Nin caawin jiray ninkii la dilay ee Qur'aanka gubay oo isna la xukumay

Salwan Momika iyo Salwan Najem

Xigashada Sawirka, X

Nin ka qayb qaatay dhacdooyinkii Kitaabka Quraanka lagu gubayay ee ka dhacayey Stockholm, kuwaas oo horseeday qalalaase diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Sweden iyo dunida Muslimka, ayaa lagu xukumay dambi ah kicin nacayb bulsheed oo ka dhan ah koox qowmiyadeed.

Maxkamadda degmada Stockholm ayaa subaxnimadii isniinta ku ridday Salwan Najem xukun uusan jeel galayn, iyo ganaax lacageed, iyada oo sheegtay in ficilladiisa iyo dhaqankiisii xagaagii 2023 uu ahaa wax lagu tilmaami karo ku xadgudub diimeed.

Najem ayaa lagu soo oogay dacwado la xidhiidha hadallo uu jeediyay xilli uu ku lug lahaa afar dhacdo oo Kitaabka Quraanka lagu gubayay oo ka dhacay Stockholm, kuwaas oo uu la sameeyay Salwan Momika, kaas oo la toogtay Arbacadii la soo dhaafay intii uu ku jiray baahintiisii tooska ahayd ee TikTok.

Najem, oo ka soo jeeda Ciraaq, yimidna Sweden sanadkii 1998, islamarkaana haysta jinsiyadda Sweden tan iyo Juun 2005, ayaa sheegay in ficilladiisu ahaayeen dhaleecayn sharci ah oo ku saleysan xornimada hadalka ee uu u dammaanad qaaday dastuurka Sweden.

Si kastaba ha ahaatee, garsooraha dacwadda, Göran Lundahl, ayaa sheegay in xornimada hadalku aysan la micno ahayn "in qofku u madax bannaan yahay inuu sameeyo ama sheego wax kasta."

Markii xukunka lagu riday kadib, Lundahl wuxuu sheegay: "Waxaa jira xuduud ballaaran oo xornimada hadalka ah oo kuu oggolaanaya inaad si dhab ah oo xaqiiqo ku saleysan u dhaleeceyso diin, isla markaana in aad muujiso ra'yigaaga ku saabsan diin gaar ah macnaheedu maaha in aad xor u tahay inaad tiraahdo ama sameyso wax kasta adigoon halis ugu jirin inaad dhaawacdo dareenka kooxda aaminsan diintaas".

Gubitaankii xaashiyahaa kitaabka Quraanka ee 2023 ayaa kicisay dood ku saabsan dheelitirka u dhexeeya xuquuqda xorriyadda hadalka iyo xuquuqda kooxaha qowmiyadeed iyo diimeed.

Dhacdooyinkan ayaa sidoo kale sababay cambaareyn ballaadhan oo ka timid dalal badan oo Carab iyo Muslim ah, taasoo sii adkaysay xidhiidhka Stockholm ay la leedahay waddamadaas.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Momika iyo Najem ayaa lagu soo oogay dacwad ah "kicin ka dhan ah koox qowmiyadeed" afar jeer oo kala duwan sanadkii 2023.

Warqadda dacwadda ayaa sheegaysa in labadan nin ay meel uga dhaceen Quraanka, oo ay ku jiraan gubitaankiisa, iyagoo hadallo aflagaado ah u jeedinayay Muslimiinta. Ugu yaraan laba jeer, mudaharaadyadu waxay ka dhaceen banaanka masaajid ku yaalla magaalada Stockholm.

Maxkamaddu waxay Isniintii sheegtay in dacwaddii lagu hayay Momika la joojiyay ka dib geeridiisii.

Momika iyo Nejem

Xigashada Sawirka, Epoch times

Soomaalida Sweden maxay ka aaminsan yihiin Momika

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Maxamed Maki, oo ah guddoomiyaha mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee Sweden sidoo kalena ka mid ah midawga masaajidda Sweden. Waxa uu BBC u sheegay inay ka xun yihiin shalay oo ciidu Adxaa ahayd oo maalin farxadeed ah uu nin cunsuri uu nuqul ka mid ah kitaabka Qur'aanka ku gubo misaajid hortii.

"Waxaa dhacday in cunsiri ah oo asal ahaan Ciraaq ka soo jeeda uu misaajidka Stockholm ku hor gubo kitaabta Qur'aanka ah weliba iyadoo dowladda Sweden ay u fasaxday marka waa ficil aad u fool xun oo aan ka soo horjeedno oo aan cambaareyneyno oo dalkan Sweden iyo magaalada Stockholm dan ugu jirin."

"Muslimiinta reer guud ahaan aad ayay uga xun yihiin falkan waan ka dignay dowladda waan u sheegnay inaan dooneyno in dalka Sweden nabad lagu wada noolaado, diimaha la ixtiraamo, ambiyada Ilaahey la ixtiraamo oo laga fogaado wax kasta oo dhib u keena kara dalkan."

Dhanka kale Maxamed Maki ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay u sheegeen inay is dejiyaan oo laga fogaado wax kasta oo ficil ah oo gacan ka hadal ah sababtoo dadka aan Muslimka ahayn maalin walba waxay soo galayaan diinta Muslimka marka waxaan ka hortageynaa haddaanu nahay misaajidadii in dadka Mulimiinta ah ay ficil qaadaan.

"Ninka falkan sameeyay markaan dib u baarnay waa nin diinta Masiixiga haysta oo Ciraaq ka soo jeeda oo cadaawad iyo xiqdi farabadan u qabo dadka Muslimiinta ah laakin kaniisadaha ayaa nala soo xiriiray waxayna noo sheegeen in ficilkan uu ninkan sameeyay ay bari ka yihiin," ayuu yidhi Maxamed

Muddo sannad iyo dheeraad laga joogo ayey xukuumadda Sweden sheegtay in guud ahaan Sweden laga musaafurinayo Salwan Momika, waxayna Sweden kala laabatay ruqsaddii deganaanshaha, hase yeeshee wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu racfaan qaato.

Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe).