Daawo muuqaal xaaladda ka taagan Masjidka barakeysan ee Al-aqsaa

Qoraalka Muuqaalka, Isku dhacyo magaalada Qudus

Rabshado hor leh ayaa maanta ka dhacay magaalada Qudus kaas oo u dhexeeyo booliska Israa'iil iyo shacab Falastiiniyiin ah.

Rabshadahan u dambeeyay waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah.

Dibadbaxyaasha ayaa dhagxaan ku gooyay afaafka hore ee saldhig boolis ah oo ku yaalla Qudus halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo

Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in ugu yaraan 90 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhawaacmeen rabshadaha halka booliska Israa'iil ay sheegeen in sarkaal uu kaga dhawaacmay qalaalasahan u dambeeyay ee ka dhacay Qudus.

In ka badan 200 Falastiiniyiin ah iyo 17 sarkaal oo booliska Israa'iil ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo shaley ka dhacay magaalada Qudus, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo booliska Israa'iil.

Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah misaajidka.

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay isku dhacyadani

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay isku dhacyadani

SBeesha Caalamka ayaa sidoo kale codsatay in xaaladda la dejiyo taas oo markii hore ka dhalatay hanjabaadii qoysaska reer Falastiin ee ku nool Bariga Magaalada Jerusalem ee Shaikh Jarrah looga saaray guryahooda.

Afhayeenad uhadalay wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa sheegay in Washington "ay aad uga walaacsan tahay xiisadda kacsan".