uga soo muuqday dagaalkii Ciraaq iyo Kuwait horaantii sagaashamaadkii.

Wargeysyo badan oo arrimaha difaaca caalamka wax ka qora ayaa gantaalladan ku daray tobanka nidaam difaac ee ugu sarreeya difaaca casriga ah ee xilligan jira.