Ujeedadii laga lahaa malaga gaaray duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya?

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarrada xagga cirka ee ay ku bartilmaameedaadaan fariisimaha kooxda Al Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.
Sida ay sheegeen taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AFRICOM, ayaa lagu duqeeyay meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe halkaas oo "lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa Alshabaab."
Sarreeye Guuto Miguel Castellanos, oo ah Taliye Xigeenka Howlgallada AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahaas looga gol lahaa sugidda ammaanka iyo in lagu "wiiqo" howlgallada mustaqbalka ee Alshabaab.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymahaasi aysan wax khasaare ah u geysan dad rayid ah. Lama shaacin magaca qofka la sheegay in lagu dilay duqeyntaas.
Sidoo kale, Jimcihii la soo dhaafay, waxay ciidamada Mareykanka sheegeen in ay duqeyn ku dileen qof Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka qaraxyada.
AFRICOM ayaa sheegay in ninkan oo aan magaciisa la shaacin uu sameyn jiray walxaha qarxa, isla markaana uu ku howlanaa inuu bamboo ku tallaalo waddo, kahor inta aan lagu dilin duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday meel u dhow deegaanka Kurtun Waarrey, ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Warsaxaafadeed ay AFRICOM soo saareen ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uusan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sannadihii la soo dhaafay, waxaa askarta Mareykanka lagu eedeynayay in dad shacab ah ay ku dileen duqeymo ay ka fuliyeen Soomaaliya.
Bishii April ee sannadkan, Ciidamada Maraykanka waxay qirteen in dad rayad ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo dhinaca cirka oo ay isla bishaas ka fuliyeen Soomaaliya.
Warbixin uu taliska Maraykanka ee Afrika (Africom) Isniintii uu soo saaray wuxuu ku sheegay duqeyntaasi iney ku dhinteen 2 qof oo rayad ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen.
Warbixintu waxay intaasi ku dartay isla weerarkaasi in lagu dilay 2 ka tirsan ururka al-shabaab.
Hay'adda Amnetsy International waxay dhankeeda ka sheegtay duqeynta uu Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya in lagu dilay 1 qof oo beeraley ah iyo 1 qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad isgaarsiin oo Soomaaliya ka howlgasha.
"Nasiib darro laba qof oo rayad ah ayaa lagu dilay seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 23-ka Bisha Fabraayo ka dhacay gudaha Soomaaliya", ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend.
"Saaxibbada Soomaaliya waxaan u haynaa ixtiraam aad u sarreeya, aadna waan oga xunnahay dhacdadaasi" ayuu yiri taliyaha oo hadalkiisa sii wata.
Warbixintuna waxay ku doodeysaa dadkaasi rayadka iney u dhinteen kaddib marki ay qarxeen miinooyin uu ururka al-Shabaab keydiiyey.
Hay'adda Amnesty intentional waxay sheegtay Maraykanka duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyey iney 20 qof oo rayad ah ku dhinteen, hase yeeshee Maraykanka ayaa diiday tiradasi.
Amnesty oo warbixinta Maraykanka ku tilmaantay "mid bogaadin mudan oo muujineysa cadcaddaan howlgallada militari ee sida qarsoodida ah sanadaha badan uga socday meela badan".
Waxayna ku baaqday in la diyaariyo nidaam dadka rayadka ah ee ay waxyeelladu soo gaartay warbixinnadooda bog Maraykanka uu diyaarinayo ay ku soo gaarsiiyaan, maadaamaa dadku inta badan heysan ku nool dhulka miyiga ay haysan teleefanna u sahlayo soo gudbinta xogaha adeegga interneetka iney helanna ay ku adag tahay.
Waxayna hay'adda Amnesty ku tlisay "in la diyaariyo fursad ay hoggaamiya dhaqameedyada ama xildhibannada la soo doorto ay uga hadlin karaan dadka rayadka ee ku dhinta duqeymaha Maraykanka iyaga oo shacabka matalayo."
Magdhowga dadka rayidka ah
Xildibaanka ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu billaabay sidii mag-dhaw lagu siin lahaa dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay duqeynta diyaaradaha darones-ka ee Maraykanka ay ka gaysteen gudaha Soomaaliya.
Sida ay ciidamada Mareykanka sheegaan, duqeymaha diyaaradahaas ay fuliyaan waxaa lala eegtaa Al-Shabaab, balse waxaa jiro warar sheegayo in dad shacab ah "ay ku laayeen Soomaaliya".
Ilhaan ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha saarneyn ay habeenkii oo keli ah ay howlgallada ka fuliyaan Soomaaliya, kuwaas oo mararka qaar ujeedka loogu talagalay - ee ah la dagaallanka "argigixisada" - maahee in ay dad shacab ah waxyeeleeyaan.
Waxay dalbatay in ay ka shaqeynayaan sidii arrintaas loo joojin lahaa, iyo in hadda ka dib, goobaha la bartilmaameedsanayo ay noqdaan meel si fiican loo soo hubiyay."Waxaa mag-dhow la siinayaa dadka noloshooda ay dhibaatada u geysteen diyaaradahaas, maadaama dowlad ahaan dadkaas loo dilay, sharciga caalamiga ahna uu qabo in haddii dowlad ay dowlad kale ka disho dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan, la siiyo magdhow", ayay tiri Ilhaan.
Maamulka madaxweyne Trump wuxuu "sameeyaa dagaal qarsoodi ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya", waxayna ciidankiisa adeegsadaan diyaaradaha aanu duuliyaha saarnayn ee drone-ka iyo askar si gaar ah u tababaran, waana arrin ay dad yar oo Mareykan ah ogyihiin.
Qaar ka mid ah Soomaalida waxay aragtida Trump ee dalkooda u arkaan mid aan sal lahayn, waxayna ku doodayaan in shuruucdiisa ay dalka ka dhigeen meel aad halis u ah - waxayna sheegayaan in shacabka ay markasta dhibaato ka soo gaarto duqeynta ay drones-ka Mareykanka geysteen Soomaaliya intuu uu xilka hayay Trump.
Balse mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Afrika, General Townsend, wuxuu sheegayaan in uu ka soo horjeestay hadalka odhanaya in ciidamada Maraykanka howlglladooda Afrika aysan si muuqata u fulinin.
Mar wax laga weydiiyey magdhawga dadka ay waxyeellada soo gaarto taliska oo ka jawaabaya wuxuu boggiisa Twitterka uu ku soo qoray "waxaan kala shaqeyn haynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya sidi aan tallaabada xigta u qaadi laheen."
In kastoo Mareykanka uu duqeymo culus la beegsado Al-Shabaab haddana, bisha Fabraayo wuxuu ururka weeraray saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha dalka Kenya oo ay wada adeegsadaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka, iyaga oo halkaasi ku dilay 3 qof oo Maraykanka u dhashay oo isugu jira 1 askari iyo 2 qandaraasle.
Howlgalladii qasaaraha badan sababay
Bishii Octoober ee sannadkii 2018-kii, waxay militariga Mareykanka sheegeen in ciidankooda ka howl gala Soomaaliya ay duqeyn la qorsheeyay ku dileen ilaa 60 qof oo ahaa dhallinyaro ay Al Shabaab qoratay oo ku jiray xero tababar.
Sida ay qortay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch, Mareykanka wuxuu qirtay in sannadkii 2019-kii uu Soomaaliya ka fuliyay illaa 63 duqeymo dhanka cirka ah.
Shantii bilood ee ugu horreysay ee sannadkan 2020-kana wuxuu Al-Shabaab la eegtay illaa 40 duqeyn.
Marka la barbardhigo sannadkii 2018-kii, waxay duqeymaha ahaayeen 29 weerar oo xagga oo dhanka cirka ahoo ay ka fuliyeen meelo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, waxaana dhammaantood lagu bartilmaameedsanayay dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab.
Sida ay HRW sheegtay, tan iyo horraantii 2017-kii, waxaa sare u kacay duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Sannadkaas waxaa kooxda lala eegtay illaa 27 duqeymo.
Waxay duqeymahaas soo socdeen tan iyo sannadkii 2007-dii, ka dib markii laga guuleystay ururkii Midowga Maxaakiimta.
Mareykanka guulo ma ka gaaray Duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab?
Bishii Maarso ee sannadkii 2017-kii, ayuu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump amar ku bixiyay in la xoojiyo weerarrada deg degga ah ee lala beegsado Al Shabaab, si gacan loo siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxdaas.
Iyadoo Mareykanka ay sare u qaadeen duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ayaa su'aal la iska weydiinayaa sida ay weerarradaas u wiiqi karaan awoodda ay leedahay kooxda.

Xigashada Sawirka, somalimemo
Bayaan ay dhawaan soo saareen taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsado Al Shabaab ay yareeyaan dhaqdhaqaaqyada kooxdaas iyo weerarrada ay damacsan yihiin.
Sidoo kale mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa hadda ku doodaya in howlgalladoodu aysan waxyeello ka soo gaarin dad rayid ah.
Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Jaamici), oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha gobolka ayaa BBC-da u sheegay in duqeymaha Mareykanka ay saameyn leeyihiin, laakiin aysan gaarsiisneyn heer ay ku soo af jaraan kooxda Alshabaab, taasoo ah ujeeddada markii horeba loo billaabay.
"Uma muuqato iney natiijo buuxda keenayaan, sababtoo ah khasaaraha mararka qaar wuxuu saameyn ku yeeshaa dad rayid ah, duqeymahana wey soo socdeen ilaa sannadkii 2007-dii. Ilaa hadda ma jirto astaan muujineysa ama la is dhihi karo waxay duqeymahaas burburinayaan awoodda Al Shabaab".
Xuuseen ayaa intaas ku daray in duqeymaha ay leeyihiin ujeeddooyin iska cad oo la fahmi karo.
"Sida ay ila tahay ujeeddada laga leeyahay duqeynta Mareykanka ay la beegsadaan Shabaabka waa dhowr arrimood oo kala ah:
- In ay kala dhantaasho xarakada oo aysan u suurtoobin iney si bareer ah isu aruursadaan, ciidamadoodana meel isugu geeyaan.
- Iney hoos u dhigaan awoodda siyaasadeed iyo midda ciidan ee Alshabaab.
- In lagu niyad jabiyo shakhsiyaadka hoggaanka u ah kooxda, dhaqdhaqaaqyadoodana lagu yareeyo.
- In lagu gaarsiiyo khasaare naf iyo maalba leh.
- In duqeymaha lagu caawiyo dowladda Soomaaliya" ayuu yiri.
Soomaaliya waxaa la qiyaasaa inay ku sugan yihiin ilaa 500 oo askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, kuwaasoo u badan saraakiil ay howshooda tahay iney bixiyaan la talin.
Go'aan ay wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanku ku shaacisay usbuucan in lagu dhimayo ciidanka Mareykanka ee jooga Afrika iyo meelo kale ayaa si gaar ah loogu qeexay in aysan ka mid ahayn ciidanka ka howlgala Soomaaliya.











