Sidee ilmahan yar looga soo badbaadiyay hooyo dhimatay uurkeed

Sabriin waxay dhimatay iyada oo aan arag, qabanna ilmaheedii ay toddobada bilood iyo badh uurka ku siday. Waxaana jiray maalmo iyo habeenno ay jirtay cabsi joogta ah, balse Sabriin waxay rajeynaysay in nasiibku ka badbaadin doono dagaalka.
Rajadaas ayaa burburtay ka dib markii ay ku dhimatay qarax nafteedi la tegey habeenimadii 20-ka Bishan April. Ciidamada Israa’iil ayaa bam ku dhuftay guriga qoyska Al-Sakani ay degganayaan halkaas Sabriin, saygeeda iyo gabadhooda kale oo 2 sano jir ah laguna magacaabo Malak ay hurdeen.
Sabriin waxaa soo gaadhay dhaawac aad u daran, waxaana la dilay ninkeeda iyo Malak, laakiin ilmahaan yar ayaa noolayd markii shaqaalaha gurmadka caafimaadku gaadheen goobta iyada oo wali ku jirta uurka hooyadeed.
Isbitaalka ayay ula carareen, qaliin ayayna ku sameeyeen hooyadii iyaga oo ka soo saaray ilmihii.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sabriin waa la badbaadin kari waayay, laakiin dhakhaatiirtu waxay ku hawlanaayeen inay ilmaha badbaadiyaan, iyagoo si tartiib ah laabta uga taabanaya si ay neefqaadashadeeda u xoojiyaan.
"Waxay ku dhalatay cidhiidhi xagga neefsiga ah oo aad u daran," ayuu yidhi Dr Mohammed Salama, madaxa qaybta degdegga ah ee dhallaanka ee cisbitaalka Emirati ee Rafah.
Laakin canugta oo miisaankiisu ahaa 1.4kg ayaa ka badbaaday dhibaatadii ay ku dhalatay.
Dhaqtarka ayaa waraaq ku qoray ereyga "ilmaha ay dhashay shuhadada Sabreen al-Sakani" wuxuuna ku dhejiyay jirkeeda. Kadibna waxaa la geliyey meesha dhallaan koriska
"Waxaan dhihi karnaa waxaa jira xoogaa horumar ah oo laga gaaray xaaladdeeda caafimaad," Dr Maxamed Salama ayaa tiri.
‘‘Laakiin xaaladdu wali waa halis. Xanuunkan neef-mareenka waxa asal ahaan keena dhalmo degdeg ah. Waxay ahayd in ilmahani uu wakhtigan ku jiro uurka hooyadiis, laakiin iyada waa laga duudsiyay xaqaas.”
Dhakhtarku waxa uu filayaa in ay cisbitaalka ku sii jirto ilaa hal bil.
"Intaas ka dib waxaan arki doonaa in ay baxayso...laakiin halkan ayay ka jirtaa musiibaddu xiitaa haddii ilmuhu badbaado, waxay dhalatay iyadoon waalid haysan”.
Ma jirin waalid u hadhay ilmaha oo magac u bixinaya. Walaasheed dhimatay Malak waxay rabtay in loogu yeero Ruux, oo macneheedu yahay naf ama ruux Carabi. Laakiin hadda waxaa loogu yeedhayaa Sabriin, iyadoo lagu xasuusto hooyadeed.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xubnaha qoyska ee badbaaday ayaa isugu soo ururay cusbitaalka iyagoo u dhexeeya maagalnimada ah sidii ilmahaan yar ee waalid la’aanta ah loogu abuuri lahaa nolol qoys oo cusub iyo murugta cadhada leh.
Hooyada dhashay gabadha dhimatay oo ah ayeyda ilmaha yar, Mirvat Al-sakani, ayaa hadashay ayaa sheegtay in tani tahay cadaalad darro iyo xadgudub ka dhan ah da'dan aan waxba galabsan.
‘‘Wiilkaygii [Gabadhayda saygeedii] jidhkiisu waxuu noqday qaybo walina lama helin, mana ayna aqoonsan [dadkii] oo maxay iyaga u beegsadeen?, sababta ma garanayno, waayo ma ogin… keliya waxay beegsadaan haweenka iyo carruurta’’

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Adeerka ilmahan yar oo lagu magacaabo Rami al-Sheikh ayaa sheegay in aabaheed uu kala shaqayn jiray timo-jare.
"Maxay tahay khaladka ay leeyihiin, qoys dhan ayaa laga tirtiray diiwaanka madaniga ah, ruuxa kaliya ee ka badbaadayna waa gabadhaan yar?" ayuu jawaab – u doontay "Kuwani waa rayid caadi ah." Isaga oo sii hadlaya.
Ayayda dhanka Aabbo ee gabadhaan yar oo lagu magacaabo Axalam al-kurdi ayaa ballanqaaday gabadhaan yar in ay korsan doonto. ‘‘Iyadu waa jacaylkayga, naftayda, waana xasuustayda aabbaheed, waana daryeeli doonaa iyada’’.
Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in 34,000 oo qof oo lagu dilay Gaza tan iyo markii uu dagaalku billowday 7-dii Oktoobar, ugu yaraan saddex-meelood laba meel ay yihiin haween iyo carruur.
Israa'iil ayaa weerarkeeda billowday ka dib markii ku dhawaad 1,200 oo Israa'iiliyiin ah iyo ajaanib - oo u badnaa rayid - la dilay 253na lagu qafaashay Qaza iyagoo afduub ahaan u haysta, sida ay sheegtay Israa'iil.
Weerarkii cirka ee Israa'iil ee Rafah habeenimadii 20-kii Abriil ayaa sidoo kale lagu dilay 15 carruur ah oo ka tirsan qoyska ballaaran ee al-Aal.
Aabaha dhowr ka mid ah carruurtan oo lagu magacaabo Abed al-Aal, ayaa sheegay in la tirtiray aqoonsigiisa, maadaama dhammaan carruurtiisa iyo xaaskiisa la dilay.
"I tus hal nin oo iyaga ku jira. Dhammaantood waa carruur iyo dumar," ayuu yidhi.













