Waa hay'ad noocee ah USAID, maxayse Soomaaliya uga dhigan tahay in Trump uu xiro?

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hay'adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxa la aasaasay horraantii 1960-meeyadii si ay u maamusho barnaamijyada gargaarka bini'aadaninimo iyada oo dawladda Maraykanka wakiil uga ah caalamka.

Waxaa ka howlgala 10,000 oo qof, saddex meelood labo meel oo ka mid ah shaqaalahaasi waxay ka shaqeeyaan dibadda.

Waxay saldhigyo ku leedahay in ka badan 60 waddan, waxayna ka shaqeysaa tobaneeyo dal oo kale. Si kastaba ha ahaatee, shaqada ugu badan waxaa fuliya hay'ado kale oo qandaraasleyaal ah oo ay maalgeliso USAID.

Hawlaha kala duwan ee ay qabato waa kuwa aad u ballaaran. Tusaale ahaan, USAID kuma koobna oo kaliya in ay cunto ku bixiso waddammada ay dadkoodu gaajaysan yihiin, waxa ay sidoo kale ka shaqaysaa nidaamka ogaanshaha heerka macluusha ee adduunka iyagoo saadaalinaya halka ay cunto yaradu ka jirto.

Inta badan miisaaniyadda USAID waxa ay ku baxdaa barnaamijyada caafimaadka, sida bixinta talaalka dabeysha ee wadamada uu wali cudurku ku faafayo iyo ka caawinta joojinta faafitaanka fayraska kuwaas oo awood u leh in ay horseedaan masiibo.

BBC Media Action, oo qaar ka mid ah maalgelinteeda ka hesho hay'ado deeqo bixyaal ah ayaa waxay maalgelin ka heshaa USAID. Marka loo eego warbixin la daabacay 2024-kii, USAID waxay ugu deeqday lacag dhan 3.23 malyan oo doollarka Mareykanka ah, taasoo ka dhigaysa deeq-bixiyaha labaad ee ugu weyn ee hay'addan sanad maaliyadeedkaas.

Kharash intee le'eg ayay dowladda Mareykanku ku bixisaa USAID?

Sajad oo 7 jir ah - oo qoyskeeda ay ku barokaceen daadadkii Pakistan - ayaa ka mid ah malaayiin ay caawisay USAID

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sajad oo 7 jir ah - oo qoyskeeda ay ku barokaceen daadadkii Pakistan - ayaa ka mid ah malaayiin ay caawisay USAID

Marka loo eego xogta dowladda, Mareykanka wuxuu hay;adan ku bixiyay 68 bilyan oo doolar oo gargaar caalami ah marka loo eego sannadkii 2023.

Inta badan lacagtaas waxaa lagu bixiyaa Aasiya, Afrikada Saxaraha ka hooseeya iyo Yurub waxaana inta badan loo adeegsaday arrimaha bani'aadamnimada ee Ukraine.

Maraykanka ayaa ah dalka kharashka ugu badan ku bixiya horumarinta caalamiga ah.

Si loo fahmo macnaha, UK waa wadanka afraad ee ugu badan bixiya gargaarka adduunka. Sanadkii 2023, waxay ku bixisay £15.3 bilyan oo giniga istarliinka ah qiyaastii rubuc ka mid ah waxaa bixiyay Maraykanka.

Donald Trump ma xiri karaa USAID?

USAID waxa ay soo ifbaxday ka dib markii Congress-ku meel mariyay Xeerka Kaalmada Dibadda 1961. Sharcigaas ayaa amraya in hay'ad dawladeed la dhiso oo loo xilsaaro maaraynta kharashaadka dibadda.

Wax yar ka dib, madaxweynihii xilligaas John F Kennedy wuxuu asaasay USAID, isagoo isticmaalayay amar fulineed. Sharci kale ayaa la soo saaray 1998-kii kaas oo xaqiijiyay in USAID ay tahay hay'ad fulineed iyada oo madax-bannaan.

Howlihii ugu dambeeyay ee ay taageertay USAID waxaa ka mid ahaa in ay qayb ka qaadatay dadaalladii samatabixinta ee Turkiga ka dib dhulgariir dad badan ay ku dhinteen oo halkaa ku dhuftay.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Howlihii ugu dambeeyay ee ay taageertay USAID waxaa ka mid ahaa in ay qayb ka qaadatay dadaalladii samatabixinta ee Turkiga ka dib dhulgariir dad badan ay ku dhinteen oo halkaa ku dhuftay.

Marka la soo koobo, taasi waxay la macno tahay in Trump uusan si fudud u baabi'in karin USAID, isagoo saxiixaya amar fulineed, isku day kasta oo lagu sameeyana waxaa hubaal ah inuu la kulmi doono caqabado xooggan oo dhanka maxkamadaha iyo Congresska ah.

Xiritaanka guud ee USAID waxay u badan tahay inay u baahan tahay tallaabo Congress-ka ah - markaas oo xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu haysto aqlabiyadda aan sii buurnayn ee labada aqal.

Mid ka mid ah xulashooyinka la sheegay in uu tixgeliyey maamulka Trump ayaa ah in uu USAID ka dhigo laan ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyaga oo ka soo horjeedda in ay noqoto hay'ad dowladeed oo iyadu iskeed u shaqeysa.

Maxay noqonaysaa saamaynta xiritaanka USAID?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo la tixgelinayo qadarka aan sinnayn ee maalgelinta ee ka yimaada Maraykanka, isbeddel kasta oo ku saabsan sida lacagtaas loo kharash gareeyo waxaa hubanti ah in saameyn lagu dareemo dunida oo dhan.

Hawlaha USAID waxay ka bilowdaan oo loogu talagalay caawinta askariga dhaawacmay ee Ukraine, ilaa nadiifinta miinooyinka iyo xakamaynta faafitaanka Ebola ee Afrika. Saameyntu waxay noqon kartaa mid si dhab ah u taabata caalamka.

Ka dib markii la shaaciyay hakinta 90-maalmood ee kharashka dibadda, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Marco Rubio wuxuu yiri "lacag kasta" waa in "lagu caddeeyaa" iyadoo la soo bandhigayo caddeyn muujineysa in ay ka dhigeyso Maraykanka mid ammaan ah, xooggan, isla markaana barwaaqo ah.

Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku tilmaamay tallaabooyinkaasi sharci-darro iyo in ay khatar gelin doonaan amniga qaranka Mareykanka.

Trump wuxuu si cad u muujiyay inuu doonayo in kharashka dibadda uu si dhow ula jaanqaado aragtidiisa "America First," waxaana qaybta horumarka caalamiga ah diyaar u tahay saameynno kale oo layaableh.

Waxaa sidoo kale su'aalo ka jiraan inta uu Maraykanku ku kharash gareyn doono dibadda sanadaha soo socda, maadama Musk oo Trump awood siiyay uu isku dayayo nuu balaayiin doolar ka joojiyo miisaaniyadda dawladda.

Khuburada arrimaha gargaarka iyo howlaha hay'adaha ayaa qaba in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka ugu nugul marka ay timaado in USAID ay meesha ka baxdo.

Soomaaliya maxay uga dhigan tahay?

Soomaali badan ayaa ku tiirsan gargaarka hay'adda USAID

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Soomaali badan ayaa ku tiirsan gargaarka hay'adda USAID

Soomaaliya maadama muddo burbursaneed isla markaana dadkeedu inta badan ku tiirsanyihiin gargaarka dibadda waxaa la rumeysanyahay in USAID ay tahay hay'adda ugu weyn ee gacan siin jirtay.

"USAID waxay ahayd hay'adda ugu weyn ama hay'adaha gargaarka oo dhan ay ku tiirsanyihiin oo kuwa Qaramada Midoobey ay ka mid yihiin, dowladda Soomaaliya ay ku tiirsaneed, ganacsatada yaryar, beeraleyda iyo xoola dhaqatadana ay mashaariic u sameysay," ayuu yiri Abuukar Sheekh Axmed Al-Badri oo ah suxufi kana soo shaqeyay arrimaha horumarinta hay'adaha gargaarka.

Wuxuu intaa ku daray in deegaannada dowladda Soomaaliya ay ka qabsatay al-Shabaab ee laga sameeeyo barnaamijka xasilinta ay USAID tahay hay'adda qaybta ugu weyn ku leh howshaas.

Abuukar ayaa muujiyay in haddii aan la helin wax u badala deeqihii dadka Soomaaliyeed ay ka heli jireen hay'addan, la filan karo culeys khatar ah oo ku yimaada dadka Soomaaliyeed.

"Deeqaha ay meesha ka bixiyeen ilaaa la helo wax u badala dadkii ku tiirsanaa ee Soomaaliyeed ee gargaraka u baahnaa, xaalad khatar ah ayaan filan karnaa," ayuu yiri Abuukar AL-Badri.

Wuxuu intaa raaciyay in dowladihii kala dambeyay ee soo maray dalka Soomaaliya, ay ka gaabiyeen in ay u diyaar garoobaan haddii ay ha'ddaani meesha ka baxdo waxa u badeli kara maadaama dad badan oo Soomaali ah ay siyaabo kala duwan ugu tiirsanyihiin.