Dhaqtar qalliin oo kufsi kula kacay carruur bukaannadiisa ka mid ahaa xilli ay suuxsanaayeen oo maxkamad la saarayo

Faransiiska

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sawir-gacmeedka maxkamadda ee Joel Le Scouarnec markii ugu horreysay ee maxkamad lasoo taagay 2020
    • Author, Laura Gozzi
    • Role, BBC News

Dhaqtar hore oo qalliinka ah oo lagu eedeeyay inuu tacaddi kula kacay boqollaal carruur bukaan ahaa, aalaaba xilli ay suuxsanaayeen, ayaa lagu wadaa in bishan dhexdeeda maxkamad lasoo taago waana maxkamadeyntii ugu darneyd ee tacaddiga carruurta ee soo marta taariikhda Faransiiska.

Joel Le Scouarnec, oo 73 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay amaba kufsaday 299 carruur ah – oo badankood bukaannadiisa hore ahaa – intii u dhaxeysay sanadihii 1989 iyo 2014, badankoodna uu kula kacay magaalada Brittany.

Wuxuu qirtay qaar ka mid ah eedeymaha, balse maaha dhammaan.

Maxkamadeynta oo ka dhacaysa Vannes, waqooyi-galbeed Faransiiska, ayaa daba socota baaritaan booliis oo dheer oo socday dhowr sano.

Waxay u badan tahay in su'aalo aan la mahdin ay ka yimaadaan in Le Scouarnec ay difaacayeen saaxiibbadiis iyo maamulka isbitaallada ee shaqaaleysiiyay, iyadoo ay jirtay digniin FB-da ah oo dowladda Faransiiska ay uga digeysay in ninkan uu baari jiray baraha internet-ka ee tacaddiga carruurta, kadib markii keliya lagu xukumay xarig dib loo dhigay.

Fursado dhowr ah oo ku saabsan in dhaqtarkan qalliin ee hore laga joojiyo inuu xiriir la yeesho carruurta ayaa u muuqday kuwo la seegay amaba la diiday.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sidoo kale ogaa xaaladda Le Scouarnec ee tacaddiga carruurta balse way ku guul-darreysteen inay ka joojiyaan.

Le Scouarnec, oo mar ahaa dhaqtar qalliin oo la xushmeeyo magaalo yarna ka howl-geli jiray, ayaa xabsi ku jiray tan iyo sanadkii 2017, markaas oo loo xiray shaki laga qabay inuu kufsaday gabdho uu adeer u yahay, oo haatan da'da 30-meeyada ku jira, iyo sidoo kale gabar lix sano jir ahayd iyo qof bukaan oo da'yar. Sanadkii 2020 waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Kadib markii la xiray, booliiska ayaa baaray gurigiisa waxayna kasoo heleen qalab uu tacaddiyada carruurta ku geysan jiray, in ka badan 300,000 oo sawirrada carruur tacaddi loo geystay ah, iyo kumannaan feyl oo lagu ururiyay taariikhda bukaannada da'da yar ee Le Scouarnec la sheegay inuu tacaddiga kula kacayay in ka badan 25 sano.

Wuu beeniyay inuu tacaddi ama kufsi kula kacay carruur, isagoo ku dooday in taariikh-qorkiisa ay keliya ka tarjumayaan "waxa uu ka helo".

Dhowr tusaale, si kastaba, wuxuu sidoo kale ku qoray: "Waxaan ahay mid jecel inuu carruurta tacaddi kula kaco".

Le Scouarnec ayaa wajahaya in ka badan 100 eedeymo oo kufsi ah iyo in ka badan 150 eedeymo oo tacaddi jinsi ah.

Faransiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxkamadeyntii ugu horreysay ee Le Scouarnec sanadkii 2020 ayaa dhacday xilligii xanuunka safmarka ah ee Covid-19

Qaar ka mid ah bukaannadiisa hore, oo dhammaantood haatan qaan-gaar ah, ayaa sheegay inay xusuustaan dhaqtarka qalliinka oo taataabanaya isagoo ugu dhex qarinaya baaritaannada caafimaad, mararka qaarna xitaa marka waaliddiinta iyo dhaqaatiirta kale ay qolka ku jiraan.

Balse maaddaama tiro badan oo dhibbaneyaashiisa sida la sheegay ay suuxsanaayeen marka tacaddigu dhacayay, ma xusuusan karaan waxa dhacay wayna la yaabeen marka booliisku lasoo xiriiray ee magacyadooda loo sheegay – iyo sidoo kale qeexitaannada la xiriira tacaddiga – oo sida la sheegay kasoo muuqday xusuus-qroka Le Scouarnec.

Qaar ka mid ah dhibbanayaasha la sheegay ayaa waxay qireen in marka ay ogaadeen waxa dhacay ay taas ka caawisay inay jawaab u helaan calaamadaha aan sharraxaadda lahayn ee tiiraanyada ee saameynta ku yeeshay noloshooda dhan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Francesca Satta, oo ah qareen wakiil ka ahayd dhowr dhibbane, ayaa BBC u sheegay in macaamiisheeda ay ku jiraan "qoysaska labo nin oo xusuustay, iyo kuwo nafta is dhaafiyay."

Olivia Mons oo ka tirsan ururka France Victimes oo la hadashay qaar badan oo ka mid ah dhibbanayaasha la sheegay ayaa sheegtay in dhowr ka mid ah ay keliya inyar ka xusuusan kareen dhacdooyinka aysan u heyn erayo ay ku sharraxaan.

Markii kiiska dhaqtara qalliinka uu dibadda usoo baxay, "waxay siisay billowga sharraxaad," ayay tiri Ms Mons.

Balse waxay intaas ku dartay in inta badan dhibbanayaasha ay ahaayeen dad aan xusuusan in la kufsaday amaba tacaddi loo geystay, isla markaana ku noolaa nolol caadi ah kahor inta aysan booliiska lasoo xiriirin. "Maanta, qaar badan oo dadkaas ka mid ah aad ayay u saameysay," ayay tiri Ms Mons.

Haweeney ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegtay in markii booliisku tusay qoraalka magaceeda ee ku xira xusuus-qorka Le Scouarnec, ay durba xusuushu bilaabeen inay maskaxdeeda kusoo buuxsamaan. "Waxaa i hor imaan jiray xusuusaha qof soo galaya qolkeyga isbitaalka, kor u qaadaya go'a sariirta, isla markaana dhahaya inuu hubin doono in wax walba ay si fiican u dhaceen," ayay tiri. "Wuu i kufsaday."

Qareen Francesca Satta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Francesca Satta, oo qareen u ah qaar ka mid ah dhibbanayaasha Le Scouarnec

Margaux Castex, oo ah qareenka mid ka mid ah dhibbanayaasha la sheegay, ayaa BBC u sheegtay in macmiilkeeda "uu tiiraanyo ka qaaday in weligii uu aaminay xirfadle caafimaad, taasna ay aad u adkeyd inuu qaato".

"Wuxuu rajeynayaa inaan weligii loo sheegi lahayn waxa dhacay," ayay tiri Ms Castex.

Haweeney kale oo lagu magacaabo Marie, oo haatan ah hooyo xaas ah oo bartamaha da'da 30-meeyada ku jirta, ayaa sheegtay in booliiska ay yimaadeen gurigeeda ayna u sheegeen in magaceeda uu kasoo muuqday xusuus-qorka dhaqtar qalliin oo lagu eedeynayo tacaddi carruur.

"Waxay akhriyeen waxa uu iga qoray aniga waxaana doonayay inaan dib nafteyda ugu akhriyo balse suurto-gal ma ahayn," ayay u sheegtay warbaahinta France Bleu. "Ma qiyaasi kartaa akhrinta qeexitaanno anshax-xumo ah aadna ogtahay inay adiga kugu saabsan yihiin, waliba adiga oo ilmo ah?"

Marie ayaa sheegtay in muddo sanado ah ay la xiriiri jirtay khubarrada caafimaadka maskaxda sababo la xiriira "arrimo" ay sheegtay inay ka heysteen ragga, iyo in dhaqaatiirta ay is weydiiyeen inay la kulantay tiiraanyo carruurnimadeedii.

"Waxaan aaminsanahay in xusuusteyda ay iga dhowrtay taas. Balse baritaanka booliiska ayaa kulli saaxada keenay - sawirro, dareemo, xusuus ayaa maalinba maalinta ka dambeysa igu soo maaxanaysay. "Maanta, waxaa dareemayaa tan sida inay maanta dhacday oo kale."

Marie ayaa sheegtay in markii la tusay sawirka Le Scouarnec, "ay wax walba dib igu soo maaxdeen... waxaan gocday eegmadiisii qaboobeyd."

Waxay la yaabtay sida dhaqtar qalliin uu u awooday inuu geysto dembiyadaas la sheegay isagoo aan la ogaan muddo dheer.

Waa su'aal gocasho leh oo ay tahay in lagu sharraxo inta ay socoto maxkamadeyntiisa.

'Khaladaadka maamul iyo garsoor'

Maxkamadeyntii ugu horreysay ayaa lagu dhegeystay sheegashooyin ah in dhowr xubnood oo ka tirsan qoyska Le Scouarnec ay ogaayeen tan iyo sanadihii bartamihii 1980-meeyadii dabeecaddiisa aan la jecleysan ee ku wajahneyd carruurta, balse aysan soo faro-gelin.

Xaaskiisii hore ayaa beenisay inay ogeyd waxa seygeeda – iyo aabbaha saddexdooda carruur – laga sheegay inuu sameynayay ilaa xilligii la xiray.

Le Scouarnec – oo ah xirfadle caafimaad isla markaana ka hela aflaanta iyo qoraallada – ayaa muddo dheer ahaa mid ay ku faanayeen qoyskiisa dabaqadda dhexe. Wuxuu ahaa dhaqtar la xushmeeyo oo ka howl-gala magaalo yar muddo sanado ah, taasoo laga yaabo inay siiso xoogaa xasaanad ah oo goobta shaqada ah.

"Heer sare oo maamul xumo ah ayaa u oggolaatay Le Scouarnec inuu geysto ficilladiisa," sida uu BBC u sheegay qareen Frederic Benoist.

Mr Benoist ayaa wakiil ka ah koox u doodda dhowridda carruurta oo lagu magacaabo La Voix de L'Enfant (Codka Carruurta), kooxdaasoo cadaadis saareyso in la muujiyo waxa ay ugu yeertay "khaladaadka muhiimka ah ee maamul iyo garsoor" ee u oggolaaday Le Scouarnec inuu sii wado tacaddiga carruurta muddo sanado ah.

Faransiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Feylasha kiiska ee maxkamadeyntii ugu horreysay ee Le Scouarnec sanadkii 2020

Horraantii sanadihii 2000, digniin ka timid FBI oo dowladda Faransiiska loo gudbiyay ayaa sheegeysay in Le Scouarnec oo baari jiray baraha internet-ka ee tacaddiyada carruurta looga hadlo ay taas ka dhalaty keliya xarig afar bilood ah oo dib loo dhigay.

Mr Benoist ayaa sheegay in dacwad-oogayaasha aysan weligood warbixin la socodsiin waaxaha caafimaadka isla markaana aan wax ciqaab ah la marin Le Scouarnec, oo sii watay shaqadiisa dhaqtarka qalliinka, aalaabana uu qalliin ku sameyn jiray carruurta uuna gacanta ku hayay daryeelkooda qalliinka kadib.

Inta badan dhaqaatiirtii la shaqeyneysay ayaa la sheegay inay ka aamuseen falalka ninkan.

BBC ayaa xiriir la sameysay ururka caafimaadka gobolka iyo dacwad-oogayaasha si ay jawaab uga bixiyaan.

Le Scouarnec ayaa kadib la xiray markii gabar lix sano jir ahayd ay waaliddiinteeda u sheegtay inuu tacaddi u geystay. Wixii intaa ka dambeeyay, wuxuu ku noolaa guri weyn oo ay yaalleen qalab carruurta tacaddi loogu geysto.