Trump ma ku qancin karaa Iran in ay ka harto barnaamijkeeda Nukliyeerka

Trump iyo Cali Khamenei

Xigashada Sawirka, Reuters/Getty Images

Qoraalka sawirka, Trump iyo Cali Khamenei

Muddo yar oo bila ah oo uu xafiiska joogay, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku guul daraystay inuu nabad u keeno Qaza iyo Ukrain. Waxaa uu duqeeyay Yemen. Waxaa uu qaada dagaal dhaqaale oo caalamka. Hadda waxaa uu diirada saarayaa Iiraan.

Iiraan waxaa ay diiday inay leedahay doonitaanka. Laakiin wadamada kale waxaa ay aaminsan yihiin jamhuuriyada Islaamiga inay doonayso ugu yaraan inay dhisato madaxyada Nukliyeerka, doonitaan dadka qaar ay ka cabsi qabaan inay dhalin karto tartan hubka ama dagaal ka dilaaca bariga dhexe.

Sanadkii 2015, IIraan ayaa ogolaatay heshiis ay la gasho Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Shiinaha, taasi oo loogu magac daray heshiiska JCPOA.

Doonitaanada Iiraan ayaa xadaynaya rajadeeda Nukliyeerka, iyada oo u ogolaanaysa kormeerayaasha caalamiga, waxaana badalkeeda ay doonaysaa in laga qaado cunaqabataynada dhaqaale.

Laakiin Trump waxaa uu Maraykanka ka saaray heshiiska sanadkii 2018, isaga oo sheegay inay abaalmarisay argagixiso, iyada oo maalgalisay Xamaas iyo Xizbollah. Maraykankuna waxaa uu dib u saaray cunqabataynadii.

Iiraan waxaa ay ka dib baalmartay qaar ka mid ah heshiisyadii la xadeeyay, iyada oo hormarisay Yuraanyoomta shidaalka Nukliyeerka.

Falanqeeyaasha ayaa ka cabsi qaba inay dhowaan arki doonaan in ku filan oo darajada hubka Nukliyeerka si uu u sameeyo madaxyada Nukliyeerka.

Hay'adda tamarta atoomikada caalamiga (IAEA) ayaa ku qiyaasaysa Iiraan leedahay 60% Yuraanyoomta la hormariyay oo ay suurtagal tahay inay ka samayso ilaa lix bambaano, haddii loo sii hormariyo heerka ugu dambeeya.

Intii lagu guda jiray maalmihii caleema saarkiisa, Trump ayaa dib u soo celiyay siyaasadihiisii cadaadiska xoogan ee Iiraan.

Bishii Febraayo 4, waxaa uu saxiixay dukumiinti amraya qaybta maaliyada Maraykanka inay ku soo rogto cunaqabatayno dheeraada Iiraan, ayna ku ganaaxdo dalalka ku xadgudbaya cunaqabataynadii hore, gaar ahaan kuwa iibsanaya shidaalka Iiraan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadda aqalka cad ayaa naawilaya iskuxir dhaliya cadaadis dhaqaale oo diblamaasiyad la socoto.

Bishii aynu soo dhaafnay, Trump ayaa u diray Iiraan warqad hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan, Cali Khamenei.

Waxaa uu Trump u soo bandhigay inuu bilaabo wadahadal uu ku doonayo heshiis lagu gaaro laba bilood gudaheed.

Hadda waxaa uu ogolaaday in uu amro wadahadalada u dhaxeeya Maraykanka iyo saraakiisha Iiraan inuu ka dhaco Cumaan.

Handadaada Maraykanka ee Iiraan ayaa ah mid cad oo ah heshiis ama waxaad wajahaysaan talaabo Milatari.

'' Haddii wadahadalada Iiraan aysan guulaysan, waxaan u malaynayaa Iiraan inay khatar weyn ku jirto,'' ayuu sheegay Trump Isniintii.

Haddaba sidee IIraan u jawaabi kartaa?

Qaar ka mid ah siyaasad dejiyeyaasha Tehraan ayaa u muuqda inay doonayaan inay isku waafaqaan heshiis laga yaabo in cunaqabataynta looga qaado. Dhaqaalaha Iiran ayaa aad u liitaY, iyada oo sicir barar cirka isku sii shareeray, lacagtana ay hoos u sii dhacaysay.

Laakin heshiis kasta oo noocaas ah waxaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho tanaasulaad qaar ka mid ah kuwa adag ayaa laga yaabaa inay adkaato qaadashadeeda.

Iiraaan ayaa bilihii lasoo dhaafay ay soo food saartay isbedel weyn, iyada oo la arkayay maleeshiyaadkii gacan saarka la lahaa oo si ba'an uu u wiiqay dagaalka ay kula jirto Israa'iil iyo xulafadeeda gobolka, madaxweyne Bashaar Al-Asad-kii Suuriya oo xilka laga tuuray.

Qaar ku sugan Tehraan ayaa ku doodaya in hadda laga yaabo inay tahay waqtigii saxda ahaa ee la dhisi lahaa ka hortagga nukliyeerka.

Maraykanka iyo Iiran labaduba aad bay u kala fog yihiin. Mawqifyadooda gorgortanku maaha kuwo cad.

Laakiin Maraykanku waxa uu caddeeyey inuu doonayo in si buuxda loo burburiyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, oo ay ku jirto in gebi ahaanba la joojiyo tayeynta Yuraaniyaamka iyo in aan taageero dheeraad ah la siin Xisbullah Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Taasi waxay caddayn kartaa wax badan oo Iran ah inay aqbasho.

Mamnuucitaanka buuxa ee kobcinta nukliyeerka oo ay ku jiraan kuwa ujeedooyinka rayidka ayaa muddo dheer loo arkayay inay tahay khad cas oo dhammaystiran dhanka Tehran .

Waxa kale oo jirta dhibaatada khibradda tignoolajiyada ee Iiran oo saynisyahannadeedu si fudud ayay hadda wax badan uga og yihiin sida loo sameeyo hubka nukliyeerka si ka badan sidii ay sameeyeen 10 sano ka hor.

Dhanka Israa'iil waxaa ay si cad u sheegtay inay aqbali doonto oo keliya in si buuxda loo joojiyo awood kasta oo nukliyeerka Iiraan ah.

Ra'iisul wasaare Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu aqbali doono sida lagu sameeyay Liibiya.

Tani waxa ay tixraac u tahay go'aankii hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi uu ku baabi'iyay dhammaan barnaamijkiisii ​​Nukliyeerka 2003-dii si looga qaado cunaqabateynta. Laakiin Iran uma badna inay raacdo tusaalahan.

Warshad nukliyeer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa dhacaya haddii wadahadaladu fashilmaan?

Israa'iil ayaa muddo dheer ka fikiraysay doonitaanada milatari si ay isugu daydo in ay burburiso awoodda nukliyeerka Iran. Laakiin qaar badan ayaa ku aasan godad dhulka hoostiisa ah.

Falanqeeyayaasha militariga ayaa sheegaya in Israa'iil aysan u baahneyn kaliya caawinta Mareykanka si ay u duqeyso Iran, waxa ay sidoo kale u baahan tahay ciidamo gaar ah oo goobta jooga si ay u dammaanad qaadaan burburinta xarumaha nukliyeerka.

Tani waxa ay la macno tahay in tilaabada ciidanku ay noqon doonto mid khatar ah, guusheedana aan sinaba loo damaanad qaadin.

Trump waxaa uu sidoo kale markii uu xafiiska yimid ballan qaaday in uusan billaabi doonin dagaal waligii iska socda oo ka dhaca gobolka oo dhan, Iirana ay ku lug leedahay .

Arintaasi kama hor istaagin madaxweynaha Maraykanka sida la sheegay in Israa'iil uu siiyo difaacyo xagga cirka ah oo uu gobolka geynayo diyaaradaha riddada dheer ee B2.

Hadda, Trump wuxuu u muuqdaa inuu raadinayo xal diblumaasiyadeed oo mid ka mid ah Israa'iil laga yaabo inay aqbasho si kumeel gaar ah.

Haddiise la isku afgaran waayo waxa uu dhawrayaa xaqa uu u leeyahay in uu xoog adeegsado, taasi oo cawaaqib xumo ka dhalan karta.

Wakhtigan, madaxweynaha ayaa u oggolaanaya labada dhinac inay gaaraan heshiis muddo laba bilood ah gudahood.

Waxa laga yaabaa inuu hilmaamay inay ku qaadatay dhexdhexaadiyaasha laba sano inay ku heshiiyaan JCPOA. Diblomaasiyada degdega ah mar kasta ma aha diblomaasiyad guulaysata.