Suuqyada Maraykanka oo kor u kacay kaddib cashuurihii Trump ee hore u saameeyey

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saamiyada Mareykanka ayaa cirka isku shareeray kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuu joojinayo canshuuraha lama filaanka ahaa ee uu saaray badeecooyinka ka imanaya inta badan waddamada dunida, isaga oo halkii ka dhigayaa in la saaro canshuur dhoofeed dhan 10%.

Aqalka Cad ayaa sheegay inay ka laabanayaan canshuuraha sare ee saameynaya saaxiibadooda ganacsi, gaar ahaan kuwa oggolaaday inay wadahadlaan, inkasta oo Trump uu sheegay inuu sii kordhin doono canshuuraha badeecooyinka Shiinaha, isagoo sheegay in la gaadhsiin doono ugu yaraan 125% "laga bilaabo hadda".

Suuqa saamiyada S&P 500 ayaa kor u kacay 9.5% taasoo noqotay kororka hal-maalinle ee ugu weynaa tan iyo 2008, kadib maalmo ay jireen qalalaase uu dhaliyay muranka canshuuraha.

Go'aanka Trump wuxuu yimid wax ka yar 24 saacadood kadib markii wareegii ugu dambeeyay ee canshuuraha la dhaqan geliyay, taasoo saameysay saaxiibada ganacsi ee muhiimka ah sida Vietnam, oo badeecooyinkeeda la saaray canshuur cusub oo dhan 46%.

Canshuuraha uu madaxweyne Trump ku dhawaaqay toddobaadkii hore waxay ahaayeen kuwo ka sarreeya oo saameyntoodu ka baaxad weyn tahay intii ay filayeen dadka falanqeeya Wall Street.

Kadib marki lagu dhawaaqay, suuqa S&P 500 wuxuu hoos u dhacay in ka badan 10%, iyada oo falanqeeyayaal badani ka digeen halista sii kordhaysa ee hoos u dhac dhaqaale oo ka dhaca Mareykanka iyo guud ahaan caalamka.

Markii la gaadhay Arbacadii, cabsi ayaa saamaysay suuqyada saamiyada iyaga oo guud ahaan ba, ay baaheen, in dadka qaar iska iibiyaan saamiyadoodii.

Shirkado ay ka mid yihiin Nike, oo ku sameysa ku dhowaad kala bar kabahaheeda dalka Vietnam, waxay kor u kacday saamigeedu 11%, halka Apple ay korodhay ilaa 15%.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inkasta oo ay faa'iidooyinani ay jireen tan iyo Arbacadii, haddana suuqyada waaweyn ee Mareykanka weli waxay hoos uga jiraan heerkii ay joogeen ka hor hadalkii Trump, iyadoo S&P 500 ay weli ka hoosayso halkeedii hore qiyas ku dhaw 3%.

Canshuuraha badeecooyinka ka imanaya Shiinaha – oo ah dalka saddexaad ee ugu weyn alaabaha uu Mareykanku soo dejiyo – ayaa weli ah caqabad dhaqaale.

Dalkaasi wuxuu sannadkii hore u dhoofiyay Mareykanka badeecooyin ka badan $400 bilyan, wuxuuna ahaa isha ku dhowaad 60% kabaha iyo qiyaastii 36% dharka la keenay Mareykanka bishii Janaayo, sida uu sheegay Ururka Dharka iyo Kabaha ee Mareykanka.

Ka hor hadalkii Trump, Ururka Ganacsiga Tafaariiqda ee Qaranka (NRF) wuxuu ka digay in alaabaha laga soo dejiyo dekedaha Mareykanka bisha May ay dhici karto inay 20% ka yaraadaan kuwii isla waqtigan sannadkii hore,l la keenay, sabab la xidhiidha canshuuraha.

Kadib go'aankiisii Arbacadii, Trump wuxuu sheegay inuu rajaynayo inuu heshiis la gaadho Shiinaha, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu tixgelinayo in canshuuraha laga dhaafo shirkado gaar ah – arrintaas oo ka duwan hadalladiisii hore.

"Xalay waxaan arkay dad bilaabay inay dareemaan walaac," ayuu yidhi, isagoo qiray cabsida jirta, hase yeeshee wuxuu sheegay in ay weli ka go'an tahay canshuuraha lagu soo rogay qaybaha istaraatiijiga ah sida gawaadhida, birta iyo aluminium-ka, isaga oo qiimayn gaar ah hadda ku hayo waaxo kale oo warshadeed sida dawooyinka iyo alwaaxa.