Trump oo 100% canshuuraya filimada aan Mareykanka aheyn, sidee bay u saamaynaysaa aflaamta Soomaalida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aflaanta lagu sameeyo dibadda uu saarayo canshuur boqolkiiba boqol ah.
Tani waxay kor u qaadeysaa tallaabooyinka canshuuraha uu ku saarayo waxyaabaha dibadda Mareykanka ugu yimaada. Wuxuu sheegay in uu ku amrayo wasaarada ganacsiga in ay bilowdo nidaam canshuuro maadaama ay si degdeg ah u sii dhimanayaan filimada Mareykanka.
Trump ayaa sabab uga dhigay canshuurtiisa "dadaallo isku xiran" oo ay wadaan dalalka kale kuwaas oo ay ku soo jiidanayaan filim-sameeyayaasha taaasna wuxuu ku tilmaamay in ay "khatar ku tahay ammaanka qaranka".
Mid ka mid ah ururrada filimada ayaa ka digay suuragalnimada in hadalada Trump ay dhaawac u geystaan ganacsigaas oo filim-sameeyayaasha ay sannado ka raadinayeen Canada iyo UK qiimo jaban.
"Waxaan dooneynaa filimada lagu sameeyo Mareykanka" ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay madaxweyne Trump bartiisa hulsho.
Xoghayaha ganacsiga, Howard Lutnick, oo ka jawaabayay arrintaas ayaa sheegay in ay shaqada wadaan.
Faahfaahinta tallaabooyinka ma cada. Hadalka Trump ma cadeyn hadii canshuuraha la saarayo shirkadaha Mareykanka ee dibadda wax ku sameeya. Filimo badan oo shirkadahaas leeyihiin ayaa meelo ka baxsan Mareykanka lagu sameeyay.
Waxaan sidoo kale cadeyn in la canshuurayo kuwa filimadooda internetka laga daawadao sida Netflix.
Aasaasaha shirkadaha leh shaleemooyinka Yurub ee Vue ayaa su'aal ka keenay sida Trump ku qeexi doono filimada Mareykanka.
Isagoo la hadlayay BBC-da radio 4 barnaamijkiisa Today, ayuu sheegay, "ma waxaa la canshuurayaa halka ay lacagta ka timid, mise qoraalka, ama waxaa la canshuurayaa halkii lagu jilay?"

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhinaca kale, ururka Bectu ee matala warbaahinta UK ayaa ka digay in canshuurahaas ay dharbaaxo ku noqonayaan ganacsigaas maadama ay hadda ka soo kabanayaan aafadii Corona.
Mareykanka weli waa dalka ugu weyn ee lagu sameeyo filimada si kasta oo ay caqabado u jiraan sida ay sheegayaan ProdPro oo sameysa cilmibaarsita filimada.
Wadamada kale ayaa suuragal ah in ay kaga jawaaban canshuuro ay saaraan filimada Mareykanka taas oo keeneysay in ay adkaato in faa'ido la sameeyo.
"Waxay keeneysaa xaalad in canshuuraha Mareykanka geystaan dhibaato ka badan wanaagooda".
Kaddib hadalada Trump, wasiirka arrimaha gudaha Australia, Tony Burke, ayaa sheegay in aysan cidi shaki kaga jirin in aan garab istaageyno xuquuqda shirkadaha filimada Australia.
Raysalwasaaraha New Zealnd, Christopher Luxon, waxa uu sheegay in dowladiisa ay sugeyso faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan canshuurta la soo jeediyay.
Sidee u saameynayaan canshuuraha Trump filimada Soomaalida?

Xigashada Sawirka, Riyo Films
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Axmed Faarax waa filim sameeye filimadiisa lagu soo bandhigay shaleemooyin caalamka ku yaal. Axmed waxa uu noo sheegay in shirkado kale oo ka duwan kuwa sameeya ay suuqa geeyaan filimada.
"Inta badan filimada shirkado kale ayaa suuqa geeya sida filimkeyga Ayaanle shirkad Jarmal ah ayaa qeybisay".
Tani waxay muujineysaa in canshuuraha Trump ay saameynayaan shirkado ka baxsan kuwa filimada sameeya oo ah kuwa suuq geynta ku shaqeysta.
Shirkadaha ma geeyaan filimada suuqada Mareyknanka oo kaliya ee waxay geeyaan kuwa kale oo badan hadii la saaro canshuur boqolkiiba boqol ah way ka wareegayaan.
Axmed Faaraxa waxa uu sheegay in Mareykanka uu yahay dalka filimo badan adduunka geeya oo iyaguna ay saameyn doonto.
"Mareykanka wixiisa unbuu isticmaalaa, waxay iyaga soo saaraan ayaa adduunka intiisa kale ku faafa, iyaga ayuuna dhibka ku dhacaya"
Axmed waxa uu kaloo sheegay in uusan la socon sida ay u saameyneyso qeybaha internetka filimada lagu daawado balse haddii canshuur la saaro suuqa Mareykanka ayaa soo xirmaya, waxaase suuragal ah ayuu leeyahay Axmed in ay faa'iido kale yeelan karto.
"Laga yaabaa in aysan dhibaato nagu aheyn oo faa'ido kale leedahay oo ah in dadka ay filimo kale oo waddamo kale ka yimid u wareegaan, ayna yaraadaan filimada ka imaanaya Mareykanka".
Suuqyada kale ee Yurub iyo qaaradaha kale ayaa ah kuwa waaweyn oo filimada la geeyo.
Ka hor inta aan la caleemo saarin madaxweyne Trump waxa uu magacaabay saddex jilaa oo kala ah Jon Voight, Mel Gibson iyo Sylvester Stallone in ay noqdaan safiiro gaar ah oo kor u qaada fursadaha ganacsi ee Hollywood oo ku tilmaamay "meel weyn balse dhibaato ka jirto".
Xiligaas Trump wuxuu sheegay, "waxay ii noqonayaan ergo gaar ah oo ujeedkoodu yahay in ay dib u soo celiyaan ganacsigii Hollywood oo in badan lumiyay afartii sano ee la soo dhaafay.
Ilaa iyo markii uu ku soo laabtay aqalka cad bishii Janaayo, waxa uu madaxweyne Trump ku soo rogay canshuuro adduunka oo dhan.
Wuxuu ku doodayaa in canshuuraha ay yihiin kuwa la saarayo alaabaha ka yimaada dalalka kale, si kor loogu qaado warshada Mareykanka loona ilaaliyo shaqooyinka.
Balse taasi waxay qalolaase geliysay beecmushtarkii adduunka iyadoo qiimaha allaabaha adduunka la filayo in ay kor u kacaan.
Xitaa hadalkan ka hor, shirkadaha filimada Mareykanka waxaa sameeyay dhibaatada ka timaadaya siyaasadaha ganacsi ee Trump.
Bishii Arpil, shiinuhu waxay sheegeen in ay yareynayaan qoondada filimada Mareykanka ee loo ogol yahay dalkooda.
"Tallaabooyinka qaldan ee dowldada Mareykanka sida xun ugu adeegsaneyso canshuuraha la saarayo Shiinaha waxay sii yareyn doonaan dhageystayaasha gudaha ee jecel filimada Mareykanka" ayey shegeen maamulka filimadaha Shiinaha oo intaas ku daray
"Waxaan raaceynaa qeynuunada filimada, in la ixtiraamo daawadayaasha waxay doonaan iyo in la yareeyo tirada filimada Mareykanka ee dalka soo galaya"













