Safiirka Israa'iil u fadhiya Itoobiya oo laga ceyriyay shirka Midowga Afrika

Xigashada Sawirka, this
Avram Neguse, Safiirka Israa'iil u fadhiya Itoobiya, ayaa lagu qasbay in uu ka baxo shir ay lahaayeen Midowga Afrika Isniintii, kaasoo looga hadlayay xasuuqii Rwanda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil, Ambassador Avram Negus, ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah ay ku qasbeen inay shirka ka baxaan, sababtoo ah waxay diideen inay ka qaybgalaan.
Wasaaradda, ayaa bayaan ay soo saartay, waxay ku cambaareysay hadalladii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ka soo baxay shirka ka dib markii Safiirka si qasab ah uga soo baxay shirka.
Yuusuf, oo u dhashay dalka Jabuuti, ayaa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika la wareegay bishii Febraayo ka dib markii uu ku dhawaad 20 sano ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka yar ee Geeska Afrika.
"Waa wax laga xumaado in safiirka Israa'iil u fadhiya Addis Ababa, oo lagu casuumay madal lagu xusayay xasuuqii Tutsiga ee Rwanda, laga dhigo arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah Israa'iil," ayuu yiri.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa intaa ku dartay, "Marka hore, tani waa tallaabo aan la aqbali karin; marka labaad, waa xushmad darro lagu hayo xuska dhibbanayaasha. Waxay sidoo kale ka timid faham-darro aasaasi ah oo ku saabsan taariikhda dadka Rwanda iyo Yuhuudda."
Bishii July 2021, Israa'iil waxay dib ugu biirtay Midowga Afrika iyada oo qaab kor-joogteen ah ula shaqeysa.
Danjire Avram Neguse ayaa ka hor inta aan loo magacaabin safiirka Itoobiya waxa uu xildhibaan ka soo noqday xisbiga Likud ee Ra'iisal wasaare Benjamin Netanyahu.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil ayaa yiri "...waxaan qaadi doonnaa tillaabooyinka dublamaasiyadeed ee lagama maarmaanka u ah, annagoo kaashanayna dhinacyada ay khuseyso.
Waxaa xusid mudan in bishii Febraayo 2023, dublamaasiyiinta Israa'iil sidoo kale lagu amray inay ka baxaan shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee Addis Ababa, halkaas oo ay joogeen madax Afrikaan ah.
Ilaa iyo imika ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka midiwga Afrika oo ku aadan dhacdadan ugu dambeysay.
Falkan Midowga Afrika ayaa imaanaya iyadoo Israa'iil ay sii xoojisay howlgalada milateri ee ay ka wado Gaza oo ay dad badan ku dhinteen.
Waxaa xusid mudan in 1,200 oo qof lagu dilay 253 kalena lagu qafaashay weerarradii ay Xamaas ka fulisay oo ka dhacay gudaha Israa'iil.
In ka badan 50,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duullaanka ay Israa'iil ku hayso Qaza, sida lagu sheegay xogta wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Badankoodu waa haween iyo carruur.
Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in saddex meelood labo meel dhismayaasha Qaza ay ku burbureen weerarada abaabulan ee Israel ay ku hayso dhulkaas.
Koonfur Afrika oo xubin ka ah Midowga Afrika, ayaa horey dacwad u gudbisay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, iyadoo sheegtay in weerarka Israa'iil ay ku qaadday Qaza uu ka dhigan yahay fal xasuuq ah.
Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo bishii November ee la soo dhaafay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada oo ka dhacay Gaza.
Israa'iil aya dhankeeda cambaareysay amarkan ka soo baxay maxkamadda ee ku aadan marinka Qaza.













