Muxuu yahay mashruuca marinka xiriirinaya Berbera iyo Addis Ababa ee looga hadlay shirka Itoobiya?

Xigashada Sawirka, jigjiga university
Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa shalay ka furmay shirka Gorfaynta Waddada Bariga Afrika oo ah waddo ganacsi oo isku xidhaysa magaalooyinka Berbera oo Somaliland ah iyo Addis Ababa oo Itoobiya ah.
Kulankaan waxaa ka qayb galaya maayarro ka kala socda qaar ka tirsan magaalooyinka dowlad deegaanka iyo kuwa Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaliland.
Waxyaabaha diiradda la sarayo waxaa ka mid ah dib-u-habeynta iyo hagaajinta kaabayaasha si loo fududeeyo ganacsiga iyo isu-socodka dadka iyo badeecooyiinka.
Marinka isku xiraya Adis Ababa iyo Berbera ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo wax badan u soo kordhinaya bulshada labada dhinac.
Injineer Shaafi Axmed Macallin oo ah maayarka maamulka magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo BBC la hadlay ayaa sheegay in marinkan isku xiraya Berbera iyo Addis Ababa ay Itoobiya ay muhiimad u aragto marinkan.
"Marinkan runtii waa marin muhiim u ah guud ahaan dalwaynaha Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo kor u qaadi doona dhaqaalaha isku xirka bulshada iyo guud ahaan iskaashiga gobolka" ayuu yiri Mr Shaafi.
Waxaa uu intaa ku daray in muhiimadda shirkan uu yahay mid looga tashanayo sidii guulo looga gaari lahaa mashruuca marinkan Berbera ilaa Addis ababa.
"Waxaa shirkan lagaga doodaa oo darasado lagu sameeyaa jaamacadaha gaar ahaan jaamacadda Jigjiga ay sameysay culeysyada ku iman kara mashruucan marinkan Berbera iyo sidoo kale faa'idooyiinka laga helayo" ayuu intaa ku daray.
Muxuu yahay marinkan?

Xigashada Sawirka, jigjiga university
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkii 2021 ayaa waxay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai heshiis lagu dhisayo jidka isku xira Itoobiya iyo Berbera ee Somaliland la gashay Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya.
Shirkadda DP World ayaa xilligaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qorsheyneyso in maalgashi gaaraya 1 Bilyan oo Dollar ay ku bixiso 10-ka sano ee soo socoto hormarinta kaabayaasha marinkan muhiimka ah.
Waddadan ayaa isku xiri doonta jidka casriga ah ee hadda ka socda dhinaca Itoobiya, waxana ay sii kordhin doontaa in magaalada Berbera ay noqoto mid ka mid ah marinnada ganacsi ee muhiimka ah ee gobolka.
Injineer Shaafi Axmed Macallin Maayarka maamulka magaalada Jigjiga ayaa sheegay in laga shaqeynayo sidii ay uga wada faaideysan lahaayeen dhammaan magaalooyiinka ay waddadani mari doonto.
"Faa'iidooyinka laga helayo iyo sida si wadajir h looga shaqeeyn lahaa faa'idooyiinka laga helayo la isugu xiri lahaa magaalooyiinka uu mashruucu marayo islamarkana mustaqbalka loogu diyaargaroobi lahaa culeysyada ka iman kara mashruucan," ayuu yiri Injineer Shaafi.
Maayarka maamulka magaalada Jigjiga Injineer Shaafi Axmed Macallin ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay dhammeytirka waddadan isku xiri doonta Berbera ilaa Addis Ababa.
"Mashruucaasi wuu socdaa boqolkiiba soddonna shaqada wuu galay mastaqbalkna inaha haray inuu hirgalo ayaa rejo laga qaba," ayuu yiri duqa magaalada Jigjiga.
Dekadda Berbera ayaa kaalinta 165 ka gashay xagga maamulka dakadaha caalamka, sida ay tilmaameyso daraasad uu sameeyay Bangiga Adduunka sanaddii 2021-kii, balse la daabacay 2022-kii.
Itoobiya oo shacabkeedu ka badan yahay 100 milyan oo qof, wuxuuna dalkani u baahan yahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo.
Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekadda Jabuuti iyo tan Suudaan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska.
Berbera sidoo kale waxay kaalinta 171-aad ka gashay xagga baaxadda iyada ka mid ah dekadaha ugu weyn ee ku yaalla waddammada saxaraha Afrika ka hooseeya.
shirkadda DP world ayaa balaarin ku sameysay dekadda Berbera taasi oo ka sii dhigtay mid casri ah oo kaalimo wanaagsan gobolka kaga jirta.













