Halkee ayuu ku dambeynayaa khilaafka kululaaday ee Trump iyo Musk?

Maxaa dhacaya marka ay dagaallamaan ninka adduunka ugu hodansan iyo siyaasiga ugu awooda badan?
Donald Trump iyo Elon Musk waxay ahaayeen labada qof ee ugu dhawaqa dheeraa hadana way iska horyimaadeen, waxayna is-dhaafsadeen erayo kul-kulul.
Trump wuxuu u hanjabay ganacsiga weyn ee Muska la leeyahay dowladda federalka kaas oo halbowlo u ah barnaamijkiisa Dayaxgacmeedka X.
"Habka ugu fudud ee aan lacag ku badbaadin karno, balaayiin doolar waa in aan joojinaa kabista dowladda u sameyso Elon iyo qandaraasyada la siiyo", ayuu Trump soo dhigay bartiisa bulsho. Hadii Trump uu ka horjeesto Musk, xanuunka ayaa gaaraya maalqabeenkan. Saamiga shirkadiisa Tesla ayaa talaadadii hoos u dhacay 14 boqolkiiba.
Muska wuxuu ku baaqay in Trump la soo golo joojiyo. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu dedejinayo joojinta dayaxgacmeedka Dragon kaas oo dowladda Mareykanka ay ku tiirsan tahay si cirbixiyeenada Mareykanka iyo sahaydooda loogu geeyo hawada sare.
Saacado kaddib waa uu ka noqday hadalkaas isagoo sheegay in uusan joojineyn Dragon.
Musk wuxuu haystaa dhaqaale badan oo ku jawaabi karo sida in uu qarash siiyo mucaarad ka horyimaada xisbiga jamhuuriga doorasahda soo socoto. Sidoo kale wuxuu sheegay isagoon cadeyn u haynin in uu soo bixinayo dokomintiyo la xiriirinayo dambiga galmo ee Jeffrey Epstein.

Muska guul kama gaarayo hadii uu dagaal la galo dowladda Trump oo dhan balse khasaare dhaqaale iyo mid siyaasadeed ayuu ku keeni karaa Trump iyo Jamhuuriga.
Trump, oo arintaas maskaxda ku haya, waxa uu u muuqdaa in uu qaboojinayo dagaalka. Wuxuu ka fogaaday in uu kaga hadlo Musk munaasabad ka dhacday Aqalka Cad. Kaddibna waxa uu ka hadlay xeerkiisa canshuuraha iyo qarashaadka.
Aflagaado iyo hanjabaado
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khilaafka waxa uu bilowday toddobaadkii hore, balse wuxuu sii kululaaday Arbacadi. Khamiistii wuxuu Aqalka cad ka noqday qodobka ugu sareeya.
Trump wuxuu sheegay in uu la yaahay eedaha Musk. Wuxuuna iska diiday fikrada la xiriirta in doorashada uusan ku guuleysan laheyn hadii uusan helin taageerada Muska iyo malaayiinta doolar. Wuxuu sheegay in Muska uu hadda gaaray kuleylka sababtuna waa shirkadiisa gawaarida Tesla oo dhaawac soo gaari doono marka la joojiyo canshuuraha gawaarida korontada laga dhaafo.
Muska wuxuu sheegay in uusan kala jecleyn lacagta lagu kabo shirkadiisa gawarida, wuxuuna sheegay in uu doonayo in la yareeyo deynta dalka.
Maalqabeenkan wuxuu ku qaaday Trump dhowr weerar, dagaalkana waxa uu gaaray meel aad u xun.
Muska iyo Trump waxay sameysteen isbahaysi xoog badan. Waaxda dowladda ee Musk ama Doge waxay noqotay sheekada ugu weyn boqolkii maalmood ee xukunkiisa.
Waqti dheer ma qaadaan saadaasha goorta ay labada nin isku dhacayaan. Hadda waxay u muuqataa in saadaashii ay soo afjarantay.
Dadka qaar ayaa qaba in markii Trump uu ku dhawaaqay Arbacadi mamnuucida safarka, cunaqabteynta Harvard iyo baarista madaxweynihii hore Biden, ay tahay dadaalo lagu qarinayo eedaha Muska.
Faa'idada qof iyo khasaaraha qof kale
Hadda, su'aashu waxay tahay halkee khilaafkan ku dambeynayaa? Xubnaha kongareska ee Jamhuuriga way ku adkaan doontaa in ay taageeraan sharciyada Trump iyadoo Musk laga yaabo in uu bixiyo dhaqaale.
Trump hore ayuu ugu hanjabay qandaraasyada dowaldda Trump, wuxuuna sidoo kale dib u furi karaa baarista xiligii Biden ee lagu sameynayay ganacsiyada Muska. Wax kasta hadda miiska ayey saaran yihiin.
Dhinaca kale, dimuqraadiga meelna ma raacsana, waxay doonayaa in ay ogaadaan jawaabtii ay ka bixin lahaayeen. Qaarkood waxay u muuqdaan in ay soo dhaweynayaan Muska, oo hore xisbigooda deeq u siin jiray. Balse waxaa kaloo jirta cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa.
"Faa'idada qof waa khasaaraha mid kale" ayuu yiri Liam Kerr oo ka tirsan dimuqraadiga mar uu la hadlayay Politico.
Dimuqraadiga waxay u muuqdaan kuwa ku faraxsan in ay dib u istaagaan, iskuna fiirsadaan labadan nin waxa ay is-dhaafsanayaan. Lama filayo in khilaafkan uu degdeg ku dhamaado.
"Trump waxaa u haray 3.5 sano muddo xileedkiisa," ayuu Muska ku qoray bartiisa X, balse waxa uu joogayaa 40 sano iyo in ka badan."













