Canshuuraha Donald Trump ma dhaawacayaan macaamiisha Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku soo rogay canshuuro cusub badeecadaha Mareykanka kaga imaanaya Canada, Mexico iyo Shiinaha.
Madaxweynaha wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo faraya in 25% canshuur ah la saaro dhammaan alaabaha ka imaanaya Canada iyo Mexico si dalka uu wax uga qabto soogalootiga sharcidarada ah iyo kuwa daroogada soo geliya.
Badeecadaha ka imaanaya Shiinaha ayaa sidoo kale la saaraya 10% canshuur ah iyo wixii kale oo dheeri ah. Wuxuu hore u ballanqaaday madaxweyne Trump in uu bartilmaameed ka dhiganayo dal gaar ah isagoo sheegay in uu saarayo 200% canshuur ah dalalka qaar ee gawaarida keena dalkiisa.
Canshuuraha waa aragtida ugu weyn ee dhaqaale ee madaxweyne Trump. Wuxuu u arkaa hab lagu kobcin karo dhaqaalaha Mareykanka laguna ilaalin karo shaqooyinka iyo in lagu kordhiyo daqliga canshuuraha.
Intii lagu jiray ololaha doorashadiisa ayuu u sheegay codbixiyayaasha in canshuuraha aysan culeys ku keeneynin ee ay dhibaato ku noqoneyso dalalka kale. Taasina waa arrin ay dhaqaaleyahanadu u arkaan mid marin habaabin ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sidee canshuuraha u shaqeeyaan?
Canshuurahan waa nooc ka mid ah kuwa la saaro alaabaha soo galo dalka iyadoo la eegayo qiimaha alaabta.
Gawaarida la keeno Mareykanka ee qiimahoodu gaarayo ilaa iyo 50 kun oo doolar waxaa la saarayaa 25% canshuur ah, waxay noqoneysaa in ay bixiyaan $12,500 oo dheeri ah.
Lacagtan waa mid ay bixinayaan shirkadaha gudaha ee alaabaha keensada ee ma bixiyaan lacagta shirkadaha shisheeye ee alaabta soo dhoofiya. Canshuurta waa mid ay bixiyaan shirkadaha Mareykanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadaba su'aashu waxay tahay dhaqaale ahaan yey sameyneysaa? Hadii shirkadaha Mareykanka ay canshuurtaas ay saaraan alaabaha waxay u gudbeysaa macaamiisha oo ah in ay bixiyaan lacagtaas, iyaga ayuuna culeyska ku dhacayaa.
Hadii shirkadaha alaabaha keensada ay dusha saartaan canshuuraha dheeriga oo aysan macaamiisha u sii gudbin waxaay taasi ku keeneysa in culeys dhaqaale ay qaataan. Faa'idada ay shirkadaha helayaan ayaa hoos u dhaceysa.
Sidoo kale waxaa suuragal ah in shirkadaha shisheeye ay hoos u dhigaan qiimaha alaabahooda si macaamiisha Mareykanka aysan u lumin.
Saameynta dhaqaale ay yeelatay canshuurihii Trump uu soo rogay muddo xileedkiisa hore ee 2017-kii ilaa iyo 2020-kii waxay muujineysaa in culeys dhaqaale uu fuulay macaamiisha Mareykanka.
Sahan ay sameysay jaamacadda Chicago bishii Sebtamber ee sanadkii tagay ayey ku weydiisay koox dhaqaaleyahano ah waxay la tahay canshuuraha. 2% ayaa diiday.
Trump wuxuu saaray canshuur 50% mashiinada dharka lagu dhaqo sanadkii 2018-kii. Qiimaha mashiinka wuxuu kordhay 12 boqolkiiba.
Canshuur kale oo dheeri ah oo mustaqabalka maamulka Trump soo rogaan wax badan ma baddeleyso.

Xigashada Sawirka, Reuters
Saameynta ay shaqaalaha ku yeelaneyso
Canshuuraha uu soo rogay Trump waxa uu u sameeyay sabab kale oo ah in ay abuurayaan shaqooyin gudaha ah.
Sanadkii 2018-kii Trump wuxuu saaray 25% canshuur ah biraha dibadda ka imaanaya si loo ilaaliyo kuwa alaabaha gudaha sameeya 2020-kii.
Isla sanadkaas shaqaalaha qeybaha biraha waxay ahaayeen 80,000 oo ah mid wax yar ka hooseysa 2018-kii oo aheyd 84,000.
Trump wuxuu dhaliilay hoos u dhaca ganacsiga Mareykanka. Wuxuu sheegay in hoos u dhacaas uu dalka si weyn u dhaawacayo.
Sida ay qabaan dhaqaaleyahanada, canshuuraha Trump waxay sare u qaadeen qiimaha doolarka Mareykanka taasina waxay ka dhigtay badeecadaha Mareykanka uu soo saaro in aysan gali karin tartanka adduunka.
Mararka qaar canshuuraha wax badan ma sameeyaan maadama shirkaduhu noqdeen kuwa caalami ah.
Tusaale ahaan, maamulka Trump waxay saxamada cadceeda korontada ka dhaliya ee Shiinaha saareen 30% sanadkii 2018-kii.
Wasaaradda ganacsiga Mareykanka waxay 2023-kii soo saartay cadeyn ah in shirkadaha solarka ee shiinaha u wareejiyeen wax soo saarkooda dalal kale sida Malaysia, Thailand, Cambodia iyo Vietnam kaddibna sidaas ayey alaabtooda ugu soo direen Mareykanka iyagoo ka fogaanaya canshuuraha la saaro alaabaha dibadda ka imaanaya.













