Trump ayaa sheegay in uu amray duqeynta cirka kooxda IS ee Soomaaliya

Ciidamada Mareykanka

Xigashada Sawirka, US AFRICA COMMAND

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu bixiyay amarka cirka looga duqeeyay sarkaal weerarada qorsheeya iyo kuwa kale oo ka tirsan kooxda IS ee Soomaaliya.

"Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa", ayuu yiri madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

"Weerarka waxaa lagu burburiyay gododkii ay ku noolaayeen, waxaana la dilay argagixiso badan kuwaas oo aan marna dhibaateyn doonin shacabka."

Qoraal uu soo dhigay barta X xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay weerarka Mareykanka ee lagu beegsaday hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda IS ee qeybaha waqooyi ee dalka.

BBC-da si madaxbannaan uma xaqiijin karto wararka ku saabsan dhimashada.

Madaxweyne Trump ma sheegin magaca dadka lagu beegsaday weerarkaas.

Hadalka Trump wuxuu ku soo koobay qoraal sidan loo dhigay. "Fariinta IS iyo dhammaan kuwa kale ee doonaya in ay weeraraan Mareykanka, "Waa idin heleynaa, waana idin dileynaa!"

Qoraalka xafiiska madaweyne Xasan Sheekh ayaa lagu qiray taageerada hagar la'aanta Mareykanka ee dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga, wuxuuna soo dhaweeyay sida ay uga go'an tahay madaxweyne Trump".

Qoraalka madaxtooyada Soomaaliya waxaa kaloo lagu sheegay in howlgalkan uu xoojinayo xiriirka weyn ee dhanka ammaanka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ee lagula dagaalamayo khatarta xagjirka.

Qoraal uu soo saaray xoghayaha difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa lagu sheegay, "qiimeyntii ugu horeysay waxay aheyd in dhowr lagu dilay duqeynta cirka, rayidna waxba kuma noqon".

Hegseth wuxuu sheegay in duqeynta ay "wiiqday" awooda IS ee ku qorsheyn karaan weeraro argagixiso, waxayna direysaa duqeynta fariin cad oo ah in Mareykanka uu markasta diyaar u yahay in uu helo argagixisada oo baab'iyo.

Wuxuu sheegay in buuraha Golis ee waqooyiga Soomaaliya ay aheyd halka la weeraray.

Madaxweyne Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Trump wuxuu sidoo kale eedeeyay maamulkii hore isagoo sheegay in militeriga Mareykanka ay sando weerarayeen qorsheeyahan IS balse Biden iyo saaxiibadiis "aysan degdeg u jawaabin si shaqada loo fuliyo. Aniga ayaa sameeyay hadda".

Ciidamada Mareykanka waxay hore ugu dileen buuraleyda fog ee waqooyiga Soomaaliya sanadkii 2023-kii hoggaamiyihii IS, Bilal al-Sudani iyo toban kale, howlgalkaas waxaa armay Biden.

IS waxay saaxadda caalamka soo gashay sanadkii 2010-kii, iyadoo ka soo baxday Ciraaq iyo Suuriya.

Garabka IS ee Soomaaliya waxaa sanadkii 2015-kii sameeyay koox ka soo go'day al-shabaab oo ah kooxda ugu weyn Soomaaliya.