Ilmihii ugu horreeyey UK ee ay dhasho haweeney ilmo galeen lagu beeray

Gabar "mucjiso ah" ayaa noqotay ilmihii ugu horreeyay ee ku dhasha UK ee ay dhasho hooyo lagu beeray makaanka qof kale.
Hooyada ilmaha, Grace Davidson, oo 36 jir ah, ayaa dhalatay iyadoo minkeedu uusan shaqeyneyn, waxaana sanadkii 2023 lagu tallaalay minka walaasheed – taasoo noqotay markii ugu horreeysay ee hannaankan uu ka guuleysto gudaha UK.
Labo sano kadib qalliinkaas guusha kusoo idlaaday, Grace ayaa ilmaheedii ugu horreeyay dhashay February. Iyada iyo seygeeda, Angus, 37, ayaa gabadhooda ugu magac-daray Amy , magaca Grace walaasheed ugu deeqday minka.
Iyadoo heysa ilmaheeda - Amy - oo miisaankeedu ahaa wax ka badan labo kiilo, ayay Grace sheegtay in arrintan tahay mid yaab leh.
"Xoogaa waxay ahayd wax mucjiso ah sababtoo ah weligeen ma aynaan sawiran sida ay noqon doonto marka ay dhalaneyso," ayay tiri. "Dhabtii waxay ahayd wax mucjiso ah."
Grace iyo Angus, ayaa ku nool waqooyiga London balse waxay asal ahaan kasoo jeedaan Scotland, waxayna rajeynayaan inay dhali doonaan ilmo labaad iyagoo isla minkaa lagu tallaalay adeegsanaya.
Lammaanaha ayaa markii hore doonayay inay qarsoodi u ahaato arrintooda, balse kadib markii ay si nabad leh ugu dhalatay Amy waxay haatan BBC uga warrameen "gabadhooda mucjisada ah".
Kooxda qalliinka sameysay oo la hadashay BBC ayaa sheegay in ay sameeyeen saddex kale oo qalliinka tallaalida ilmo-galeenka, tan iyo intii ay Grace ku tallaaleen, iyada oo la adeegsanayo kuwa ay ku deeqeen dad dhintay. Waxa ay doonayeen inay fuliyaan wadar ahaan ilaa 15 iskuday, taas oo qayb ka ah tijaabada caafimaad.
Grace ayaa ku dhalatay xaalad naadir ah oo ah cudurka loo yaqaan Mayer-Rokitansky-Küster-Hauser (MRKH) syndrome oo ilmo galeenku maqan yahay ama uusan korayn, hase ahaatee leh ugxan shaqeynaysa.
Waxaa markii ugu horeysay ee BBC ay la hadashay 2018 ay rajaynaysay in hooyadeed ay ku deeqdo ilmo galeenka si ay ugu ogolaato inay carruur yeelato, waxaase ay noqotay mid aan ku habboonayn.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
BBC ayaa mar kale la kulantay Grace iyo saygeeda Angus sanadkii 2019, markii mid ka mid ah walaalada Grace oo lagu magacaabo Amy Purdie la qiimeeyay si loo ogaado haddii ay ugu deeqayso ilmagaleenkeedaGrace. Amy iyo saygeeda oo horay u lahaa laba caruur ah ayaan doonayn ubad kale taasi oo ay ku ogolaadeen talaalka.
Labada gabdhood ee walaalaha ayaa ka hor qalliinka inta aysan galin waxaa ay qaateen latalin. Grace iyo Angus sidoo kale waxa ay lahaayeen kaydka bacriminta, waxaana wali haystaan dhowr uurjiif oo kayd ah. Grace ayaa xambaarida ilmaheeda sheegtay inay ku dareemaysay mid "runtii muhiim".
"Weligeey waxaan lahaa dareen hooyonimo," ayay tiri, "laakin sanado badan ayaan cabursanaa sababta oo ah aad ayey u xanuun badan tahay inaan halkaas aado."
Sanadkii 2014 ayaa Ilmihii ugu horreeyay ee ku dhasha tallaalka ilmo-galeenka uu ku dhashay Sweden. Tan iyo wakhtigaasi ku dhowaad 135 tallaal oo noocan oo kale ah ayaa laga sameeyay in ka badan 12 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Hindiya iyo Turkiga. Waxaana dhashay ku dhowaad ilaa 65 caruur ah.
Waxaa horay ugu qorshaysnayd inuu dhaco qalliinka dhamaadkii 2019, waase guuldaraystay waxaana ka dib ku jiray shaki muddo dhowr sano ah intii lagu guda jiray cudurka safmareenka Covid.
Ugu dambayntii waxaa la sameeyay Febraayo 2023, iyada oo ku qaadatay koox ka badan 30 dhakhaatiir ah ku dhawaad 17 saacadood si ay Amy ilmo-galeenka uga soo saaraan oo loogu tallaalo Grace.
Isabel Quiroga oo ah dhakhtarka qalliinka ee hoggaaminayey kooxda tallaalida sameynaysay ee Isbitaalka Churchill ee Oxford ayaa sheegtay in kasta oo qalliinka uu halis u ahaa labada gabdhoodba, haddana waxa ay ahayd "nolo-kordhin iyo nolol-abuur, mana heli kartid wax ka wanaagsan arintaasi."
Amy ayaa sheegtay in aysan dareemin dareenka luminta ee dumarka qaarkood la kulmaan qalliinka ilmo-galeenka ka dib, sababta oo ah waxaa ay ku farxsanayd faa'iidada walaasheed ay helaysay. Grace ayaa heshay caadadeedii ugu horreysay abid laba toddobaad gudaheed ka dib markii lagu sameeyay tallaalida, waxaana ay yeelatay uur isku daygii ugu horreeyay ee IVF.
Waxay ahayd "wax cajiib ah" in la dareemo tuuritaanka laaditaanka ilmaheeda, ayay tiri, iyada oo ku dartay in uurka oo dhan uu ahaa "runtii mid khaas ah".

Ilmaha yar oo la yiraahdo Amy waxaa ay ku dhalatay qaybta qalliinka-ilmaha ee isbitaalka Queen Charlotte ee Galbeedka London, 27-dii Febraayo. Grace iyo Angus ayaa sheegay inay rajeynayaan inay dhalaan ilmo labaad, isla marka kooxda caafimaadka ay sheegaan waqtiga ugu saxsan.
Ilmo-galeenkii lagu deeqay ayaa laga soo saari doonaa, ka dib marka uu dhalasho ilmaha labaad. Taasi ayaa u ogolaan doontaa Grace inay joojiso qaadashada daawada difaaca jirka ee ay hadda jirkeeda ku jirto si ay u hubiso in jirkeedu uusan diidin uurka walaasheed.
Qaadashada dawooyinkan ayaa kordhin karta khatarta ah inay ku dhacaan kansarrada qaarkood, gaar ahaan haddii la qaato sannado badan, waxaase dhakhtarka qalliinka Isabel Quiroga sheegay khatarahani inay ku soo noqdaan asalkoodii marka ilmo-galeenka laga saaro.
Barafasoor Richard Smith oo ah dhakhtar qaliinka haweenka ah oo ka tirsan Imperial College Healthcare oo hogaaminayay kooxda soo saaraysay xubinta jirka ayaa cilmi baaris ku sameeynayay ilmo-galeenka in ka badan labaatan sano.
Waxa uu sheegay in kooxdiisu ay aad ugu faraxsan tahay dhalashada cunugta yar ee Amy oo ay rajo gelin doonto qaar badan oo ka mid ah 15,000 oo haween ah oo ku nool Ingiriiska ee ku jira da'da dhalmada ah kuwaas oo aan lahayn ilmo galeenka shaqeeya, waxaana ku dhowaad 5,000 oo ka mid ah ay ku dhasheen ilmo galeen la'aan.
Smith waxaa uu madax ka yahay hay'ad samafal oo lagu magacaabo Womb Transplant UK oo bixisa kharashaadkii NHS ee hawsha tallaalka Grace. Dhammaan shaqaalaha caafimaadka ayaa wakhtigooda ku bixiyay si bilaash ah.
BBC-da ayuu u sheegay in ku dhawaad 10 haween ah ay leeyihiin uur-jiifta kaydka ama ay ku socdaan daawaynta bacriminta, taas oo ah shardi ah in la tixgeliyo in ilmo-galeenka lagu tallaalo. Tallaalid kasta ayaa ku kacaysa ilaa £30,000, ayuu yiri, hay'adduna waxay haysaa lacag ku filan oo ay ku samayso qalliinka laba kale.
Kooxda sameynaysa qalliinka ayaa fasax u haysta in ay sameeyaan ilmo-tallaalid ilaa 15, oo qayb ka ah tijaabada caafimaad. Waxaana ay kala yihiin shan nool iyo 10 haysta deeq-bixiyeyaal xubnahooda oo geeriyooday. Ma jirto wax faah faahin ah oo laga helay saddexdan haweenka ah ee ilaa iyo hadda helay ilmo-galeenka xubnaha deeq-bixiyayaasha ee geeriyooday.
Qaybta dhiiga iyo tallaalida ee NHS ayaa u sheegtay BBC in ogolaansho dheeri ah laga rabo qoysaska sameeyay deeq bixinta naadirka.
Aabaha dhalay cunugta yar ee Amy, ee Angus ayaa sheegay in isaga iyo Grace aysan waligood awoodi doonin inay u mahadceliyaan walaasha xaaskiisa oo u suurtagelisay inay waalid noqdaan.
Gabadha yar ayaa loogu magac daray habaryarteed Amy, waxaana magaca dhexe laga dhigay Isabel oo ah dhakhtarkii qalliinka ee hogaaminayay kooxda tallaalitaanka sameynaysay.
Grace ayaa inay dhasho cunugteeda yar ee Amy ay keentay inay u sii dhowaato walaasheed.
''Waxaa ay ahayd mid cajiib ah oo adag in ay arintaasi ii sameyso,'' ayay tiri, '' Waxa ay tahay ficil weyn oo jacayl walaaltinimo ah.''













