Soomaaliya oo wajahaysa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu xun dunida

Soomaaliya ayaa qarka u saran xaalad macaluul ah. Kadib Afar xilli roobaad oo aan la helin, waxaana la saadalniyaa in roobabku imaan doonan hase-yeeshee kala bar dadka waxay u baahanyihiin nooc ka mid ah gargaarka bani'aadamnimo.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa ku qasbanaaday inay ka barakacaan guryahooda, ka dib markii abaartu ay baabi’isay xoolihii ay lahaayen wax yeellana soo gaartay nolashooda.In ka badan 130,000 ayaa tagay xero ku taalla degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo, boqollaal kalana maalin kasta ayay si joogta ah u tagaan.

Xigashada Sawirka, Rt Hon Andrew Mitchell MP
Wasiirka horumarinta dalka Ingiriiska Andrew Mitchell ayaa safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah isagoo wasiir ah ku tagay Soomaaliya si uu arko baaxadda dhibaatada abaartu sababatay. Wuxuu sheegay in tiro aad u badan ay halis ugu jiraan inay u dhintaan abaarta, haddii beesha caalamku aysan si sax ah uga jawaabin baahiyaha taagan.
“Markii dhanka Afrika wax laga eego, haddii lacago badan loo wareejiyay si wax loogu qabto dadka ay waxyeellada ka soo gaartay dagaalka qaraar ee ka socda waddanka Ukraine, waxaa halkaas ka cad inaan dayacayno carruurta ku dhimanaysa Geeska Afrika, taasina waa arrin aynaan aqbali karayn,” ayuu yiri Andrew Mitchell.
Intii lagu guda jiray booqashadiisa 2-da maalmood ah, wasiir Andrew Mitchell wuxuu xaqiijiyay in dadka dhibaateysan lagu caawin doono dhaqaale gaaraya £6.7milyan oo ah maalgelinta gargaarka bini'aadantinimo oo ay ku jiraan caafimaadka, nafaqeynta, adeegyada biyaha, gargaarka cuntada iyo taageerada dhibanayaasha loo gaystay xadgudubyada.

Xigashada Sawirka, Rt Hon Andrew Mitchell MP
Waxa uu ballan qaaday 14 milyan oo pound oo kale oo dhanka ammaanka iyo gargaarka bini’aadantinimo ah, balse dhimista kharashaadka ayaa ka dhigan in Britain ay weli bixinayso wax ka yar intii sannadihii hore. Waxaase dhibaatada ka jirtaa in miisaaniyada gargaarka dibadda la gooyey, hase-yeeshee inta badan lacagta soo hartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku bixisa dadka magangelyo doonka ee UK. Wuxuu aqbalay in tani ay tahay mid sharci ah marka loo eego xeerarka caalamiga ah.
“Dabcan, waa arrin adag waxaanse rajaynayaa in xaalku uusan weligii sidaas ku socon sababtoo ah waxa ay culays badan arrintaasi saartay isticmaalka lacagaha gargaarka ah,” ayuu yiri Mitchell. Qoraal uu bartiisa Twitter soo dhigay ayuu wasiirku ku yiri: "Soomaaliya waxay wajaheysaa mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka,". Wuxuu intaa raaciyay; Waxaan ku arkay Soomaaliya toddobaadkan sida abaartu u saamaysay malaayiin qof,".

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Wasiirka horumarinta dalka Ingiriiska Andrew Mitchell ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka labada dal iyo dagaallada dowladdu kula jirto Al-Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) oo Doolow kula kulmay wafdiga wasiirka horumarinta Uk ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka Gedo ay marayso haatan meel halis ah.
"Mar haddii aanu roobkii muddo afar sano ah da'in xoolihii way ka dhamaadeen dadka beerihii ay tacbanayeen roob la'aan ayaa ku dhacday, ceelashii way ka gureen,"ayuu yiri guddoomiye Lafey oo BBC-da u warramayay.
Hay'adaha gargaarka ayaa iyaguna horey dhowr jeer uga digay saameynta abaarta ka jirta Soomaaliya oo dadka xoolihii ka dhameyday kadibna ay ku qasbanaadeen in magaalooyinka ay ku soo barakacaan halkaas oo ay ku wajahayaan dhibaato ka daran tii ay dhulka miyiga ah kaga soo carareen.












