Waa sidee nolosha gogosha ee lammaanaha kadib markay dumarku caadada ka go'do?

Haweenka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hammad yaraan dhanka gogosha ah, qalleyl xubinta taranka ee haweenka ah, iyo isbeddel daran oo dhanka dabeecadda ah... Kuwan waa keliya qaar yaroo ka mid ah calaamadaha ay haweenku inta badan isku arkaan marka ay caadadu kasii go'eyso.

Hannaanka isbeddel ayaa bilaaban kara toban sano kahor inta aysan caadadu tegin. Muddadan ayaa lagu magacaabaa perimenopause (muddada ka horreysa caado-goa').

"Galmadu waxay noqotaa mid aad u xanuun badan," ayay tiri Susan, oo ah haweeney ku jirta da'aadda 40meeyada oo ku nool Vancouver, Canada, taas oo haatan wajaheysa sanadaha ay caadadu kasii go'eyso.

"Weli hammad waan leeyahay balse xanuunka ayaa wax walba burburinaya. Ma aanan fahmin sababta markii hore muddo ayayna igu qaadatay inaan kala hadlo dhaqtarkeyga."

Waxaa laga yaabaa in dumarku saddex meelood meel ay noloshooda ku qaataan xilliga ka dambeeya caado-go'a.

Dhammaadka dhiigga caadada sababo la xiriira heerarka hoormoonka oo isbeddela ayaa lagu magacaabaa menopause.

Hannaankan, oo xilliga dhalmada ee haweenka soo afjaraya, ayaa la imaan kara isbeddello dhanka jirka iyo maskaxiyan ahaan.

Dr Aziza Sesay, oo ah dhaqtarad haweenka oo ku nool UK, ayaa sheegtay in qalleylka xubinta taranka haweenka uu sabab u yahay hoormoonka estrogen oo sii yaraada, taasoo sababi karta xanuun xilliga galmada.

Si kastaba, waxay sheegtay in dhaqamo badan ay weli ceeb ka tahay inay haweenku ka hadlaan gogosha, iyadoo tiri, "Weli waxaa jira haween u maleeya in galmo xanuun ah ay tahay wax caadi ah, iyo kuwo aaminsan inay qasab tahay in xanuunkaas la maro si loo raalli-geliyo ninka."

Dr. Sesay ayaa sheegtay in aaminaaddaas at ka hor istaageyso haweenka inay toos arrintan uga hadlaan. "Tani waa sababta haween badan ay ugu dhibtoodaan aamusnaanta," ayay tiri.

Hoormoonnada iyo calaamadaha qarsoon

Dr. Sesay ayaa sheegtay in hoormoonka testosterone iyo sidoo kale estrogen, ay mas'uul ka yihiin hammada, marka ay bilaabaan inay hoos u dhacaanna, uu isbedde ku imaanayo dareenka.

Rosie, oo 45 jir ah, kana soo jeedda Jarmalka, ayaa gebi ahaanba iska saartay makaanka sababo la xiriira kansar ku dhacay iyadoo 30 jir ah. Taas ayaa keentay inay xilli hore caadada ka go'do.

"Aad baan uga heli jirya gogosha, balse kedis bey intaas oo dhan ku dhammaadeen, xitaa waxba ma dareemi jirin jinsi ahaan," ayay Rosie u sheegtay BBC-da.

Dr. Nazanin Maali, oo cilmi-nafsiga baratay khabiirna ku ah arrimaha gogosha kuna nool California, Mareykanka, ayaa sheegtay in inta badan haweenka ay u yimaadaan iyagoo ka cabanaya inay hammada ka guurtay iyo xanuunka dhanka galmada ah marka ay caadadu ka go'do.

Haweenka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba, qalleylka xubinta taranka amaba hammad yaraan ma aha keliya sababaha ay haweenku uga caajisaan gogosha.

Yas, oo 49 jir ah kuna nool England, waxaa dareenkeeda wax u dhimay caabuq kaadi-mareenka oo soo laalaabtay.

"Gebi ahaanba dareenka ayaa iga tegay sababtoo ah caabuq xanuun badan ayaan qaadayay galmo walba kadib," ayay Yas u sheegtay BBC-da, iyadoo intaa raacisay in dhaqaatiirteeda aysan taa u aaneynin caado go'a.

Dr. Sesay ayaa sheegtay in caabuqa kaadi-mareenka uu sidoo kale ka dhasho hoormoonka estrogen oo yaraada.

Dhaqamo badan, nolosha gogosha ee haweenka ayaa keliya loo arkaa tan taranka, taas oo abuureysa fekradda ah in noloshooda gogosha ay dhammaaneyso kadib caado-go'a.

Bulshooyin badan oo tixgeliya dhalinyaronimada, caado-go'a ayaa haweenka ku beeri kara dareen baroor-diiq, sida ay sheegtay Dr. Maali, balse waxay sidoo kale intaa raacisay, "waxaa igu xiran macaamiil noloshooda ugu wanaagsan ee gogosha ku jira kadib caado-go'a."

Marka ma jiraan wax xal ah?

Haweenka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay sheegtay Dr. Maali, "waxaa jira xal loo hayo dhammaanba caqabadahan la socda caado-go'a. Caawinaad badan oo dhanka caafimaadka iyo kuwo kaleba, ayaa haweenka ka caawin kara inuusan dareenkoodu is dhimin."

Talada ugu fiican ee Dr. Maali ee nolosha gogosha looga dhigayo mid nool ayaa ah:

"Dib u qiimee fekerka aad ka qabto nolosha gogosha.

"Dhammaanteen waxaan maanka ku heynaa waxa ay galmadu noqon karto, balse jirkeennu wuu is beddelaa, waxaan u baahannahay inaan maskaxdeenna cusbooneysiinno. Is weydii: Maxaa nolol fiican oo gogosha ah ay iiga dhigan tahay?"

Dr. Aziza Sesay ayaa ku baaqeysa inaan laga caajisin in caawinaad la raadsado haddii calaamadaha caado-go'a ay saameynayaan noloshaada gogosha.

Daaweynta ugu badan waa nooca loo yaqaan Hormone Replacement Therapy (HRT), sida ay sheegtay Dr. Sesey.

Daaweyntan ayaa noqon karta wax la marinayo xubinta taranka amaba kaniiniyaal.

Sidoo kale daliigid caafimaad oo qeybta caloosha ka hooseysa lagu sameynayo ayaa sidoo kale lagu taliyaa.

Isbeddel lagu sameeyo hab-nololeedka, jimicsi, cunidda khudradda, yareynta aalkolada iyo sigaar cabidda oo la iska daayo miisaankana lala socdo ayaa sidoo kale caawin kara haweenka ku jira da'da caado-go'a sida ay sheegeen dhaqaatiirta.

Ugu dambeyn, arrinta ay Dr. Sesay inta badan xoogga saareyso ayaa ah: Daryeel naftaada.