Muxuu ku mutaystay fanaanka Saalax Sanaag abaalmarintan weyn

Xigashada Sawirka, Salah Sanag
Saalax Cabdirisaaq Maxamed oo loo yaqaan Saalax Sanaag ayaa ka mid noqday Fanaaniin Afrika caan ka ah oo ku guuleystay abaal marinta abaalmarinta Africa Arts Entertainment Awards, xaflad lagu qabtay magaalada Nairobi.
Labo abaal marin ayuu Saalax Sanaag ka helay xaflada lagu bixinayay abaalmarinadaasi. Waxaa ay kala yihiin fanaankii ugu wanaagsanaa ee Soomaali iyo kii ugu dadaalka badnaa wax soo saarka ee dalaka Bariga Afrika.
'' Waxaa soo qaban qaabiya abaalmarinta hay'adda African arts entertainment award, waxaa lagu qabtay dalka Kenya, gaar ahaan Nairobi'' ayuu yiri Saalax.
Saalax Sanaag oo wareysi siinayay BBC ayaa uga warbixiyay abaalmarintan uu ku guulaystay waxa ay uga dhignayd, isaga oo ay kala qayb galayeen abaalmarinta fanaaniin kale oo ka socda dalalka bariga Afrika.
''Wax weyn beey iiga dhignayd, wakhti badan baan ku haminayay maalin uun in aan ka qayb galo tartamada caalamiga ee dhaafsan fanka Soomaaliga, kuwo badan oo Soomaali ah waan ku tartamay, waana doonayay waan rajaynayay maalin maalmaha ka mid ah in aan bariga Afrika iyo Afrika oo dhan ku tartami doono fanaanka ugu wanaagsan, waxaana ay iiga dhigan tahay in fankii Soomaaliyeed kobcay, indhihii kale ee fanaaniinta Afrika ay ina hayaan, qofkii dadaalaa uu gaari karayo inuu la tartamo fanaan kasta oo Afrikaan ah. Walaahi waa wax weyn oo taariikhdayda fanka baal dahab ah ayay kaga jirtaa'' ayuu yiri Saalax.

Xigashada Sawirka, Salah Sanag
Isaga oo sharaxaya sidii ay ahayd xaflada abaalmarinta ayuu yiri '' Waxa ay ahayd xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo aad u qurux badan, fanaaniin la soo xulay, iyada oo sidoo kale ay ku jireen saxafiyiin, ganacsato, majaajiilaystayaal iyo qof walboo shaqo fiican qabta oo shaqadiisa laga helay lagu abaalmariyay. Fanaaniintu waxaa ay ka ahaayeen qaybta ugu sarraysa abaalmarinta'' ayuu yiri.
Saalax Sanaag ayaa sheegay in uusan ugu guulaysan abaalmarintan hibo uu dheer yahay fanaaniinta kale.
''Waxaa uun aan oran karaa bulshada Soomaaliyeed oo i tustay inay i jecel yihiin, in aan wiilkoodii ahay, ee ii codeeyay. Billadan markii la bixinayo waxa la qiimeeyaa qofka daawashadiisa YouTube-ka, heesihiisa inta daawatay, inta qof ee subscribe iyo followers-ka ugu jira baraha bulshada, falcelinta qofka laga sameeyo xataa waa eegaan oo waxa ay eegeen in wax wanaagsan qofka loo qorayo, dalkiisa in laga jecel yahay. Marka waxa koowaad ee aan ku mutaystay waxa aan oran karaa waa jacaylka dadkayga, falcelinta fiican ee ay ii soo qoraan, daawashada fiican ee ay i siiyaan iyo in ay ii codeeyaan'' ayuu yiri Saalax.
Saalax Sanaag ayaa sheegay in uu fanka ugu jiro jacayl uu jecel yahay iyo aaminaad uu aaminsan yahay iyo ku dadaalid uu sameynayay iyo in dhaqankiisii iyo afkiisii yahay.

Xigashada Sawirka, Salah Sanag
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Abaalmarinta la gudoon siiyay ayuu Saalax sheegay in ay u tahay dhiirigalin oo ay uga dhigan tahay in uu han weyn yeesho.
''Waxa ay igu dhiirigalinaysaa in aan han ka weyn yeesho oo yididiiladeeda sii wado oo aan xataa ku dadaali karo in aan u tartamo kuwo kuwan ka caalamisan ama ka waaweyn, iyo in fankayga sii tayeeyo, muuqaladeyda sii qurxiyo, bulshadeyda Soomaaliyeedna si guud ugu ahaado fanaankooda'' ayuu yiri Saalax.
Fanaaniinta Soomaaliyeed waxaa ay wajahaan caqabado badan, waxaana Saalax isaga oo sharaxaya uu yiri '' Caqabada kali ah ee na hortaagan waa in aynaan si guud wax u eegin, laakiin shakhsiyan qof walba halka uu joogo iyo magaalada uu joogo iyo dadka inta uu la joogo uun aanu ku koobnaan oo ku qiimayn fankiisa. Waxa koowaad ee aan ku dardaarmayaa waxa weeye in ay cid kasta fanaan u ahaadaan oo hibadooda uga faa'iideyn karaan, in ay luuqado kale ku heesi karaan, in ay tartamo caalami ah ka qayb gali karaan iyo in dadka Soomaaliyeed ee ay u heesaana ay si siman u jeclaadaan.
Hay'addan ayaa waxaa aasaasay Dominic TAmin oo ah nin u dhashay Cameroon, laakinse sidoo kale haysta dhalashada Maraykanka, iyo koox dhallinyaro ah oo aaminsan Afrikaannimada (Pan-Africanists), kuwaasoo ku kala nool qaybo kala duwan oo ka tirsan Afrika iyo Caribbean-ka.
2015 ayaa la aasaasay, xarunteeduna waxay ku taalla New Jersey, Maraykanka, ayado sidoo kalena xafiisyo ku leh dalal 10 ka badan oo ku yaalla Afrika iyo Caribbean.













