Wax ka ogow saddexda tallaal lagaa doonayo in aad qaadato haddii aad u safreyso Soomaaliya

Kaneeco

Xigashada Sawirka, AP

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku wargelisay dadka soo galaya kana baxaya Soomaaliya in ay qasab ku tahay in ay qaataan tallaallada ay ka midka yihiin kan looga hortago duumada, tallalka dabaysha iyo tallaalka qaaxada maskaxda.

Arrintan ayaa la sheegay in ay dhaqan-gashay 1-da Febraayo ee sanadkan 2025.

Aan ku bilowno marka hore duumadu waxa ay tahay iyo tallaalkeeda.

Duumada waxay ka mid tahay caabuqyda loo dhinto ee adduunka ka jira gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaraha halkaas oo boqolaal kun ay sanad kasta u dhintaan. Dadka u dhinta cudurka waxay u badan carruurta ay da'doodu ka hooseyso shan sano.

Tobannaan sano, dagaalka lagula jiro duumada waxa uu ku tiirsanaa tallaabooyinka ka hortagga sida maro kaneecada, daawooyinka looga hortago kaneecada iyo barnaamijyada lagu xakameyo kaneecada.

Marka la soo saaray talaalka duumada ayaa la dareemay isbeddel weyn. Tallaalka ka hortagga duumada waxa uu badbaadiya nolosha kumanyaal qof sida ay sheegeen khubarada soo saartay. Inta badan carruurta aadka u yar way u dhintaan duumaada.

Waa maxay Tallaalka Duumada?

Tallaalka duumada waxaa loogu talogalay in looga hortago kaneecada taas oo khatar ku ah nolosha. Qaniinyada kaneecada ayuuna cudurka ku kala gudbaa. Tallaalka ugu caansan ee looga hortago duumada waxaa loo yaqaan Mosquirix.

Kaddib cilmibaaris socotay sanado ayey hay'adda caafimaadka WHO ogolaatay tallaalka RTS in la siiyo carruurta ku nool gobolada ay ka jirto duumada. Taasina waxay noqotay guul laga gaaray ka hortagga duumada.

Tallal

Xigashada Sawirka, AP

Muxuu yahay Tallaalka Dabeysha?

Dabeysha waa cudur halis ah oo inta badan saameeya carruurta ka yar shan sano. Waxa uu horseedaa in cunuga naafo naqdo. Kiisaska qarna waa loo geeriyoodaa.

Tallaalka looga hortago dabeysha ayaa hada sahlay in la ciribtiro cudurka dabeesha. Tallaalka waa mid afka laga qaato kaas oo siiya qofka difaaca dabeysha. Inta badan waa dhibco afka laga qaato taasina waxa sahal ka dhigeysaa in fudud lagu gaarsiiyo meelaha aan laheyn qalabka wax lagu keydiyo.

1988-kii ayaa adduunka laga bilaabay ololala ciribtirka dabeysha waxaana laga gaaray guul weyn kaddib markii kiisaska cudurka dabeysha adduunka ay yaraadeen.

Waa tallaal si fudud lagu maareyn karo iyadoo ay fududahay in dad badan hal mar la tallaalo taasna waxay keentay in carruur badan laga badbaadiyo cudurka.

Muxuu yahay tallaalka qaaxda maskaxda?

Tallaalka waa mid loogu talogalay in qofka uu ka ilaaliyo afar nooc oo bakteeriya ah kuwaas oo keenaya cuduro ay ka mid yihiin gowracatada.

Meningitis waa cudur halis ah oo caabuq ku keena qeybaha ilaaliya maskaxda iyo laf-dhabarka. Si wax looga qabto cudurka waxay seynisnayahada soo saareen tallaal looga hortago kaas oo ah tallaalka maskaxda.

Tallaalka waa mid badqab ah oo waxtar leh kana hortagaya afart nooc ee cudurka keena. Tallaalka waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dhowr iyo toban jirada, dadka safraya iyo dadka qaba xanuunada gaarka ah. Marka aad qaadato tallaalka waxaad difaac u yeeshay naftaada sidoo kale waxaad ka qeyb qaadatay in aad joojiso faafitaanka cudurka.

Amarka dowladda Soomaaliya ka soo baxay waxa uu sheegayaa in qof kasta ee dalka soo galaya iyo kuwa baxaya ay tallaaladan qaataan ka hor safarkooda. Waqtiga tallaalka ayey dowladda ka dhigtay ugu yaraan 10 maalmood ka hor safarka.