Deeqihii u danbeeyey ee Maraykanku jaray oo taabanaya malaayiin ay Soomaaliya ka mid tahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xukuumaddiisa ayaa joojinaya inta badan, haddii aysan ahayn dhammaan, kaalmadii ay Mareykanku siinayeen Afghanistan iyo Yemen, sida ay sheegeen ilo ka tirsan hay'adaha gargaarku Isniintii, taas oo Hay'adda Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ku tilmaantay inay noqon karto "xukun dil ah" oo loo geystay malaayiin qof.
Jaristaas ayaa ka mid ahayd barnaamijyo gargaar oo badan oo laga joojiyay in ka badan 12 dal — oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Suuriya — intii lagu jiray usbuucii dhammaaday, sida ay sheegtay Sarah Charles, oo horey u ahayd madaxa waaxda arrimaha bani'aadamnimada ee USAID, iyo sagaal ilood oo kale oo ay ku jiraan lix mas'uul Mareykan ah oo hadda ka shaqeeya gargaarka bani'aadamnimada, kuwaas oo codsaday in aan la magacaabin.
Wadarta guud ee kaalmada la jaray waxay ahayd in ka badan $1.3 bilyan, sida ay sheegeen urur u ololeeya gargaarka oo la yiraahdo Stand Up For Aid. Taas waxaa ka mid ah:
$562 milyan oo laga jaray Afghanistan,
$107 milyan oo laga jaray Yemen,
$170 milyan oo laga jaray Soomaaliya,
$237 milyan oo laga jaray Suuriya,
iyo $12 milyan oo laga jaray Gaza.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hay'adda Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in joojinta maalgelinta Mareykanka ee gargaarka cuntada degdegga ah "ay noqon karto xukun dil ah" oo loo geysto malaayiin qof oo la daalaa-dhacaya gaajo daran iyo macaluul, waxayna sheegtay inay la xidhiidhi doonaan maamulka Trump si ay u helaan faahfaahin dheeraad ah.
Qoraal ay ku daabacday X, madaxa WFP Cindy McCain waxay ku sheegtay in jarista maalgelinta "ay sii kordhin doonto gaajada, ayna kicin doonto xasillooni-darro, isla markaana ay adduunka ka dhigi doonto meel aad u khatar badan."
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u gudbiyay su'aalaha ku saabsan joojinta barnaamijyada gargaarka Aqalka Cad, markii ay Reuters weydiisay arrintaas. Aqalka Cad ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiga faalladaas.
Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay isku dayeyso inay hesho faahfaahinta ku saabsan qandaraasyada la kansalay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Jaristan cusub ayaa noqoneysa tallaabadii ugu dambeysay ee ku jirta ololaha xukuumadda Trump ay ugu jirto burburinta USAID – oo ah hay'adda ugu weyn ee Mareykanka u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimada. Xukuumaddiisu waxay baabi'isay barnaamijyo malaayiin doolar ah oo naf-badbaadin ahaa tan iyo markii madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga uu bilaabay xilka muddo xileedkiisa labaad 20-kii Janaayo.
Barnaamijyo badan oo la kansalay ayaa horay u helay oggolaansho gaar ah oo uu siiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio si looga badbaadiyo jarista barnaamijyada gargaarka dibadda ee ay horkacaysay Waaxda Qiimaynta Kharashaadka Dowladda oo uu madaxDA ka yahay maalqabeenka Elon Musk tan iyo bishii Febraayo, sida ay sheegeen saddex ilo wareed.
Mareykanka wuxuu ahaa deeq-bixiyihii ugu weynaa ee gargaar siiya Afghanistan oo ay xukunto kooxda Taliban iyo Yemen oo badankeed gacanta ugu jirta fallaagada Islaamiga ah ee Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan. Labada dal waxay soo mareen sanado dagaallo oo daran.
"Dhammaan deeqihii USAID ee u hadhay Afghanistan waa la kansalay," ayuu yidhii mid ka mid ah ilo wareedyadaasi. Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in lacagaha la joojiyay ay ku jiraan gargaar loo waday hay'ad ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka shaqeysa haweenka iyo gabdhaha, WFP, iyo ugu yaraan lix hay'adood oo aan dowli ahayn.
Joojinta barnaamijyadan waxay sii xumeeyaan xaaladaha bini'aadantinimo ee ka jira dunida, waxayna halis gelinayaan malaayiin qof oo rajo beel ah oo laga yaabo inay wajahaan gaajo daran, waxayna sidoo kale kicin karaan mowjado cusub oo muhaajiriin sharci darro ah, sida ay sheegayaan ilo kala duwan iyo khubaro.
Waxaa ka mid ahaa kaalmadii la jaray dhamaadkii toddobaadkan in la joojiyay $169.8 milyan oo loogu talagalay Hay'adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, taasoo daboolaysay gargaar cunto, nafaqo loogu talagalay dhallaanka iyo carruurta nafaqo-darrada ku jirta, iyo taageero hawada bani'aadantinimo. Suuriya, $111 milyan ayaa laga jaray barnaamijyada gargaarka cuntada ee WFP.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhowaad 23 milyan oo qof – in ka badan kala bar ay yihiin carruur – ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo gudaha Afghanistan. WFP waxay sheegtay inay cunto degdeg ah iyo gargaar lacageed siisay ku dhowaad 12 milyan oo Afghan ah sannadkii hore, iyadoo mudnaanta siisay haweenka iyo gabdhaha wajahaya "gaajo daran."
"Deeqaha Afghanistan waxay si taxaddar leh ugu beegnaayeen howlaha nafo badan badbaado u ahaa," ayay tidhi Sarah Charles, oo ka tagtay USAID bishii Janaayo 2024. "Tani waxay noqon doontaa musiibo ku habsata kuwa ugu nugul Afghanistan ee ku jira gacanta adag ee Taliban."
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Mareykanku uu sanadkan ilaa hadda siiyay Afghanistan gargaar dhan $206 milyan. Sannadkii hore, Mareykanka wuxuu ahaa deeq-bixiyihii ugu weynaa – isagoo siiyay $736 milyan – dalkaas oo burburka iyo colaadaha muddada dheer ka dib, Taliban ay la wareegtay xukunka, kadib markii Mareykanku kala baxay ciidamadiisii ugu dambeyay bishii Agoosto 2021.
Hay'adda Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA), oo diiradda saarta caafimaadka taranka iyo waxbarashada, ayaa markii ugu horreysay la ogeysiiyay dhammaadkii Febraayo in deeq laba sano ah oo $24 milyan ahayd oo loogu talagalay Afghanistan la kansalay. Isla waqtigaas, deeq kale oo $17 milyan ahayd oo loogu talagalay Suuriya ayaa sidoo kale la kansalay.













