Trump: Waxaan 50% ka dhigaynaa canshuuraha birta iyo aluminium-ka ee soo gala Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu laba jibaari doono qiimaha hadda ee birta iyo aluminiumka la keeno dalkaasi oo ahayd 25% uuna gaarsiinayo ilaa 50%, laga bilaabo Arbacada.
Isaga oo ka hadlayay isku soo bax ka dhacay magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania, Trump wuxa uu sheegay in tallaabadan ay gacan ka geysan doonto kor u qaadista warshadaha birta ee maxalliga ah iyo alaabah qaranka, iyada oo hoos u dhigi doonta ku tiirsanaanta Shiinaha.
Trump waxa kale oo uu sheegay in $14bn lagu maalgelin doono wax soo saarka birta ee aaggaas iyada oo ay iska kaashanayaan US Steel iyo Nippon Steel ee Japan. Faahfaahinta ku saabsan iskaashiga weli ma cadda, labada shirkadoodna weli ma xaqiijin heshiiska.
Ku dhawaaqista ayaa ah wajigii ugu dambeeyay ee Trump ee canshuuraha tan iyo markii uu xafiiska dib u soo galay bishii Janaayo.
"Ma jiri doonto shaqo ka ceyris iyo wax dibadda, shaqaale kasta oo Maraykan ah oo birta ka shaqeeya ayaa dhawaan heli doona gunno wanaagsan $ 5,000 oo u qalanta," Trump ayaa u sheegay dadkii isugu soo baxay, oo u badnaa shaqaalaha birta, oo aad u sacab tumay.
Mid ka mid ah welwelka ugu weyn ee ka yimid shaqaalaha birta ee ku saabsan heshiiska ganacsiga ee Mareykanka iyo Japan ayaa ahaa sidii Japan ay u xurmeyn lahayd qandaraaska ururka shaqaalaha kaas oo maamula mushahar bixinta iyo shaqaaleysiinta.
Trump ayaa hadalkiisa ku bilaabay isaga oo sheegay inuu "badbaadiyay" US Steel, oo ah warshadda ugu weyn Maraykanka ee birta ah, kuna taal Pittsburgh, iyada oo 25% canshuuraha birta ah ee uu dhaqan galiyay 2018, qaybtii hore ee madaxweynenimadiisa.
Wuxuu ku tilmaamay kororka 50% inuu yahay hab lagu xaqiijinayo badbaadada Birta Mareykanka.
"50%, mar dambe ma dhaafi karaan xayndaabka," ayuu yiri. "Waxaan mar kale dooneynaa inaan birta Pennsylvania ka dhigno laf dhabarta Ameerika, si aan horay loo arag."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay xilli ay maxkamadu ku dagaalantay sharci ahaanshiyaha qaar ka mid ah canshuuraha caalamiga ah ee uu Trump ku soo rogo caalamka, kuwaas oo maxkamadda racfaanku ay ogolaatay inay sii socoto ka dib markii maxkamadda caalamiga ah ee ganacsiga ay amar ku bixisay maamulka inuu joojiyo cashuuraha.
Qiimaha uu ku soo rogay birta iyo aluminium-ka ma aysan taaban kiisaska maxkamadaha.
JoJo Burgess, oo xubin ka ah ururka maxalli ah ee midowga shaqaalaha birta Maraykanka oo ku sugnaa isku soo baxa Trump ka khudbaynayay , ayaa u sheegay BBC-da "Waa maalin u wanaagsan shaqaalaha birta,"
Laakiin ilaa hadda, saamaynta canshuuraha Trump ayaa inta badan horseeday fowdo dhaqaale oo caalami ah. Ganacsiga caalamiga ah iyo suuqyada ayaa kor u kacay, waxaana sameysmay dildilaac -ama balaartay oo ah xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo wadamada kale, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah saaxiibadiisa ugu dhow.
Canshuuraha ayaa sii xumeeyay xiriirka ka dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka, labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka, waxayna billaabeen labada waddan dagaal ganacsi isku jawaabid ah.
Jimcihii, isaga oo aan faahfaahin ka bixin, ayuu madaxweyne Trump uu Shiinaha ku eedeeyay in ay jabiyeen heshiis ay ka gaareen canshuuraha horraantii bishan wadahadalladii Geneva.
Wakiilka Ganacsiga Mareykanka Jamieson Greer ayaa mar dambe caddeeyay in Shiinuhu uusan meesha ka saareeyn caqabadaha aan canshuuraha ahayn sida lagu heshiiyey.
Shiinaha ayaa markaa ka jawaab celiyay eedeymo isaga u gaar ah oo ku saabsan khaladaadka Mareykanka. Jawaabta Beijing Jimcihii si toos ah ugama aysan hadlin sheegashada Mareykanka laakiin waxa ay ku boorisay Mareykanka inuu "joojiyo xayiraadaha takoorka ee ka dhanka ah Shiinaha".
Shiinaha waa soo saaraha ugu weyn adduunka ee birta, mas'uulna ka ah in ka badan kala bar wax soo saarka birta caalamiga ah, sida laga soo xigtay tirakoobka Ururka ay ku midaysan yihiin Birleyda Adduunka ee sanadkii 2022.
Maraykanku waxa uu sannadihii la soo dhaafay hoos ugu dhacay dalka afraad ee wax soo saarka birta, isaga oo ka dambeeya Shiinaha, Hindiya iyo Japan.













