Safar dheer: Dhamman caruurtoda waxay dhasheen intii ay safarka ku jireen

qoyska Zapps

Xigashada Sawirka, AFP

Qoyska Zapp oo ka kooban Herman iyo Candelaria iyo carruurtooda -- waxaa ay ilaa hadda kusoo wareegeen masaafo wadareed dhan 362,000 kiiloomitir (225,000 mayl) waxayna hadda ku hakadeen magaalado ku taalla xudduudda Uruguay, waxayna qorsheynayaan inay kusoo laabtaan Obelisk, oo ah bartamaha magaalada Buenos Aires oo ah halkii ay bishii Janaayo 25, sandkii 2000 ka soo bilaabeen safarkooda .

Qoysakan oo leh ilaa afar carruur ah ayaa dhamaantood waxay dhaleen intii ay safarka ku guda jireen.

"Waxaan leenahay dareen isku dhafan, Waxaan soo afjaraynaa riyo aan inbadan ku taameynay," ayuu yiri Herman oo 53 sano jir ah, haddana ku fakaraya in uu markale adduunka oo dhan dooni ku soo maro. Wuxuu wareysi siinayay wakaaladda wararka ee AFP.

Candelaria, oo 29 jir ahayd markii uu safarku billowday, haddana waxay jirta 51 Sano, waxay sheegtay in wixii ugu weynaa uguna wacnaa uu ahaa dadkii ay jidka kula kulantay intii ay safarka ku guda jirtay.

"Dadku waa cajiib, bini'aadannimada iyo naxariisata ay ituseen ayaa ah wax aan la rumaysan karin," ayay tiri Candelaria.

Waxay sheegtay inay booqdeen ilaa 102 waddan, inkastoo ay ku qasbanaadeen inay ka leexdaan waddamada qaarkood sababo la xiriira dagaallo ama colaado dalalkasi ka taagnaa.

Sida ay ku bilaabeen socdaalkooda

Lammaanahan ayaa waxay isqabeen muddo lix sano markii ay safarkooda bilaabayeen, waxay haysteen shaqooyin wanaagsan waxayna dhisteen guri, iyagoo qorsheynayay inay carruur yeeshaan.

Sidoo kale, markii ay ku soo dhacday fikiradda ah inay dunida oo dhan ku soo wareegaan, waxay safarkoodii ugu horeeyay oo lug ah ay kutageen magaalada Alaska oo ku taalla dalka Mareykanka.

Kadib qof ayaa u soo bandhigay inuu ugu deeqo baabuur, nooca Graham-Paige ah oo ay soo saartay warshad Mareykan ah sanaddii 1928 .

"Matoorku baaburka ay ahaa mid cillideysan , rinjiguna aad ayuu baaba'sanaa," ayay tiri Candelaria Zapp.

Harman oo ah ninka qabo Candelaria Zap ayaa dhankiisa sheegay mar uu ka hadlayay baabuurka loogu dheeqay " kuraastiisu ma fiicno, mana lahan marawaxadaha gudaha, laakiin waa gaari ku fiican magaaloyinka , wadoyinka dhiiqada ah iyo kuwa burbursan."

Muddadii 22 sano ee ay safarkooda ku jireen 8 jeer oo kali ah ayay badaleen taayarada, halka labo jeerna uu baaburkan u baahday in matoorka laga sameeyo ,cilado farsamo oo ku yimid.

Harman iyo Candelaria ayaa si casriyeysan u farsameeyay baabuurka marka la barbardhigo sida uu marka hore ahaa.

Qeybta kore ee baaburka waxay ku sameeyeen goob ay caruurta iyo iyagaba seexdaan marka ay nasasho u baahdaan. Waxay u sameeyeen wax walbo oo ay baahan doonaan, sida jiko, hab ay biyaha ku kululeysan karaan iyo goob ay alaabtooda ku keydsadaan.

Baabuurka ayay dhinaciisa ku xardheen " Waa qoys ku socdaalaya adduunka oo dhan."

qoyska Zapps

Xigashada Sawirka, AFP

Qoyska ayaa dhamman caruurtooda waxaa ay dhasheen intii ay safarka ku jireen

Pampa oo hadda 19 sano jir ah ayaa ku dhashay Mareykanka halka Teheue oo isna 16 sano jir ah uu ku dhashay mar ay qoysikiisu safar ku marayeen waddanka Argentina.

Qoyka ayaa kadib go'aansaday inay baabuurka ballaariyaan iyaga oo badh ka jaray oo ku daray ilaa 40 cm (16 inji) iyo kursi kale, si ay helaan boos ku filan iyaga iyo caruurtooda.

qoyska Zapps

Xigashada Sawirka, AFP

Kadib waxaa qoyska ku soo biiray Paloma, oo hadda 14 jir ah kuna dhashay Kanada, iyo Wallaby, 12 jir, oo isna kudashay Australia.

qoyska Zapps

Xigashada Sawirka, AFP

Mar ay sanaddii 2020 in muddo ah ku xayirnaayeen dalka Brazil sababo la xiiriira xayiraadihii ka dashay Covid-19 ayaa qoyska waxaa ku soo biiray eey la yiraahdo Timon iyo bisad la yiraahdo Hakuna.

Qoyskan ayaa intii ay safarkooda ku jireen waxay sheegen in ku dhwaad 2000 oo qoys oo ku sugan goobo kala duwan ay martiqaad ka heleen.

"Dadka waa kuwa aad u naxariis badan intooda badan waxay isku dayayeen inay qeyb ka noqdaan inay riyadeena noo rumowdo" ayay tiri Candelaria

Candelaria ayaa dhanaka kale sheegtay in safarka uu ahaa mid aad u adag . "Herman waxaa ku dhacay cudurka duumada, sidoo kale mar aan safar ku mareynay qeybo kamid Aasiya waxaa ka dilaacay furuqa shimbiraha, waxaan sidoo kale aad caqabad kala kulanay mar aan joognay Afrika oo uu kadilaacay Ebola iyo qandhada dengue oo iyadana nagu haleeshay Bartamaha Ameerika".

Waxaan helnay saaxibo badan intii aan socdaalka ku jirnay.

Waxay sheegeen in dadka ay aad u soo dhaweynayeen mar walbo oo ay magaalo cusub yimaadan ,halka qaarkood ay sawirro la galayeen.

Dadka badan waxay iibsadeen nuqullo ka mid ah buugga ay Zapps ka qoreen socdaalkooda, cinwaanna looga dhigay "Rumeynta Riyo." Waxay iibiyeen ilaa 100,000 xabbo waxayna sheegeen in tani ay tahay isha ugu weyn ee ay ka heleen dakhligooda intii ay safarka kujireen.

Qoyskan ayaa waxay socdaal ku soo mareen qeybo badan oo kamida ah Ameerika, Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Carruurta ay dhaleen qoyska Zapps, ayaa waxay u ahayd waayo-aragnimo lama ilaawaan ah, waxayna waxbarashadooda kawateen qaab fogaan arag ah intii ay safarka kujireen.

Hadda, waxay wax barashooda ka sii wadan doonaan dalka Argentina.

"Waxaan u xiiso qabaa in aan sameysto saaxiibo badan," ayuu yiri Paloma, oo ah 14 jir.