Daawo: Fanaan Baastow oo waaiyihiisa ka sheekeynaya
Mid ka mid ah heesaha aan laga xiiso dhicin ee Soomaalida ayaa ah heesta Eeddo. Kontonkii sano ee la soo dhaafay waxay marba caan ka dhex noqoneysay jiilka markaas soo baxaya.
Heestaas waxaa ku luuqeeya fannaanka Soomaaliyeed ee Cabdullaahi Shariif Baastoow oo qaaday sanadkii 1976-kii, waqtigaas oo uu ahaa nin da' yar fankana ku cusub.
Cabdullaahi wuxuu fanka ku biiray sanadkii 1975-kii, isaga oo qayb ka noqday tartan ay ka qayb gali jireen dadka leh hibada fanaannimada, kaas oo kuwa ku soo baxa ay noqon jireen fannaaniin laga xiiseeyo geyiga Soomaalida.